Xubnaha cusub ee Guddida Doorashada oo maanta la dhaariyay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa maanta Madaxtoyada ku dhaariyay toddobada xubnood ee Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Munaasibadda dhaarinta oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada waxa goob-joog ka ahaa Madaxweyne Rayaale, Ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne Rayaale oo halkaa ka hadlay ayaa xubnahan la dhaariyay Ilaahay uga baryay in uu xilkaa u fududeeyo, waxaanu sheegay in ay saddexda dhinacba ay kalsooni buuxda siiyeen. Komishankana looga baahan yahay in ay hawlahooda bilaabaan oo ay wada-jir u gutaan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo isna halkaa ka hadlay, ayaa kula dardaarmay xubnahan cusub inay caddaalad iyo sinnaan ku hoggaamiyaan hawlaha loo igmaday, isla markaana wuxuu sheegay in uu ka filayo in ay dhaarta ay dhaarteen fuliyaan.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale isna Xukuumadda ugu baaqay in ay xuska sanad-guurada 1aad ee 29 October inay cadowga Somaliland uga digto farogelin ay ku sameeyaan Somaliland. waxaanu sheegay in Mucaarad iyo Muxaafadba Somaliland u midaysan tahay cadowgooda.

Xubnaha la dhaaariyay ee Komishanka cusub, ayaa  iyana dhinacooda ka ballan-qaaday inay sida ay u dhaarteen, u fulin doonaan dhaarta.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.