Tacsi uu Dirayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo.

Tacsi uu Dirayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo.
Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo isagoo ku hadlaya magaciisa,ka gudiga fulinta,ka golaha dhexe iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii,ehelkii,qaraabadii gaar ahaana gudoomiyaha shirkada Dahab Shiil Mudane Maxamed Siciid Ducaale oo uu uga tacsiyadaynayo geeridii ku timi hooyadii Marxuumad Khadiija Xaaji Xasan Maxamuud oo manta lagu aasay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Gudoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu qoyskaasi ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumadaasi iyadana janadii fardowsa ka waraabsho Aamiin Aamiin

This entry was posted in Opinion, Press Release, TACSI. Bookmark the permalink.

Comments are closed.