M/weyne Rayaale oo diiday in uu sawiro la galo Guddoomiyayaasha Mucaaradka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka cudur-daartay in uu sawiro la galo Guddoomiyayaasha Mucaaradka, ka dib markii uu Afhayeenka Madaxtooyadu ka codsaday saddexda Hoggaamiye inay wada-jir u galaan sawir markii la soo gebogebeeyay Munaasibaddii Dhaarinta ee xubnaha cusub ee Komishanka.

Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani Mooge ayaa shalay la gebogebeeyay dhaarintii Xubnaha Komishanka iyo hadalladii Masuuliyiinta ee qof kastaa u diyaar garoobay, islamarkaana u kacay in uu ka baxo Hoolka Shirarka, waxa uu ka dalbaday Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad inay Warbaahintu doonayso in sawir ay wada-jir u galaan saddexdooda Murashax Madaxweyne iyo Xubnaha Komishanka cusub ee la dhaariyay. Hase ahaatee, waxa dalabkaa ka cudur-daartay Madaxweyne Rayaale. “Waanu wada sawirnahay mar walba oo imikaba way haystaan (Warbaahintu) sawiradii aanu ku wada jirnay (saddexda Murashaxa Madaxweyne) ee iska daa.” ayaa ka mid ahaa hadalladii uu Madaxweynuhu kaga cudur-daartay dalabka Afhayeenka.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.