Deked Baan Qodayaa?Tolow Yuu Dagayaa?

DALJIRE

Deked Baan Qodayaa?Tolow Yuu Dagayaa?

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta anigu laba Faysalba waan jecelay siday u hadlaan. Alla nimanku hadli okaa oo isu hadal ekaa.
Doolaal:oo waa kuwee labadaa Faysal anagu mid uun baanu naqaanayaye?
Dubbe:Dee waa Eng. Faysal oo Ina Cali Waraabe ku magac dheer iyo Sheekh Faysal oo Aadan Siiro ku magac dheer.
Doolaal:Allah hayaay! Bal kan gudcurka gudaya eega. Waar dee sheekha magaciisa dhabta ah ayaa Aadan la yidhaahdaa, Siirona waa lagu naanaysaa ee Faysal lama yidhaa. Kaasaanu wax ka dhegeysanaa oo aanu qof miyir qaba u haysanaa.
Dubbe:Wallah? Oo haddaa ma ilma abti baa? Isu hadal ekaa dee. Yeelkadoodee Ilaahay labadaba khayr badan ha siiyee Komishankii ka warran?
Doolaal:Adigu ka warran dee adigaa suxufi sheegan jiraye.
Dubbe:Anigu nin ayuumbaan ka yar shakisanahay. Inta kale waa ooraydh(alright) ninka biyoolaha ahaa ee biyaha mooye saxa ah iibin jiray. Ninkaa wuxuun baa i leh waa musuqmaasuq. Tolow mise Allah qabay shaydaan baa dhegta wax ii saaraya? Acuudu billaahi mina shaydaan. Istaaqfurulaah. Ilaahow Cadami oo kale nooga dhig.
Doolaal:Oo kuwa kale miyaad wada taqaan?
Dubbe:maya. Laakiin xisaab baan isu geygeeyay. Horta qolada Ina Rayaale soo magacaabay ama ku qaldamay kaad doontoba dhehoo (waayo rag xun buu moodayay)Ciise Xamare waan garanayaa kama baqe qabo inuu caddaalad ku shaqayn doono. Ninka madaw ee madaw sugulka ah ee bil amaara shaarubaha xiiraa ee Geelle ku magaca dheerina weligiiba ha na caayo oo ha na aflagaadeeyee nin mujaahida ayuu ahaa oo qalbigaa qoyan markay caddaalad timaado ayaan is leeyahay. Mujaahidiinta kama quusto xataa markay Talabiib ka degaan.(UDUB noqdaan)Ninka Samarroon wuxuun baan is idhi sidii saddexdii Samarroon ee ka horreeyay ayuumbuu nin sharaf leh oo caddaaladda garanaya noqon doonaa. Waanan ugu ducaynayaa inuu dadka dhex noqdo oo damiir yeesho. Labada mucaaradka ninka Kulmiye waa garanayaa caddaalad darro uga biqi mayo. ninka UCID waxaan ka filayaa inuu magaca xisbigiisa ee caddaaladda ku shaqayn doono. Waxa hadhay Dixood. Qalbi wanaag iyo samir baan ku hubaa oo uu halkaa ku soo gaadhay. Caddaaladna inuu ka tegayo u fili mayo nin qalbi wanaagsani.
Kulligood waxaan leeyahay dadka dhex u noqda. Kiishka xun ee Ina Rayaale qiyaastii lacagta ku soo rido ee uu xoghaynta idiinku soo dhiibi doonana diida. Ilaahaybaa lacag badane.
Doolaal:Waar hadalka ducada uun ku dhaaf oo dheeraadka ka daa.
Dubbe:Ku dhaafaye aan wax idiin sheego. Maanta saw dhawr askari oo yaryar intaan waddada ka sii qaaday maqaaxi meeshaasa anagoo ku shaahaynayna dad meesha fadhiyay khudbad umaan qaban.
Doolaal:Oo dadka lacagtooda ku istareexaya ee shaahaynayaana malaa kaa amaan heli maayaan?
Dubbe:Horta wuxuunbaan is idhi waar bal waxan ina Rayaale akhriyo ku akhri dadkan bal inay rumaystaan iyo in kale. Waxaan ku idhi. Haddaan ka imi dal Griig la yidhaado oo waxaan la soo saxeeday inaan deked ka sameeyo wajaale. Giriiggu dekedaha ayay xarfaan ku yihiin baddaa xeebta galbeed bay soo jeexayaan Wajaale ayay deked ta Dubai ka weyn ka samaynayaan. Lacagtana anigaa qaba.
Doolaal:Waar muxuu ku hadlayaa? Wallee kanaanan la yaabi waayin.
Dubbe:Halkaa markaan marayo ayuu inankii shaahu yidhi. “35 kun weeyaan.” Jeebkaan gacanta geliyay mise ninkaygii dekedda saxeexay 20 kun oo keliyaan hayaa. Waa lays eegay. Sii qaad baan idhi. Oday yar oo igu dhowaa ayaa kursigii soo jiitay oo agtayda soo fadhiistay.
Odaygii: Asalaamu Calaykum. Waar maxaa la sheegay? Adeer wax ma ku weydiiyaa?
Dubbe: haa adeer. Waar koob shaaha u keen xisaabtii hore ku daroo.
Odaygii: Adeer oday reer miyi ah baan ahay oo saddex habeen oo qudha magaalada u hoyday oo wax badani ugu dhiman yihiine, waadigan askarta bandanna wata dekedahana ka sheekaynaya eh ma ninkii Samarroon ee dalka haystay baad tahay?
Dubbe: Horta marka hore Madaxweynuhu beel ma aha ee dadkuu u dhexeeyaa ee reerkiisa ha ku sheegin. Jawaabtuna waa maya adeer ee nin iska caadi ah ayaan ahay. Askarta dhexda ayuunbaanu iskaga soo dhacnay midna adeer baan u ahay kuwa kale waa saaxiibadii. Waayo maxaad iigu malaysay.
Odaygii: dee nin waanad ahayn ninn caadiya.
Dubbe: Oo waayo. Si maanan u ahayn?
Odaygii: Waar nin waliba waa ninkiisa ee waxaa anagaa nagu khiyaamaysaane iska daayoo; waxaan is idhi ninka waxan oo beena sheegaya ee Wajaale dekedda ka samanayaa malaa waa ninkii la sheegayay ee la lahaa bahasha markaabiib buu ku raraa ee casho dhoweydna lahaa dekedda Berbera ayaan qodayaa.
Dubbe:Oo miyigana warkiisu ma idinku soo gaadhay?
Odaygii: Waar miyaad is yeeyeelaysaa. Oo carruurta maqasha la joogta ayaa ku sheekaysata eh. Miyaanu ku yar oo saddex jir ah oo aan awow u ahay oo inamadayda ka u yari dhalay oo ooyayaa ii iman anigoo ardaaga fadhiya. Hadda waa saddex jir. Shan carrura ayu inanku dhalay oo laba waa noqdeen oo saqiireene saddexda hadhay ayuu u dhexeeyaa midna ka yar yahay midna uu isagu kor uga weyn yahay. Maxaa ku helay baan idhi. “Cabdi dhedjar(dhegjar)-waa mid kale oo aan awow u ahay oo ninka inamada u weyni dhalay oo carruur ka horreysay wada noqotay oo dhegta caaradeeda la yar jaray-ayaa i caayay.” “Muxuu kugu yidhi” baan idhi. “Daahil Hiyaale.” Ayuu yidhi. Oo Daahil Hiyaale- kolkaa, wallay iga tahay, anigu garanba maayo- waa maxay awow baan idhi. “Dee waa beenta.” Ayuu yidhi. Waa aakhir saman. Isma lahayn inankaa yar baa waxaa la socda. Waa runtiiye maalintaa uu lahaa deked baan qodayaa ayaan idhi. Adeer intii qodnayd wax lagama dhoofiyo oo xoolo laga dhoofiyo oo bagaash lagama soo rogo eh inta uu leeyahay waan qodayaa muxuu ku falayaa. Dee waa been. Lacagta uu leeyahay waan ku bixinayaa muu ceelal noogu qodo aanu xoolaha jiilaalka ka waraabsano. Dee kuwiinnan reer magaalka ee qalbiga carruurta leh ee been walba dhegeysta ayuu arkay.haa. wax kale maaha. Wallaahi waa niman saddex lagu dhuftaa dhulka haysla dhacaane. Kuwaasaanu dad moodaynaa oo waxtar ka sugaynaa?

Doolaal:Waar anaga kolb aoday reer miyi ah oo hadalka tarminaya ha nagu dhaafin qayilaadee wax kale ma haysaa.
Dubbe:waxaan hayaa waxaan maqlayay maalin dhoweyd Jug-soo-dhacay oo leh madaxdii Djibouti ayaan la soo kulmay.
Doolaal:Oo waayo hadduu yidhaahdo?
Dubbe:Sheekadii baan ka daba tegey. Nin halkii uu kula kulmay fadhiyay ayaa iiga sheekeeyay. Wuxuu yidhi, horta waa runtiiye madaxda wuu arkay oo ninkuu waa nin reer Djibouti ah. Sidanna way u dhacday:
Madaxdii: hey oo waad cayaaraysaaye. Ninkani maanu Jamac Dhigicdhigic ahayn? Haye Jamac maad joogtay mise haddaad timiday bay ahayd? Warkaaga waan haynaa inaad reer Hargeysaad noqotay oo aad Secrataire General weliba noqotaye. Haye deed? Warka na sii dee?
Jugta:Warkaasi waa dhab weeyaan. Dhigic dhigic waagii hore baa lay odhan jiray bay ahayd maah? Magacii dhallinyaroniadii buu ahaa.
Madaxdii: Dee iminka nom d’encoch(naanays) kalaa laguu bixiyay baan maqallay. Jugta iska dhacday miyay ahayd? Yaah? ce qui fait cela signifie? Maxay ka wadaan dee nacamtii?
Jugta: horta magacu waa Jug-soo-dhacay. Kuwa mucaaridka ayaa ii bixiyay bay ahaydoo iyagii baan jug ku noqday oo aan aabahood ku kala kaarashay dee. Miyay iga macaashayaan baad moodi? Heey. Sawdi Jaamac yaqaana maahin.
Madaxdii: Waxaan ku weydiinay. Anaga waxa naga dawakhisay ninkii Dhigicdhigic Secretaire Generale (xoghaye guud) baa parti dirigeant(xisbilm xaakimkii)looga dhigay durbadabiiba. Ma run baa yaakhi taasi?
Jugta: haa.
Madaxdii:Waaxaan ku weydiinay. Kani Ina Rayaalahu ma maansuukh baa? Ma nin uuna garanayn oo diyaar meyd sidda la socday ayuumbuu Secretaire ka dhiganayaa? Waar naga daa beenta yaakhi horaa isu taqaaneene. Ta kale dadkan Xisbi baan ku jirnaa lihi iyagu ma sidii xoolihii bay wax kasta iska yeelayaan uun. Waaba animale eh.
Jugta: may. Hore isumaanaan aqoon.
Madaxdii: Oo maalinna meydaan wada barjeyn?
Jugta:maya.
Madaxdii:Maxaa kaa dhab ah? c’est stupéfiant. Waaba yaabe. Waryaa Dhigic caarkaagaanu caayiye adigaanbaan ka shakinaye. NSStii miyaad ahayd. Malaa jaasuus baad ahayd?
Jugta:may.
Madaxdii:Haddaa ninkii aad waagii odhan jirtay adeer buu ii yahay ee Ina Caynaanshe maad la shaqayn jirtay bay ahayd?
Jugta: may. Berigaa nin yar baaban ahaa. Iskoolkaan ku jiray bay ahayd.
Madaxdadii:waxaan ku weyiinay. Sided dadkan ula macaamishaa aydaan is aqoon? Maxaa uga sheekaysaa? Iyaka ma hii ayuumbay iska odhnayaan?
Jugta:Ces gens sont ignorant. Waa dad juhalo ah. Maxaad mooday? c’est simple. Waa wax dhib yar. Maaha? Je parle seulement de le huerre civile. Dagaalkii sokeeye ayuumbaan uga sheekeeyaa dee. Iyaka ayuumbaan isku diraa dee. Je l’ai poursuit jusua’ a sa tombe, xataa kuwii dhintay baan xabaalaha kaga wala daba tegey. Sida Ina Cigaal.
Madaxdii: Waraa khatar baabad tahayba. Haddeed adigaan kaa shakinayba. Cali Cabdigan aad xididka tihiin ee markuu khaatiyaan kaa joogsaday ee aad tidhi inaan Ismaaciil la taliye u noqdaan dooonayaa is yidhi iska mustaafuri ee dayaaradda meydka ku saaray baaban hadda ka dib wada hadlaynaaba. Isagaaba sheeko naga dhaxaysaaba hadeed.
Dubbe:Jug-soo-dhacayna wuxuu inagu yidhi qaddiyadeenii baan kala soo hadlay madaxdii Djibouti. Ayaan darridaa dalkaygow.
Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbi yidhaahdo
Geeljire

Fiiro gaar ah: walaalahayga reer Djibouti xumaan ulama jeedo igmana mudna.

This entry was posted in Other. Bookmark the permalink.

Comments are closed.