Xukuumadda Somaliland oo la sheegay inay diidday bixinta Kharashka Diyaaradda Maydka Fagadhe

Hargeysa (Somaliland.Org)- Siciid Saalax Nuur oo ay walaalo yihiin marxuum Maxamed Saalax Nuur “Fagadhe” oo doraad ku geeriyooday cusbitaal ku yaala dalka Faransiiska, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland oo markii hore  ku ballan qaaday in meydka safiirka loo soo qaado Somaliland ay si cad u diideen in meydka loo soo qaado dalka.

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur “Fagadhe” oo 3 cisho ka hor ku dhintay dalka Faransiiska isla markaana meydkiisu ilaa hadda uu yaalo cusbitaalkii uu ku geeriyooday oo la filayay in dalka loo soo qaado, ayaanu wax ka weydiinay Siciid Saalax Nuur oo ah marxuumka walaalkii oo isagu meydka marxuumka 3 maalmood ku haya cusbitaalkaasi oo aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay ayaa wargeyska Haatuf uga waramay waxyaabaha dib u dhaca ku riday soo qaadistii meydka marxuumka ayaa isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi. “ siddii ay ii lahaayeen xukuumaddu wax  baanu soo sameynaynaa caawa ayuun baa  la igu yidhi, way diideen oo waxay yidhaahdeen halkaasi ha lagu aaso,aniguna meydkii baan ilaa hadda weli dul joogaa”.

S : yaa yidhi, wey diiday xukuumaddu in meydka la soo qaado?

J : waxa la igu yidhi, nin Keyse la yidhaa oo wasaaradda arrimaha dibada lagaga tagay isagu maanta gelinkii hore wuu ila soo hadlay oo wuxu igu yidhi, wax baanu soo sameynaynaa laakiin waxa la igu yidhi, xukuumaddu way diiday oo waxay tidhi, Paris ha lagu aaso dabeeto qoyskii baa igu yidhi, si dhakhso ah burrito noogu soo sheeg kharashka lagu soo qaadayo waanu soo direynaaye, waxaanay doonayaan in dalka aan u soo qaado, berito waxan soo xaqiijinayaa inta ku baxaysa kharashka kaddibna waan soo qaadayaa”.

S : xukuumadda miyaad ka quusatay inay kharashkii aad ku soo qaadi laheyd soo dirto?

J : dhowr cishaba iyagaa nagu lahaa wax baanu soo sameynaynaa ee naga war sug laakiin caawa uun baa la ii soo cadeeyay inay diideen marka kharashka familygu soo diraan ayaanu marxuumka meydkiisa dalka u soo qaadaynaa.

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur “Fagadhe” oo isagu ahaa wakiilkii Somaliland u fadhiyay magaalada Paris oo isagu saddex maalmood ka hor ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaaladaasi ayaan ilaa hadda dalka la keenin isagoo hore ugu dardaarmay in lagu aaso dalkiisa hooyo, waxanu ka mid ahaa marxuumku siyaasiyiintii reer Somaliland ee halganka aas aaskii dib u dhiska Somaliland qaybta libaax ka soo qaatay.

Dhinace kale xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah iyadu ka soo saarin sababaha dib u riday in marxuumka meydkiisa dalka loo soo qaado.

Xigasho: Haatuf

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.