Gudd Xisbiga UCID Md Faysal Cali Warabe Oo Mahadnaq U Diraya Jaliyadda Somaliland Ee UK

Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Salaan iyo Mahadnaq

Anigoo ah Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe waxaan halkan salaan iyo mahadnaq balaadhan uga dirayaa guud ahaan Jaaliyadda sharfta leh ee Somaliland / Uk ,waxaanan si gaaar ah ugu mahadcelinayaa reer Bristol iyo reer London Martiqaadkii iyo soo dhawayntii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee ay sida gaarka ah noogu fidiyeen Aniga iyo Marwadayda.

waxa kale oon aan aad ugu mahadnaqayaa Dumarkii sharafta lahaa ee sida gaarka ah noo casuumay ,sidoo kale waxaan u mahad celinayaa dhamaan Masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid ee hawshan weyn ee qiimaha leh soo qabanqaabiyey iyo cid kastoo gacan ka geysatey.

Runtii waa arrin aanan iloobi karin oo dareenkayaga taabatay, Insha.alaahu waxa inoo ballan ah ALLE KA CABSI iyo in qofkastaa meesha uu joogo ka dadaalo kana fekero siduu uga qayb qaadan lahaa dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena hooyo

Waad mahadsan tihiin

Wa bilaahi tawfiiq

Wa salaamu caleykum warraxmatulaahi wa barakaatu

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.