Guddomiya Xigenka Kulmiye, Muj. Muse Bixi Oo Tacsi Diraya Geeridii Fagadhe

TACSI

K/s Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Md. Muse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan xubnaha Xisbiga iyo taageeraashaba, waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, oo dalka Faransiiska ku geeriyooday 27/12/2009.

Marxuunku waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii bud-dhigay Somaliland, isla markaana door muhiim ah ka soo qaatay dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

MD. MUSE BIIXI CABDI

K/S GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
AHNA GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA

Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.