“Masar waxay doonaysaa in ay Somaliland dib ugu celiyaan midowgii bilaa rejada ahaa”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dagaalka ay dawladda Yemen kala horjeedo maleeshiyada Qabiilka Xutu-ga  oo sii kululaaday intii lagu jiray bishan November ayaa la saadaalinayaa inuu noqon karo mid caalamiya, ka dib markii ay ciidamada millateriga Sucuudiguna ka qaybqaateen.

Warbixin kooban oo khubaro kala duwan laga ururiyay oo la baahiyay ayaa ka dayrisay saamaynta dagaalka Sucuudiga iyo Yemen ay kula jiraan Qabiilka Xuutu-ga, isla markaana warbixintan waxa lagu soo qaatay in saamaynaha kala duwan ee uu dagaalkani yeelan karo ay dawladda Yemen u horseedayso inay dib u eegaan isbedellada Soomaaliya iyo Somaliland-ba, sidoo kalena dalalka Sucuudiga iyo Masaaridu ay isku taxalujinayaan inay ciyaaraan siyaasad Soomaaliya dib loogu celinayo Somaliland si xukuumad midnimo oo taageero laga helaa ay halkaa uga soo baxdo. Warbixintaasina waxay u dhacday sidan soo socota:

“Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa haatan ku jira waqtigii ugu caqabadaha badnaa tan iyo xilligii ay midoobeen labadii dal ee Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen sannadkii 1990-kii. Waxaana la sheegay in xataa xilligii uu dagaalka sokeeye ee waqooyiga iyo koonfurta uu dalkaas ka dhacay ee 1994-kii aanu Madaxweyne Saalax u muuqanin nin cadaadiska uu maanta dareemayaa uu haystay. Isla markaana waxa sida la sheegay dagaalkan si toos ah iyo si dadban-ba uga qaybqaadanaya Iiraan, Ruushka iyo Sucuudiga, kuwaasoo dhamaantood doonaya inay hubiyaan saamayntooda awoodeed ee ay ku leeyihiin Badda Cas.

Khilaafaadka dagaal ee xilligan ayaa leh saamayn caalamiya, marka loo eego awooda muhiimka ah ee ay Yemen ku kontarooli karayso Afka Badda Cas ee marinka Bab el-Mandeb iyo Suez Canal/Badda Cas/Bad-waynta Hindiya, isla markaana waxa jirta in masuuliyiinta Yemen ee jooga caasimada Sanca ay ka warhayaan heerarka ay saamaynta ugu yeelan karaan dalalka Iiraan yo Ruushku khilaafaadkan. Sidoo kalena waxa jirta ka-qaybgal in la xuso mudan oo dhqdhaqaaqyada islaamiga ee qaramada isaga-gudba ah. Laakiin arrinta la-yaabka ugu badan muujinaysaa waa ka-qaybgal la’aanta dhabta ah ee khilaafaadkan ee Maraykanka iyo dalalka reer galbeedka, kuwaasoo aad ugu xidhan dhexdhexaad ahaanta Badda Cas iyo marinada kale ee baddaha.

Arrinta mashkilada ugu balaadhan ku haysa dawlada Yemen, waa marka laga yimaado kacdoonada kooxaha islaamiyiintu kala horjeedaan in weliba dagaalka furmay lagaga qabsaday xarumihii ku hareeraysnaa faramaha dagaalka ciidamadooda iyo kuwa Sucuudiga-ba, kuwaasoo ay la wareegeen Maleeshiyaadka Xuutu-ga, kuwaasoo dawladda Yemen dagaalka kula jiray ilaa sannadkii 2004. Madaxweyne Cali Cabdala Saalax ayaa isagu ku dhawaaqay in dagaalka hada socdaa uu soo bilaabmay Nov. 7-deedii, waxaanu taas ku beegay xilligii ay Ciidamada Sucuudigu dagaalka galeen. Iyada oo ay sidaas tahay ayay Xukuumadda Yemen si adag uga shaaynayeen sidii ay sid augu dhakhsaha badan ugu heli lahaayeen saanad millateri oo cusub, maadaama oo ay dwladda Sucuudigu la leedahay heshiisyo balaadhan oo dhinaca difaaca ah dalka Ukraine, khaasatan inay siiyaan hubka iyo rasaasta caadiga ah.

Inkasta oo uu dagaalkani soo socday mudo, hadana wuxuu aad u sii kululaaday badhtamihii bishan dhamaadka ah ka dib markii ay Ciidamada Yemen dagaal qadhaadh kula galeen Maleeshiyada Xuutu-ga agagaarka degaanka Malahidh oo u haw xadka ay wadaagaan Sucuudiga, sidaa aawadeedna ay Sucuudigu ku soo jawaabeen madaafiic iyo gantaalo ay ku garaaceen boosaskii ay fadhiyeen Maleeshiyada Xuutu-gu. Dagaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee si madaxbanaan u galaan ciidamada Sucuudigu tan iyo xilligii ay la dagaalameen Dalkii Koonfurta Yemen badhtamihii lixdamaadkii, laga soo bilaabo waqtigaasna Sucuudigu waxay lahaayeen ciidan adag. Laakiin taasi maaha mid meesha ka saaraysa in ciidamada Sucuudigu aanay lahayn khibrad-dagaal oo ay iskood ugu hawlgalaan tobanaankii sannadood ee xilligaas ka dambeeyay. Isla markaana saadaalo ay samaysay dawladda Yemen intii u dhaxaysay August-November 2009, ayaa sheegaya in dagaalkani horseeday khasaarooyin aan yarayn oo ay Sucuudiyaanku kala kulmeen, maadaama oo ay ku adkaatay inay iska soo saaraan maleeshiyaadka Xuutu-ga.

Siday xaqiiqdu tahay kani waa dagaal aanay Sucuudiyaanku iska indho-tiri karin. Dalka Iiraan-na wuxuu shaaca ka qaaday inay caawinayaan kooxaha Shiicada ah ee Mandaqada Carbeed, waxaana sidoo kale cadaan ahayd inay maamulka caasimada Tehran ay qorshaynayeen dhismaha Jamhuuriyad loogu yeedhay “Jamhuuriyadda Islaamiga ee Bariga Carabta” oo ay leeyihiin Imaamyada Shiicadu bishii May 15 ee sannadkan. Jamhuuriyaddaas waxa la sheegay inuu dhulkeedu ka bilaabmayo gudaha Sucuudiga oo garab soconaya xuduudada Cumaan iyo Yemen ay la leeyihiin Sucuudiga. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay olole Iiraaniyiintu kala soo horjeedaan Sucuudiga. Inkasta oo aanu Ruushku jeclayn inay la bahoobaan maamulada Sucuudiga iyo Yemen, ayaan hadana meesha laga saari karin xidhiidhka muhiimka ah ee ay Moscow la leedahay Iiraan. Siyaabo badan marka loo eego rabitaankii Iiraan ee la xidhiidhay Badda Cas iyo Gobolka Geeska Afrika, ayaa soo noolaynaya dib-u-soo noqoshada Ruushanka ee Badweynta Hindiya.

Dalalka Sucuudiga iyo Yemen, ayaa sidoo kale labadooduba fahansan saamaynta muhiimka ah ee ay leeyihiin biyaha Badda Cas iyo Kanaal Suways ee marinada khadadka baddaha. Halka ay wax marayaan marka loo eego, Madaxweye Cali Cabdalla Saalax waxa uu isku deyay inuu qabeeyo waxyaabaha isbedellada ah ee Soomaaliya ka soo baxaya, si uu nefis uga raadiyo, balse tan waxa ka horimanaya in la joogo meel ay dalalka Sucuudiga iyo Masaaridu isku taxalujinayaan inay dib u eegaan qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ay dib ugu jujuubaan oo ay ku celiyaan Midawga bilaa-rajada ah ee 30 sano-jirka ah ee ay la wadaagayeen dhulkii loo yaqaanay Italian Somaliland.”

Xigasho: Wargeyska Ogaal

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.