Ilmo Yar Oo Dhaawacyo Culculus Loogu Gaystay Toori

“ Ilmo Yar Oo Dhaawacyo Culculus Loogu Gaystay Toori Gebi Ahaan Xubnaha Jidhkeeda Oo Laga Helay Deegaanka Xaabaale Iyo Dadweynaha Ku Dhaqan Caasimada Oo Ka Argagaxay Falkan Arxan Darada Ah

Hargeysa October 27, 2009 (Haatuf) – Rooda Ibraahin Xuseen oo da’deedu tahay 8 jir ah ayaa shalay abaaro 3:00 galabnimo laga helay duleedka tuulada Jabaaqe ee deeganka Xaabaale oo koonfur galbeed kaga beegan caasimada Hargeysa, taas oo tooriyo lagu qalay dhamaanba oogada jidhkeeda oo dhan sida:- Madaxa Margiyada, Wejiga iyo Gacmaha oo dhaawcyo culus loogu geystay, taas oo ay la kulantay haweenay socoto ahayd oo aragtay ilmahaas yar oo meel cidlo ah ka ooyaya oo dhiigu jidhkeeda qariyey, balse ciddii falkaasi arxan darada ah ugu geysatay toorayda ilmahaas yar ayaan lagu arag goobtaasi.

Waalidka ilmahaas yar oo sheegay inay adhi la joogtay markii falkaas arxandarada ahi qabsaday sida uu ilmahaas yari u sheegay Waalidka in nin toori sitaa la dhacay ka dibna uu cararay, sidaa darteedna waalidka ilmahaasi ay uala soo carareen cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo la soo gaadhsiiyey abaaro salaadii maqribnimo ee shalay.

Hadaba Wariye ka tirsan wargeyska Haatuf oo booqday xalay Cusbitaalka guud markii la keenay ilmaha toorayda lala dhacay ee laga soo helay deegaankaaasi xaabaale oo kula kulmay Cusbitaalka gabadh yar ee dhaawacyada culus loo gaystay oo wakhtigaasi anfariirsanayd oo aan hadli karayn, ayaa hooyadeed oo la yidhaahdo Caasha Maxamuud oo wargeyska Haatuf uga warantay sida inanteeda wax ugu dhaceen inta ay ka ogtahay ayay tidhi “inanta yar aniga ayaa dhalay waxay la joogtay adhi aanu leenahay oo ay ilaalinaysay, waxaanu u dhownahay tuulada Jabaaqe ee Xaabaale, abaara 3:00 galabnimo ee maanta (shalay) ayaa gabadha ayar oo dhaawacyadaasi ku yaalaan oo sakaraad ah islaan xaliimo la yidhaahdo oo ka mid ah dadka deegaanka degan ay soo qaaday cidii dishay lama arag waxay inanta yari noo sheegatay inuu nin toori la dhacay ka dibna ay dhulka ku dhacday”

Caasha Maxamuud ayaa sidoo kale sheegtay inaan ilaa hada la aqoonsan gacantana aan lagu dhigin cida ilameeda yar dilkan foosha xun u gaysatay, waxayna tidhi“Meesha inantu adhiga ku ilalainaysay waxay ahayd meel laf ah oo dhagaxaan leh markii aanu meeshii nimid wax raad ah iyo dhinac uu qofka inanta dilay u dhaqaaqay maanu arag ee anigu in yar ka dib ayaan gaadhi ku soo saaray inanta oo aan dhakhtarka aanu soo gaadhay maqribkii, markaa ma garanayo in raad-cadii lagu maqan yahay iyo in kale laakiinse waxaan ogaa iyada oo aan cidii gaysatay la haynin, inanta yari waxay noo sheegtay in iyada oo adhiga ilaalinaysa uu nin tooray la dhacay”

Xasan Xuseen oo gabadha yar Adeer u ah oo isagu Hargeysa degan iyaa sheegay in hada ay ku mashquulsan yihiin sidii inanta yar daweynteeda iyo xaaladeeda caafimaad ay ku hawlan yihiin sidii caafimadkeeda loola tacaali lahaa, balse aanu wali xog rasmiya aanu ka haynin sida wax u dhaceen iyo waxa ilmaha yar sidan u galay waxa ay yihiin.

Dhinaca kale dadweyne aad u tiro badan ayaa ku soo ururay guddaha cusbitaalka kuwaas oo aad uga xumaa falkaa arxan darada ah ee ilmaha yar loo geystay.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.