“Hooyaday way I qarisay, waxaanay ii dirtay Xero Qaxooti oo Suuriya ku taala”

Hargeysa (Somaliland.Org)- “Faadumo Maxamed iyo Ninkeedu waxay waajaheen khatar ka dib markay is-guursadeen. Faadumo iyo Ninkeeda Aadan Jaamac waxay ku soo wada koreen Magaalada Marka ee Soomaaliya oo 45 Mayl Koonfurta ka jirta Caasimadda Muqdisho, halkaas oo ay noloshoodaba isku yaqaaneen.” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin Wargeyska West Seattle Herald uu ka qoray dhacdo la xidhiidha lammaane Soomaali ah oo dhibaato ka mutay takoor-Qabiil, ka dib markii ay is-guursadeen.

Warbixintan oo Wargeyska West Seattle Herald uu ku iftiiminayo nolosha lammaanahan Soomaalida ah iyo halkay ku dambeeyeen, isla markaana uu Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay, ayaa waxay u dhignayd sidan;

“Lammaanahani waa Muslimiin noloshoodu dabaqadda dhexe ahayd. Hase ahaatee, markii ay is-guursadeen, waxay inyar u jirsadeen inay saxeexaan Qoraalkeedii dhimashada amaba inay dhintaan, waanay ka war qabeen.  Sababtoo ah, Faadumo waxay ka dhalatay reer Mansab ahaan sarreeya iyo Aadam oo ka dhashay mid la takooro. Soomaalidu waxay sidaa isugu qaybisaa Qabaa’il. Sidaa darteed, labadan qabiil ayay mamnuuc tahay inay kala guursadaan. ‘aad bay dhif iyo naadir u tahay.’ Ayay tidhi Faadumo, waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, ‘Ninkan waan jeclaa, waxaananu doonaynay in aanu samayno fac cusub oo aanu bedelno dhaqankaas. Waxaananu rejaynayay in aanu noloshayada oo dhan qarinayno.’

Waxay lammaanahani u guureen magaalo ku taala Koonfurta oo xigta dhinaca Xuduudka Kenya oo aanu ka filaynay nolol wacan. Aadam wuxuu lahaa Dukaan iibiya Dharka iyo Cuntada, taas ayaa hirgelisay Nolol wacan. Faadumo waxay sheegtay in xitaa dadka Tujaarta ah ee Qabaa’ilkaa ka dhashay loo tixgeliyo kuwo nasab ahaan liita.

Faadumo waxay ku hadashaa inyar oo Ingiriisi ah, laakiin marka ay Waraysigan bixinayso gabadh Soomaaliyad ah oo ay saaxiib yihiin, derisna yihiin oo layidhaahdo Shuuto Cismaan oo Maraykanka joogtay ilaa 1995-kii, ayaa ka caawinaysa turjumaadda. ‘Marka laba qof oo isku cusubi iska hor-yimaaddaan Soomaaliya, waxay odhanayaan, Iska waran, sidee tahay. Kelmadda saddexaadna waxay tahay, yaad tahay iyo halkeed ka timi? Taas ayaa ah sababta ay ku ogaanayaan Qabiilka qofkani ka dhashay. Aniga iyo Aadam waxaanu ku dhex noolayn Bulsho kaliya, waxaanu cunaynay Cunto isku mid ah, isku si baanu Dharka u helaynay. Laakiin, waxa nalaga faafiyay wax aan jirin.’ Ayay tidhi Faadumo. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, ‘Qoyskayagu way ka wareereen arrimahan, waxaanay igu yidhaahdeen, haddaanad joojinin xidhiidhka Ninkan, tallaabo ayaanu kaa qaadaynaa, waananu idin dilaynaa adiga iyo Ninkaagaba. Tani waxay Qoyska oo dhan ku ahayd weji-gabax, waxaanay Caruurtayadu ula muuqdeen isku-dhaf.  Qabiilkaygu waxay u tartamaan Madaxweynenimada, waxaanay haystaan Shaqooyin sare. Balse, Qabiilkiisa looma ogola inay Dawladda u shaqeeyaan, inay helaan Shaqooyin iyo inay na guursadaan toona. Sidaa darteed, Ninkaygii wuu baxsaday.  Hooyaday ma ogolayn Guurkayaga, haddana ma doonayn in Inanteeda ay dilaan Innamadeedu. Way I qarisay, waxaanay awoodday inay ii dirto Xero Qaxooti oo Suuriya ku taala. Taas oo ahayd dariiqa kaliya ee laga geli karayay dal shisheeye.’

Lammaanahani way kala lumen. Mid kastaana wuxuu u maleeyay in kii kale ay dileen Qoyskii Faadumo. Saddex Caruur ah oo ay dhaleen intay ka timi, ayay Faadumo u socdaashay Maraykanka. Waxay timi Atlanta oo ay ka heshay mid ka mid ah Qabiilka Aadam, kaas oo yaqaanay dad badan oo dadka la takooro ah oo uu ka mid yahay Aadam Ina-adeerkii. Ina-adeerkii wuu ogaa in uu Aadan nool yahay oo uu joogo Abu-Dhabi. Faadumo way la hadashay Aadan, taas oo keentay in uu farxad la suuxi gaadho. Waxaanay Faadumo tagtay West Seattle, si ay halkaa ugu sugto imaanshihiisa. Laba sanno ka dib, markii ay kala qaxeen, Aadam wuxuu u maleeyay in Gabadhu ka dhimatay, waxaanu guursaday gabadh kale oo u dhashay Gabadh yar. Hase ahaatee, markii ay Faadumo la xidhiidhay, wuu furay Gabadhii cusbayd ee uu guursaday, waxaanu ka soo qaatay Ilmihii ay u dhashay. Nasiib-darrose, gabadhii uu furay way dhimatay, ka dib markii ay Rasaasi ku dhacday iyada oo ku sugan Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Maraykanku way diiday dalabkii Aadam ee socdaalka, ka dib markii lagu eedeeyay in uu laba Dumar ah guursaday. ‘Waa loo diiday, sababtoo ah waxa loo arkayay Nin laba Dumar ah guursaday.’ Waxa sidaa yidhi Looyarkooda u doodayay socdaalkooda Carol Edwar. Waxaanay rejaynaysaa in marka laga aqbalo codsi dambe oo ay xareeyeen uu Aadam dib ula midoobi doono Faadumo. ‘Arrintani (Khilaafka Qabaa’ilku) way ku wayn tahay dalalka Ciraaq, Afgaanistaan iyo Pakistan. Waxaana kala jira laba Sharci oo kala duwan, mid Qabiil iyo mid Dawladeed.” Ayay tidhi Corel.

Saddex Caruur ah oo ay dhaleen, Ayaan oo 9-jir ah, Amaal oo 7-jir iyo Cabdi oo 5-jir ah, ayaa hadda dhigta Dugsiga hoose/dhexe ee West Seattle. Faadumo waxay dhigataa Ingiriisiga.

Faadumo iyo Shuuto waxay caddeeyeen in takoorka Qabiilku iyo khataraha noocan oo kale ah ee soo waajahay Faadumo iyo Aadam, ayaan lagu xusin Quraanka, meelnaba kama soo galaan Islaamka. ‘Tani waa dhaqan, maaha Diin.’ Ayay Shuuto tidhi. Hase ahaatee, dadka ku dhashay Maraykanku in badan ma daneeyaan dhaqammadaas.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.