Wakiilkii Somaliland u fadhiyay Dalka Faransiiska oo geeriyooday

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wakiilkii Somaliland u fadhiyay Dalka Faransiiska Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) oo muddooyinkanba dalkaas ku xanuunsanayay, ayaa shalay ku geeriyooday Cusbatal ku yaala Magaalada Paris.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) ooh ore u ahaan jiray Wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland, isla markaana ka hor intii aan xilkan Wakiilnimo aanu qaban ka mid ahaa Madaxda Xisbiga KULMIYE, ayaa in muddo ahba xannuun u jiifay Cusbatal ku yaala Magaalada Paris.

Sida uu toddobaadkan sheegay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Axmed Aadan Ismaaciil, Wasaaraddaas ayaa xilkan si ku-meel-gaadh ah uga wareejisay Marxuumka intii aanu geeriyoon, isla markaana waxay xilkaas u dhiibeen Madaxa Xafiiska Ganacsi ee Somaliland.

Madaxweyne Rayaale iyo Madaxda Axsaabta Mucaaradka, ayaa tacsi u diray guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Fagadhe. Waxaanay Ilaahay uga baryeen in uu  naxariistii janno ka waraabiyo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.