Waa kuma Madaxweynaha Cusub ee Somaliland? Iyo Natiijadii Dookh-dhiibtayaasha

Burco(Somaliland.org)-Tirada ugu badan ee coddadka rai-dhiibtayaasha qormadii Daymada Qalinka ee (Waa kuma Madaxweynaha Cusub ee Somaliland) ee lagu soo bandhigay Shabakada wararka ee Somaliland.org.

Ayaa muujinaysa in Gudoomiyaha xisbiga siyaassiga ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) yahay musharaxa ku haboon sanadkan in loo caleemo saaro Madaxweynaha cusub ee Somaliland,

 Sida ka muuqata kala saraynta tirada cod-dhiibtayaasha oo uu ka helay 60% Halka uu Madaxweynaha haatan xilka haya ahna murashaxa xisbiga xukuumiga ah ee UDUB Md Daahir Rayaale Kaahin ka helay 20%, isaga oo Gudoomiyaha Xisbiga UCID na uu helay 20%.

Natiijada tirada coddadka ay kala heleen sadexda musharax ayaa si toos ah looga soo min-guuriyay cel-celis ahaa tirooyinka jawaabihii ay akhristayaashu ku soo direen E-Mailadooda gaarka ah, kuwaasi oo si toos ah ugu soo dhacaayay e-mail u khaas ahaa,

 Sidoo kale sida ka muuqatay jawaabaha akhristayaasha qormadaasi, waxay si mugleh mid walbaa ugu salaynaayay nuxurka qormadiisa waxyaabaha uu musharaxiisa uu ku dooran lahaa, iyaga oo rai-cabirtayaashu isugu jiray qur-ba joog iyo guri joog

Sidaasi awgeed waxaynu waxyaabihii dookhoodu ka turjumaayay ku soo bandhigi doonaa qormooyinkeena danbe ee mawduucan(Daymada Qalinka) hadii alle idmo La Soco…..

Qalinkii

Foosi Saleebaan Aw-Bindhe

E-Mail-foosi36@hotmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.