Madaxweyne-xigeenka oo guddi Wasiiro ah u saaray Aaska Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe)

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay inuu guddi qabanqaabo u magacaabay aaska marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo maalmo ka hor ku geeriyooday caasimada Faransiiska ee Paris.

Siday xalay faafisay Idaacadda Horyaal, Madaxweyne kuxigeenku waxa uu aaska Danjirihii Somaliland ee Faransiiska u magacaabay guddi ka kooban Wasiiro Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka tirsan.

Guddidan ayaa la sheegay in  ay ka mid yihiin; Wasiirada Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), Wasiirka Deegaanka Maxamed Xagar Dirir, Wasiir kuxigeenka Khaarajiga Axmed Aadam Ismaaciil (Keyse) iyo xubno kale.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka ayaa hore u sheegay in Xukuumadda Somaliland kala dooransiisay laba qodob oo kala ahaa, inay iska bixiyaan kharashka Diyaaradda lagu soo qaadayo Marxuumka iyo in lagu aaso Magaalada Paris ee Faransiiska.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.