Guud ahaan Magaalooyinka Somaliland oo maanta laga Ciiday

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guud ahaan Magaalooyinka iyo Deegaamada Somaliland ayaa laga Ciiday Munaasibadda Ciidal-Udxada, waxaana dadweynaha Salaadda Ciidda kala qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo), Shirguddoonka Golaha Wakiilada iyo Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka.

Madaxweyne Rayaale oo Salaadda Ciidal-Udxada dadweynaha kula tukaday Masjid-Jaamaca weyn ee Hargeysa, ayaa dhambaal hambalyo iyo duco ah u diray Umadda Islaamka iyo shacabka reer Somaliland. Waxaanu Ilaahay ka baryay in sanadkan-sanadkiisa nabad-qab lagu gaadho.

Sidoo kale, Shir-guddoonka Wakiilada Somaliland ayaa Salaadii Ciidda iyana dadweynaha kula tukaday Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium. Waxaanu Guddoomiyaha G. Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi hambalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland iyo umadda Islaamka oo uu ugu hambalyeeyay Munaasibadda Ciidda. Waxaanu talo u jeediyay Culimada dalka oo uu sheegay in uu khilaafkii u wareegay oo uu ugu baaqay inay midoobaan oo ay ka digtoonaadaan khilaaf kala geeya.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna dadweynaha Salaadda Ciidda kula tukaday Masaajidka Xaafadda Shacabka ee Hargeysa, ayaa hambalyo taa la mid ah u diray Shackabka Somaliland iyo guud ahaan Muslimiinta dunida.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo Ciiddan la dareemi karayay in aanay la xajmi ahayn Ciiddii hore, sababo dhaqaale awgeed, haddana guud ahaan Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta laga ciiday. Waxaana dadweynuhu isugu soo baxeen Salaaddii Ciiddal-Udxada barxadaha waawayn iyo Masaajidadada Magaalooyinka.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Wararkasomaliland@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.