Naadiga Akhriska Gabiley & Bandhigga Buugga Diiwaanka Maansada Timacadde (DAAWO SAWIRADA)

Gabiley (Somaliland.Org)- Naadiga Akhristayaasha ee Timacadde Readers Club, ayaa Buuggoodii u horeeyay ku soo bandhigay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Buuggan oo ah Diiwaanka Maansada Timacadde, isla markaana uu qoray Qoraaga Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa Munaasibaddii bandhigga wax aka qayb galay Guddoomiyaha  Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xaliib), Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Cabdirisaaq Sheekh Aden Cali, Maayarka Gabiley Aaden Muxumed Bade, Xildhibaano ka socday Golaha Deegaanka Gabiley, Marwo  Maryan Cabdilaahi Suldaan Timacadde,  Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Masuuliyiinta Naadiga, Culimo iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Waxa ugu horrayn halkaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi ( Xaliib), Maayarka Caasimada Gobolka Gabiley Aaden Muxumed Bade, Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka  Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi. Waxaanay dhammaantood muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin soo bandhigga Buugga iyo qaabka wanaagsan ee ay Dhallinyaradaasi u soo agaasimeen Barnaamijkaasi.

Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Marwo Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo ah Curaddii uu dhallay Alle ha u Naxariistee Abwaan Cabdilaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Waxaanay ka warantay Taariikhdii Aabaheed iyo in uu ahaa Nin ka baxay guud ahaanba Ummada Soomaaliyeed.

Marwo Maryan waxay sheegtay in Aabaheed aanu qoyskooda uga tagin wax Maal ah, hasa ahaatee, uu uga tagay Magac taasi oo ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay. Waxaanay u soo jeedisay dhammaan ka soo qayb galayaashii gaar ahaan Masuuliyiinta Gobolka iyo ta Xukuumaduba in ay ku dadaalaan sidii loo waynayn lahaa Shaqsiyaadka Ummada Taariikhda ku leh. Waxa kale, oo ay u soo jeedisay in Dadkii ay ka tageena wax loo qabto.

Isku duwaha  Naadiga Timacadde Mustafe Cabdikariin Cali (Mustafe Future) oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay ujeedadii loo aas-aasay Naadiga. Waxaanu sheegay in markii ay arkeen baahida loo qabo in Gobolka laga sameeyo Naadi ay Dhallinyaradu wax ku akhristaan kana bartaan, kuna soo bandhigaan buugaagta, ay go’aankaa qaateen.

Soo Bandhigaha Buuga Saciid khaddar Cabdillahi ayaa isagu u soo bandhigay Buuga si aad u ballaadhan uga sheekeeyay Taariikhda iyo Murtidii Abwaan Cabdillahi Suldaan Timacadde.   Waxaanu si qoto dheer uga hadlay Taariikh Nololeedkii Qoraaga Buuga Boobe Yuusuf Ducaale. Waxa kale oo halkaasi ka akhriyay qaybo ka mid ah Maansooyinkii uu ku caana baxay Abwaan Cabdilaahi Suldaan.

Waxana ugu danbayntii halkaasi lagu waydiiyay Soo Bandhigihii Buuga oo ahaa Saciid khaddar  Su’aalo aad u tiro badan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.