Dab ka kacay Xaafad Hargeysa ka mid ah oo sababay dhimasho iyo khasaare kale

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ilmo yar ayaa dhintay, khasaare kale oo badanina wuxuu soo gaadhay dadka degan Xaafadda State House-ka ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Dab qabsaday dhawr guri oo ka mid ah Xaafaddaas.

Dabkan oo caawa ka kacay Xaafaddaas, ayaa sababay dhimashada Gabadh yar oo 2 jir ah iyo gubashada 12 Guri oo ka mid ah Buulalka Xaafaddaasi ka dhisan.  Waxaana bakhtiinta Dabkan oo aan weli la aqoonsan sababta keentay ka qayb qaatay dadweynihii ka ag-dhawaa goobtaas iyo Ciidamada Booliska oo u soo gurmaday. Waxaanay muddo saacad ku dhaw ka dib, lagu guulaystay in la bakhtiiyo. Hases yeeshee, weli lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dabkaas.

Halkan kala soco waxyaabaha ka soo kordha Warkan…

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Wararkasomaliland@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.