Madaxweyne Rayaale oo hab nidaamka dawladnimo ka baxsan Xilkii uga qaaday Agaasime guud

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii guud ee Wasaarada Warfaafinta Axmed Xasan Yuusuf.

Markaan arkay; cabashooyin badan oo masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Warfaafintu kaa soo gudbiyeen; iyadoo horena Wasaaradda Qoyska ee aad Agaasimaha guud ka ahayd Wasiirkeedu ay cabashooyin tan la mid ah kaa soo gudbisay;

Markaan arkay; inaad caadaysatay in madaxda kaa saraysa aanad wax wada-shaqayn ah la yeelan oo aad nidaamkii dawladnimada ee ku dhisnaa kala dambaynta iyo wadashaqaynta; iyadoo markii aan kaa soo bedelay Wasaaraddii hore aan rejaynayay inaad bedelayso dhaqankaas, balse aan ogaaday in aanay waxba iska kaa bedelin. Sidaa darteed, waxaan gartay inaan kaa qaado xilka Agaasimenimo ee Wasaaradda Warfaafinta, kuuna madaxbaneeyo danahaaga shaqsiga ah.

Waxaan kaa rejaynayaa in sidii horeba xilka laguugu wareejiyay, inaad si niyad-sami ah oo kalsooni ah aad si kumeel-gaadh ah ugu wareejiso Agaasimaha Idaacadda Raadyow Hargeysa Maxamed Siciid Muxumed.”

Somaliland,Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.