Xukuumadda oo Xabsiga u taxaabtay Dhakhaatiir eedayn u jeediyay Wasaaradda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay dhakhaatiir ka hawlgala maxjarka Berbera, kuwaasi oo soo bandhigay fadeexado musuqmaasuq oo uu ku kacay wasiirka xannaanadda xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.

Dhakhaatiirta xukuumaddu xabsiga u taxaabtay oo kala ah Dr. Daa’uud Ismaaciil Nuur iyo Dr. Maxamed Xuseen Xasan oo shalay lagu xidhay xarrunta CID-da magaaladda Hargeysa, waxa loo haystaa warbino ay ku soo bandhigeen fadeexadaha musuqmaasuq ee dul hoganaya wasiirka xannaanadda xoolaha oo ay toddobaadkii hore ku baahiyeen wargeyska Jamhuuriya.

Sida uu xalay Jamhuuriya u xaqiijiyey Saleebaan Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa dhakhaatiirta wasiirka xannaanadda xoolaha ku eedeeyey musuqmaasuqa, waxa dhakhaatiirta la soo xidhiidhay sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada CID-da oo ku wargeliyey inay yimaadaan xarrunta CID-da Hargeysa, isaga oo ku wargeliyey in wasiirka xannaanadda xooluhu soo dacweeyey, balse markii ay tageen xarrunta CID-da la xidhay.

“Waxa maalintii Khamiista nala soo xidhiidhay sarakal sare oo ka tirsan CID-da, waxaanu nagu yidhi saddexdiina dhakhtar ee wargeyska wax ku qoray kaalaya xarrunta CID-da Hargeysa, axa idin soo ashkateeyey wasiirka xannaanadda xoolaha, markaa shalay ayay Dr. Daa’uud Ismaaciil Nuur iyo Dr. Maxamed Xuseen Xasan tageen CID-da, inta su’aalo la weydiiyey ayaa markiiba la xidhay, aniguna waan ka hadhay oo maan raacin, sidaa ayaanan uga badbaaday in la ixidho.” Sidaa waxa yidhi; Saleebaan Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa dhakhaatiirta fadeexadaha musuqmaasuq ee uu ku kacay wasiirka xannaanadda xoolaha sida taxanaha ugu baahiyey wargeyska Jamhuuriya.

Waxa kale oo uu Saleebaan Cabdi Ibraahim sheegay in xadhigga dhakhaatiirtaa aan loo marin sifo sharci ah, isaga oo xusay in xadhigooda aan loo cuskan waaran maxkamadeed, balse si sharci daro ah oo ka baxsan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal xadhigooda loo maray.

Xigasho: Jamhuuriya

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.