Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo booqasho ku tegay Cusbatalka guud ee Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta booqasho kedis ah ku tagay Cusbiaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta booqday Bukaanka jiifa Waadhadhka kala duwan ee Cusbatalka guud ee Magaalada Hargeysa, ayaan waqtigaa wadan Ilaalo tiro badan oo Direys, Hub iyo Tikniko ku hubaysan. Waxaanu halkaa warbixino la xidhiidha xaaladda Cusbatalka kaga dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Haybe, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Anwar Maxamed iyo Maamulka kale ee Cusbitalka.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka dib kormeerka uu ku soo maray Waadhadhka Cusbatalka guud ee Hargeysa, waxa uu bukaanka Ilaahay uga baryay in uu Caafimaad siiyo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.