Xaflad Tartan Quraan Akhris Oo London Ka Dhacday

London (Somaliland.Org)  Maalintii Sabtida ayaa waxa magaaladda London, gaar ahaan barriga magaladda London ka dhacday xaflad tar-tanka Quraanka Kariimka ah.  Xafladan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira madax dhaqameed, waalidin iyo caruur, waxa ku tar tamaysay ardayda dhigata Malcaamadda Quraanka ee Alshaadiri oo ku taala barriga magaaladas London. 

 
Kadib aayado Quraan ah oo lagu furay xafladaas waxa ugu horeyn sharaxad laga bixiyey ujeedada xafladaas oo ahayd in la dhiiri galiyo barashada Quranka Karimka, ardaydana loo qabto tartan iyada oo ardayda tartankaas ku guulaysatana la gudoonsiyo abaal marin. 
 
Maamulaha iyo macalinka Malcaamada Alshaadiri Mudane Cabdifatax Cali Axmed oo madashas ka hadlay aya sheegay in dhinacyo kala duwan ardayda lagu tartan siin doono isla markaana jaa’isado lagu siin doon, sida Higaada, Akhlaaqda iyo Farta.
 
Ardaydii ka qayb qaatay tartanka oo dhamayd ilaa afartan arday ayaa waxa lagu imtaxanayay Quranka Karimka mid walba Jiss ama halka uu Quraanka ka marayo, taasoo ahayd afar qaybood oo kala duwan, ka shanaad, sadexaad, koowad iyo nus-jis. Waxa ku sugna madasha tartanka oo ka ahaa Garsoorayal macalimin iyo Sheekhakh kasocda Malcamado kale, kuwaas oo yagu qabilsana kala saarista iyo imtixanka ardayda. Waxaana xaakinka guud ee kala saarayay ardayda ahaa Macalin Faarax Sheekh Cali,
 
Marka laga yimaado ardayda tartamaysay iyo waalidinta kasoo qayb gashay xafladaas ayaa waxa madashan xafladan hadalo isugu jira waano iyo guubabo ka jeediyey Md Maxamed Faarax oo ku hadlayay magaca waalidinta ardayda malcaamada dhigata, isaga oo ka hadlay faa’idada ay leedahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga jaaliyaddu.  Md Maxamed waxax uu sheegay in aasaaska malcaamadan ay wada jir isaga kaashaden Macalin Cabdifataaax iyo waalidiinta carrurtu, isla markana lacagta lagu qabtay xafladay ay waalidintu iska ururiyen, halka lacagta hoolka xafladda lagu qabtayna ay ku deeqen Somali integration team.

Sidoo kale waxa shirki soo gunaanaday oo khudbad waano iyo tusaaleyn ah kasoo jeediyey Suldaan Maxamud Xaaji Xuseen.  Suldanku waxa uu ka hadlay qurbaha la joogo iyo faaidada ay leedahay barashada Quranka Karimka iyo in diinta lagu dedaalo. Suldaanku isaga oo la dardaarmaya waalidinti iyo carurti xafladan isugu timi aya waxa uu sheegay in ifka iyo aakhiro waxa keliya ee qofka bini aadamka anfacaya tahay Quranka Karimka, sidaas darteed tahay in xoog saaran barashada iyo xifdiga quraanka.

Jiss 5 – Waxa ku guulaystay Ridwan Ahmed, waxa booska labaad galay Sidiq Maxamed Adan, ka sadexaadna Axmed Cabdirashid Carshe. Dhinaca Jisska sadexaad waxa ku guulaystay Muxyadin Maxamed Faarax halka uu booska labaad galay Cabdi Maalik Faarax Axmed, ka sadexaadna Cabdiraxman Maxamed Aadan. Dhanka Jisska Koowaad waxa ku guulaystay Guled Dahir Abdi, halka booska labaad iyo sadexaad kala galeen Maxamed Cabdicasiis Xasan iyo Aysha Zaki. Ugu danbeyntii Nuss Jisska waxa kaalinta koowad ku guulaystay Hanan iyo Nawal Cisman Xaji Omar si wada jir ah, halka booska labaad ay gashay Amaani Rashid ka sadexaadna uu galay Mustafe Cisman X Omar.

Gebegabadii waxa shahaado iyo hadyado guddonsiyey ardaydii sadexda boos ee ugu horeeya galay qayb walba Suldan Maxamud Xaji Xusen.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.