Shir Xisbiga Kulmiye Ku Qabsaday Minnesota Ee Carriga Maraykanka

Taageerayaasha Kulmiye ee Minnesota iyo Kulan Sanadeedkoodii 2009

Taageerayaasha Kulmiye ee Minnesota ayaa Maanta oo bishu ay tahay October 25,
ayaa isugu yimid kulan sanadeed ay qabtaan sanad kasta. Isu imaatinada noocan oo
kale ah ayaa la isku badalaa maamumlka hogaanka, Lagana wada hadlaa danta
dadkeena Somaliland ee gudaha wadanka iyo ta jaaliyada ee gobolkan.

Gudoomiyihi hore ee Kulmiye Jama Hirad ayaa, u mahad naqay sida wanaagsan
ee dadku ooga soo qaybgaleen, carabaabayna waxyaabihii ay qabteen sanadki
uu hogaanka ahaa. Isagoo hogaanka cusubna ku dhiiri geliyay waxyaabaha kale
ee loo baahan yahay inay qabtaan una hambalyeeyey.

Dadka kale ee meesha ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay sida loogu baahan yahay
in Jaaliyada reer Somaliland ee Minnesota ay iska ilaabaan siyaasada wadanka ka jirta
danaha wadankana ay meel ooga soo wada jeestaan.

Intaanu shirku dhamaan ayaa waxa sidii caadada ahayd la soo magacaabaa, gudi ka
kooban todoba qof, kaas oo aan sanad kan liiskoodu dhamaystirnayn iyadoo aan
la magacaabin wali gudoomiye cusub loona balamay todobaadka soo socda,
Liiska gudida cusub ee sanadkan xilka qaban doonta ayaa kala ah sidan.

1. Chairman———- Open
2 . Sulaymaan Egeh —— Vice Chairman
3. Omer Hashi —————Member
4. Mustafe (Aburas) Shaqale — Secretary
5. Abdirahman dhuunjoog — Member
6. Mustafe Daanshood —– Member
7. Abrizak jama ——– Treusury

Xubnaha cusub ee sanadkan oo kalkaashanaya kuwii hore waxay ambaqaadi doonan
horumarka dalkeena iyo baahida umadeena inaga danbaysa ee aynu u maqanay.
Waxaanay xubnaha cusub xooga saari doonaan sidii dadka reer Somaliland ee
Minnesota ku dhaqan loo midayn lahaa, siyaasad la’aan, uur xaadhnaan, caloolfurnan,
iyo in wadaniyada la wadaago meel kasta oo la joogo.

HORUMAR SOMALILAND

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.