Boorama: Baahiyaha taagan iyo ballan-qaad aan dhammaan

Waa masaafo Hargeysa u jirta ilaa 120-km, balse waxay la socdaal iyo sahayba tahay 300-km. Waxa caadiyan Hargeysa ay u jirtaa oo looga socdaali lahaa muddo saacad iyo badh ah, hase yeeshee waxa hadda socdaalkeedu qaataa saddex saacadood. Duruuftaa qasbaysa in aad jiho kale u marto, halka yoolkaagu yahay inaad gaadho, waana daruuri baydh-baydhka iyo in bar kale la maraa.

Inkasta oo busku dedan yahay, haddana waa lama-huraan in lala kulmo boodh, maadaama oo marinku carro iyo Ciid yahay. Jidku waa ka isku xidha Magaalooyinka Borama iyo Hargeysa. Waxa Laami dhisan lagaga baxaa oo duruufaha kor ku xusani waajahaan Gaadiid iyo dad labadaba marka, Tuulada Kala-baydh ee galbeedka Hargeysa looga gudbo dhinaca Borama. Hase ahaatee, waddada xidhiidhisa Degmada Dila iyo Magaalada Borama oo masaafo ahaan gaadhaysa ilaa dhawr iyo labaatan Kilo-meter, waa meesha ugu rafaadka badan Gaadiidka. Sababtoo ah, gebi ahaanba ma jiro Laami dhisan. Taa bedelkeedana Gaadiidku waxay isticmaalaan Jid-cadde ay dhib ka mutaan. “Xukuumadda iyo Madaxda Somaliland way maraan oo way ka war-qabaan burburka Jidkan iyo waddo-la’aanta Dariiqa isku xidha Hargeysa iyo Borama. Hase ahaatee, ma garan karo sababta wax looga qaban waayay. Anagana dhib wayn ayay nagu haysaa, Ilaahay amarkiisa ka sokowna, burburka Jidku badi waa sababta keenta in Gaadiidku rogmado ama dhaco.” Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen weedho uu ku tiraabay mid ka mid ah Gaadiidleyda isaga kala goosha Borama iyo Hargeysa oo ka hadlayay dhibta burburka Jidkani ku hayo.

Borama, Xarunta Gobolka Awdal, Jidadkeedu waxa uu u badan yahay Carro iyo Ciid cad, marka laga reebo Jid Laami ah oo uu dhisay Maayarka hadda. Inkasta oo aan isku dayay in aan arrimahan wax ka waydiiyo Maayarka, haddana iima suurtogelin.

Nolosha:

Xarunta Gobolka Awdal waa Magaalo ka ag-dhaw Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana waxa ka socda Ganacsi badankiisu ka yimaaddo Magaalooyinka kale ee dalka. Inkasta oo Ganacsigaasi socdo, haddana waxay gobollada kale ee dalka kala siman yihiin shaqo-la’aanta iyo baahiyaha joogtada ah ee la soo dersa Bulshada. “Waxaanu aragnaa Arday doonaya Jaamacadda in uu galo, balse marka uu arko Ardayadii hore ee Jaamacadaha ka soo baxay oo badankoodu bilaa shaqo yihiin, waxay taasi keentaa niyad-jab la soo dersa Ardayda.” Waa cabbiraadda mid ka mid ah Ardayda Jaamacadaha ka baxay.

Markaad Borama iyo Deegaamada kale ee Awdal qaarkood joogto ee aad damacdo in aad wax iibsato, waxa laguugu sicir-goynayaa oo qiimaha laguugu sheegaya Lacagta Birr-ta ee Itoobiya ama Riyaalka. Lagama qaato Lacagta Somaliland Shilin haddiiba uu dhinac yar ka jeexan yahay. “Iga bedel Lacagtan, waayo Baanku wuu diiday oo nagama bedelayee.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka Meherada ku haysta Magaalada oo ka cudur-daartay in uu qaato Lacag inyari jeexan tahay. Inkasta oo aan isku dayay in aan dhinaca Masuuliyiinta Baanka wax ka waydiiyay, haddana iima suurtogelin.

Marka la eego adeegyada Bulshada, Biyaha iyo Caafimaadku waxay ka mid yihiin meelaha ka shaqeeya Magaalada Borama.

Ganacsiga Xoolaha iyo Tahriibta:

Deegaammada Gobolka Awdal ayaa hadda marin u ah Ganacsiga Xoolo laga dhoofiyo Dalka Jabuuti. Ka dib markii Ganacsatada dhoofinta Xoolaha Somaliland ku hawlani ay dhaqdhaqaaqooda xoolo-dhoofinta u xawileen dhinaca dalka Jabuuti. Xoolaha la geeyo halkaa, ayaa laga soo lugaysiiyaa badankooda deegaanka laga keeno.

Magaalada Borama iyo Gobolka Awdal waxay Magaalooyinka iyo Gobollada kale ee dalka la wadaagaan suudalka iyo sibiq-dhaqaaqa Dhalinyarada iyo barbaarta u badan kuwa dhammaysta Waxbarashada. “Inkasta oo ay yaraatay Tahriibtu intii ka dambaysay Shilkii ay ku le’deen dadweynihii reer Somaliland ee badankeedu ka soo jeedeen Gobolka Awdal ee Doontii ku qara-qantay Badweynta, haddana weli waxay u muuqataa in dhalinyaradu tahriibayso. Sababtoo ah, Waalidka haysta ilaa 4 Caruur ah, ma awoodo in uu ka bixiyo Lacagta Waxbarashada, gaar ahaan kuwooda tacliinta sare ku jira.” Sidoo kale waxa isna sidaa yidhi mid ka mid ah Ardayda Jaamacadaha.

Waxbarashada:

Borama waxa ka hirgelay oo hadda shaqeeya laba Jaamacadood oo kala ah, Cammuud oo horeba u jirtay iyo Jaamacadda Eelo American oo waqtiyo dhexe la furay. Arooryada hore waxa Jidadka mashquuliya Basaska iyo Gaadiidka kale ee daad-gureeya Ardayda, isla markaana u adeega goobaha Waxbarashada. Dadweyne badankoodu barbaar yahay, ayaa u badan dadka subaxdii u dareera Jaamacadaha, Dugsiyada iyo Kuuliyadaha kale ee Waxbarasho. Marka laysu geeyo arrimahaas iyo astaamo la mid ah waxa muuqanaysa in Waxbarashada Magaaladu ay si habsami ah u socoto. “Sanadkii 2005-tii Ardayda Magaalada Borama waxay ahayd ilaa 10,000 oo Arday, imikana waxa ku jira 17-kun oo Arday. Magaalooyinka Saylac, Lughaya, Baki iyo Dila mid walba waxa dhigta Arday ku dhaw laba Kun oo Arday Magaaladiiba. Ardayda dhigata Waxbarashada Waxbarashada Dugsiyada hoose/dhexe, Dugsiyada sare iyo Waxbarashada dadban waxay gaadhayaan ilaa 40-Kun oo Arday. Ardayda dhigata Dugsiyada sare waxay marayaan ilaa Kun arday, halka Jaamacadda Cammuud ay ka dhigtaan ilaa 2,000 oo Arday. Waxaana ka jira Kuuliyado kala duwan, sida Kuuliyadda Sharciga, Teknoolajiyadda, Beeraha iyo Caafimaadka. Waxa iyana intaa dheer Ardayda barta Xirfadaha kala duwan. Sidoo kale, waxaanu Dugsi u furnay Ardayda Maraanka loo yaqaano ama aan Maskax ahaan dhammayn oo aanu wax ku barno. Iyada oo ay intaa dhinac socdaan Barnaamijka quudinta Ardayda oo u dhan Deegaammada Gobolka. Taasina waxay qayb ka qaadatay inay Caruurtu ku soo dhiiradaan waxbarashada.” Ereyadaas iyo kuwo la mid ahi waxay ka mid ahaayeen jawaabaha xog-waran kooban oo aan la yeeshay Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Awdal Prof. Daahir Maxamuud Xaddi.

Jaamacaduhu waa laf-dhabarta Waxbarashada guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolka Awdal iyo Magaalo-madaxdiisa Borama. Cammuud waxay ka mid tahay hormoodka Jaamacadaha Somaliland iyo guud ahaan Geyiga Soomaalida, iyada oo ay jiraan kuuliyado kala duwan. “Kuuliyadda Waxbarashadu waxay tababartaa Macalimiin ka kala yimi guud ahaan Gobollada Somaliland iyo kuwa Geeska Afrikaba. Waxaan ka qalin-jebiyay ilaa 100 Macallin..Sidoo kale, waxaanu tababar gaaban aanu siinaa Macallimiinta Jaamacadda wax ka dhiga laf ahaantooda. Iyada oo ay jiraan Macallimiin aan Jaamacaddaba iman ee waxbarashada Masaafada fog aanu wax ugu dhigno. Ujeedadayaduna waa in aanu dalka u soo saarno Macallimiin tayo leh. Jaamacadda waxa wax a dhiga ilaa 60-Macallin oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib-ba. Waxaananu ku talo-jirnaa in aanu ballaadhino hawlaha oo aanu Shahaadada gaadhsiino Master.” Ayaa ka mid ahaa warbixin uu Guddoomiyaha Kuuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Cammuud Prof. Ridwaan Maxamed Cismaan kaga hadlayay Jaamacadda iyo Kuuliyadda Waxbarashada.

Gebo-gebo:

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal waxay guud ahaan Magaalooyinka kale ee dalka kala mid tahay fiditaanka magaalanimo, waxaanay kala siman tahay duruufaha dhaqaale ee dalka. Hase yeeshee, waxa u dheer oo ay in badan dadweynuhu ka cabanayaan Jidadka, gaar ahaan Jidka isku xidha Borama iyo Hargeysa oo ay sheegeen in ay dhib ku hayo Borama iyo guud ahaan Gobolka Awdal. Waxaanay dadweynuhu ugu baaqeen Xukuumadda oo ballan-qaadyo aan dhammaanayn ku sheegtay inay wax ka qabanayso jidkaa, inay tallaabo muuqata ka qaaddo wax-ka-qabashada baahiyahaas.

Barkhad Mohamoud Kaariye

E-mail: Kaariye104@journalist.com

This entry was posted in Other. Bookmark the permalink.

Comments are closed.