Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Cismaan-Hindi

Waxaa arrin lala yaabo ku noqotay  Xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan shacabka Somaliland warka kasoo yeedhey mas’uulka Xisbiga Udub, Cisman Cabdillaahi Cigaal (Hindi) ee lagu aflagaadeeyey Xisbiga Kulmiye. Waxaa dhawaaqan kasoo yeedhey mas’uulka Udub uu ku noqoday fajiciso iyo filanwaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Xisbiga Kulmiye, waxaana  aad

loola yaabay weedhahan beenta ah ee lasoo macmalay, isla markaana aan nuxurka badan laheyn. Warsaxaafadeedkaasi kasoo yeeday Udub wuxuu sheegey inuu  Xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisu ay mar walba carqaladeeyaan tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca taageerada xukuumada iyo waliba ictiraaf raadinta.

Waxaa kaloo warsaxaafadeedku sheegay inuu Xisbiga Kulmiye u muujinayo dunida inay Somaliland tahay goob aan xasilooneyn oo fadqalalo ka jirto, iyo wailba  iyadoo  ay  xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay kamid yihiin kooxaha xag-jirka ah sida Al-Shabaab. Waxaa iyana kamid ahaa aflagaadada kasoo yeedhey Udub inuu Kulmiye carqaladeeyey  arrimaha diiwaangelinta gaar ahaan kuwii laga qabtay gobolada Beriga.

Hadaba waxaa isweyndiin leh maxaa ku kallifay  mas’uuliyiinta Xisbiga Udub inay  maanta hadallada noocaniya ku dhawaaqaan. Jawaabtu way cadday oo waxaa weeye in hadda la gaadhay waqtigii  Xukuumada Riyaale ay bilaabi laheyd  jiho wareerinta iyo soo nooleynta khilaafka siyaasadeed  ee Xisbiyada Qaranka iyo is-hortaaga   qorshaha iyo hawlaha  u diyaargarowga  iyo dhammaystirka  barnaamijka doorashada Madaxtooyada iyo iyagoo doonaya inay dhaawacaan fulinta iyo meelmerinta heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee wadamada aynu saaxiibkana nahay iyo beesha caalamku u soo jeediyeen seddex Xisbi qaran kuwaasoo ay wada saxeexeen dhammaantood.

Dacaayadaha noocan oo kale ahi waxay bulshada Somaliland tusayaan  ku xadgudubka    heshiisyada ay  seddexda Xisbi wada galeen iyo waliba heshiisyadii  hore loo gaadhay ee ahaa in la joojiyo  dacaayadaha iyo aflagaadooyinka aan salka iyo raadka toona laheyn.

Hadaba  dhawaaqa kasoo yeedhay mas’uulka Udub wuxuu inoo caddeynayaa oo ina tusayaa arrimahani:-

1.in mas’uulka  hadaladani kasoo yeedheen  ay kasoo xidhmeen dhammaan albaabadii uu garaacayey kadib  markii uu ku fashilmay hawlihii uu Xisbigiisu u igmaday ee ololaha, kuna guuldaraystay ka midha dhalintooda

2-in la gaadhay waqtigii  uu mas’uuliyiinta Xisbiga Udub caadada u lahaa inay bilaabaan qaska iyo  jahawareerinta bulshada

3.Inay  durba raadinayaan,   inay ka   dhex abuuraan Kommishanka Doorashooyinka  iyo Xisbiyada Qaranka muran iyo doodo aan waqtigani xaadirka loo baahnayn

4.Inay ku raadgataan kadib markii uu shaqeyn waayey maamulkii xukuumada oo ay fadhiisatey  shaqadii xafiisyada,  ragaadeena hawlihii  loo igmaday Wasaaradaha dawladiga ah.

5.Inaanay rajo weyn ka qabin tartanka doorashada soo socota kadib markay ogaadeen inaanay haysanin kalsoonida dadweynaha, oo aanay helayn codka ummadda gaar ahaan goboladii ay qorshaha ku darsadeen.

6.Iyagoo doonaya inay ka jeediyaan indhaha iyo dareenka  shacabka maamul –xumida iyo musuqmaasuqa ku baahay  Hay’adaha Xukuumada ee faraha ka baxay

Hadaba Xisbiga Kulmiye wuxuu la socodsiinayaa shacabweynaha Somaliland, wadamada aynu dariska nahay  iyo  beesha caalamkaba  inuu Xisbiga talada haya ee Udub u durba bilaabay murankii siyaasadeed ee hore loo soo af-jaray, doonayana  inuu soo rogaalceliyo  dacaayadihii iyo aflagaadooyinkii laga heshiiyey.

Xisbiga Kulmiye  wuxuu dacwad kusoo oogayaa mas’uulka ka tirsan Xisbiga  Udub ee sheegey in xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay kamid yihiin kooxaha  xag-jira sida Al-shabaab, isagoon u hayn  caddaymo (qoraalo ama dokumentiyo) tilmaamaya  inay xubnahaasi  ka tirsan yihiin  kooxaha xag-jira.

Xisbiga Kulmiye wuxuu  u sheegaya Kommishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Qaranka ee UDUB iyo UCID inaanay wax wada shaqeyna oo dambe la yeelan doonin  Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) oo ahaa mas’uulkii ku saxeexnaa warsaxaafadeedka, kana qoran yahay xaggooda “Persona  non grata” , haseyeeshee uu Kulmiye  diyaar u yahay inuu  sii wado wada- shaqeyntii uu la lahaa  masuuliyiinta kale ee ka tirsan Xisbiga Udub.

Xisbiga Kulmiye wuxuu uga digayaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Udub hadallada been abuurka  ee runta ka fog ee mas’uuliyiinta qaarkood caadeysteen, wuxuuna ku boorinayaa inay ka waantoobaan  wararka aan macnaha weyn ku fadhiyin ee  xaqiiqada ka fog; haseyeeshee   ay bedelkeeda u jeestaan xilka ummadu u  egmatay ee ah inay shacabka si daacadnimo ah ugu shaqeeyaan. Xisbiga Kumiye wuxuu u sheegayaa mas’uuliyiinta Xisbiga Udub in aflagaadooyinka  iyo been -abuurka noocani aanu waxba soo kordhineyn ee uu  waxyeelaynayo wada shaqeyntii iyo heshiisyadii ay Xisbiyadu Qaranku wada gaadhaan, dhaawacna u geesanayo dhowridda iyo ilaalinta  karaamada iyo maamuuska ay leeyihiin madaxda iyo mas’uuuliyiinta Xisbiyada Qaranku.

Waxaanu ku boorinaynaa madaxda iyo mas’uuliyiinta  Xisbiga Udub inaya la jaanqaadaan qorshaha iyo meel-marinta heshiiska cusub ee Xisbiyada  iyo  Kommishanka  Doorashooyinka  Qaranku ay guda galeen; bacdamaa ay tahay waajib saaran  xukuumada  inay kaalinta ugu weyn ka qaadato fulinta iyo taabagalka hawlaha doorashooyinka, iskana dhaafaato aflagaadada, muranka iyo jahawareerinta shacabka.

Wa Billaahi Tawfiiq,

Keyse Xasan Cige

Xoghayaha Guud

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.