Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland oo xaalad Caafimaad dibedda loogu qaaday

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa shalay loo duuliyay dalka dibaddiisa.

Inkastoo aanu jirin wax war ah oo rasmi ahaan laga soo saaray halka loo qaaday, haddana siday sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa uu socdaalkiisa dibaddu la xidhiidhaa arrimo Caafimaad.

Taliyaha oo abbaaro 10:00 subaxnimo diyaarad Rakaab ka raacay Madaarka Hargeysa, waxa si diiran u sii sagootiyay Ciidanka Booliska.

Taliyaha guud ee Booliska waxa ka muuqday xanuun, iyadoo uu Xannuunka laga dareemayay intii uu u sii socday diyaaradda qaaday oo dhex taagnayd badhtanka gegida diyaaradduhu ka ka duulaan. Hase yeeshee, ma cadda nooca xanuunkaas Taliyuhu dibadda ugu duulay.

Sidoo kale, ma cadda inuu ku negaan doono magaalada Addis Ababa oo diyaaradda uu raacay u duushay iyo inuu dhaafi doono dalka Itoobiya.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.