Qaraxyo Cusub Oo Al-Shabaab Qorshayso Iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Oo Si Hoose Ula Shaqeeya

Qaraxyo Cusub Oo Ururka Al-Shabaab Uga Qorshaysan Somaliland Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Oo Si Hoose Ula Shaqeeya

Waxay Bartilmaameed Ka Dhigteen Dakedda Berbera, Madaarada Iyo Laynta Madaxda Xukuumadda Iyo Mucaaridka   

Hargeysa October 29, 2009 (Haatuf) – Ururka Argagixisada ee Al-Shabaab ayaa qarka ula saaran inuu dalka Somaliland ka fuliyo hawl gallo qaraxyo cusub oo uu la beegsanayo goobo muhiin ah, oo ay ka mid yihiin Dekedda Berbera, Madaarka Hargeysa, Jaamacadda Hargeysa iyo taliska bilayska Somaliland.Dhaqdhaqaaqyo ay ciidanka bilayska Somaliland todobaadkan ku hawlanaayeen ayaa waxay dabagal ugu jireen shan nin oo ka mid ah masuuliyiinta sare-sare ee ururka Al-shabaab, oo dalka u yimid inay ka fuliyaan hawl-gallo Argagixsanimo ah, oo muddaba u qorshaysnaa ururka Al-shabaab inay qaraxyo Somaliland ka samaynayaan ka hor intaanay dalka ka qabsoomin doorashada madaxtooyada Somaliland ee dhawrka goor dibu dhacu ku yimi.

Xogo lagu kalsoon yahay oo arrintan ku saabsan ayaa sheegay in Ururka Al-shabaab u qorsheeyay si uu hawgalkani ugu beegmo sanad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay qaraxyadii dhiillada lahaa ee 29 October 2008 ay ka fuliyeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee 29-ka qof ku naf waayeen in ka badanina dhaawacyadu ka soo gaadheen oo dhamaantood ahaa muwaadiniin reer Somaliland saddexdii xarumood ee qaraxyadu cuskadeen, kuwaas oo kala ahaa, Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska ganacsiga ee Itoobiya ku lahayd Hargeysa iyo xaruntii Hay’adda UNDP ku lahayd Caasimadda Somaliland. Sida ilahani sheegayaan hawlgalladan Al-shabaab wuxu u adeegsanayaa tabo iyo xeelado ka casriyaysan kuwii hore looga bartay waxaanu doorkan ku wajahan yahay, qaraxyo laga samaynayo goobo istaraatiji ah iyo dilal gaadmo ah oo lala beegsanyo shakhsiyaad ka midda masuliyiinta Xukuumadda iyo Mucaaridkaba.

Daba gallada ku aadan baadhitaanka qoshaha hawl-gallkan ayaa waxa lagu ogaaday in ururka Al-shabaab ka faa’iidaysanayo xidhiidho dahsoon oo ay la samaysteen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyoqaar ka midda xubnaha mucaaaridka.

Waxa kale oo hore loo ogaa in ururka Al-shabaab uu dhaqaale iyo taageero-ba ka helo qaar ka mid ah Shirkaddaha waaweyn ee ka ganacsada Somaliland iyo waliba kooxaha Wahaabiyiinta ah oo Dalkan Somaliland ku soo xoogaystay sanadahan dambe.

Farsamooyinka cusub ee kale ee la sheegay inay Al-shabaab adeegsanayaan waxa ka mid ah inay mujtamaca ku soo dhexgalaan lacag badan oo ay qoysaska danyarta ah siiyaan si ay makhsino guryahooda ka mid ah ugu dhuuntaan, waxaana lacagtaa ku shaqaysta   shaksiyaad sheegta inay dadka u dhoofin karaan dibadaha gaar ahaan Yurubta Galbeed, iyada oo la sii marayo khadka Ukraine, kuwaas oo markay balanqaad u sameeyaan dmarka iyo dhalinyarada aan inta badan suuroobin in la soo  sheego,waxaana ay arrintaasi keenta in ay yaraato feejignaanti hore ee shacbigu ka lahaan jireen shakhsiyaadka shisheeye ee cadowtinimada la maagan Somaliland.

Xubnaha Al-shabaab ee xeeladdan adeegsada ayaa sida la sheegay u badan qaar aan u dhalan Somaliland oo isku sheega inay yihiin dadka ka ganacsada dhoofinta dibadaha. Ilahani waxa kale oo ay tibaaxeen in marka Ururka Al -shabaab u damacsan yahay in uu hawlo argagixisonimo ah meel ka fuliyo ay caado u tahay inay warbaahinta dalka ka khalkhaliyaan shacbiga, kuwaas oo ay ku jeediyaan dhacdooyin jaahwareer ah oo bulshada ka mashquuliya tabaha ay la maagan yihiin sida sheekada haatan ka socota Hargeysa ee la isla dhexmarayo dad-qal baa soo baxay dadka cunaya.

Sidoo kale waxay Al-shabaab warbaahinta marsataa warar qiil iyo marmarsiiyo u samaynaya falalka ay doonayaan inay fuliyaan. Tusaale ahaan qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa todobaadyadii u dambeeyay boggooda sare ku soo daabacayey warar sheegaya in dawladda Itoobiya ay dekadda Berbera maalgashi ku samaynayso si ay marin badeed uga dhiagato, iyada oo aan la xusin cidda warkaasi laga soo xigtay iyo meel u heshiiskan maalgashiga ahi ku dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Waxay ahayd bishii September 2009 markii uu gudoomiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu Somaliland ugu hanjabay in maamulka ka jira Somaliland dakedda Berbera ka iibiyey Itoobiya, saddexda xisbi qaranna ku tilmaamay qolo gaalo-raaca oo wadankii baabiiyey islamarkaana banaantahay in lala dagaalamo.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.