CODKAAGA KU CIIL BAX (19). TALO IYO TUSAALAYN KOMISHANKA DOORASHOOYINKA.

“ CODKAAGA KU CIIL BAX (19). TALO IYO TUSAALAYN KOMISHANKA DOORASHOOYINKA.

Waa hanbalyo iyo bogaadin iyo dardaaran u socda komishanka cusub ee guddoon wacan. Hor iyo horaan waa komishan leysku raacay, cod aan waxba lagala hadhin lagu fooladeeyey, waxayna Wakiiladu u xidheen cumaamad ay hareero hayaan mucaafid iyo mucaaridba.

“ Waxaynu ognay in sharafta la huwiyey ka dhalatay tanaasulka labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, waaayo Madaxtooyadu umay yareysan inay khilaaf geliso oo isku-dhac ka bilaabmo magacaabida oon dhammaan. Waxay ahayd cimri dherar iyo dhooqayn xeeladaysan.Waa se leyka gartay. Komishankuna waa garan karaa sababta loogu sacbiyey, iyo danta weyn ee laga leeyahay.
Waxaynu ka warqabnaa sida xad-gudubka ah ee loo celiyey xubnihii mucaaridku hore u soo magacaabay, iyo xubinta Guurtida. Waa dulqaad kale iyo samir ay ku dheehantay lexjeclada dalka iyo qaranka ooy muujiyeen mucaaridku, kolkay iyagoo ka dheregsan sharci darrada loo celiyey xubnahaas haddana canduuftootii dib u liqay.

Kama aha jileec, kamana aha cabsi, kama aha karti la’aan, kamana aha garasho la’aan. Waa halkii labada dumar ah ee ilmaha isku qabsaday, tii dhashay iyo tu ku qabsatay. Deedna xaakimkii caadilka ahaa yidhi waan idiin kala goynayaa oo midba badh ayaan siinayaa, hooyadii oo naxariis is haysan weyday ayaa tidhi “ha kala jarin ee iyadu ha aqaadato ee sii”, waa tii aan dhalin tan ay leedahaya ha la siiyo.
Waxa xaakimku gartay cidda dhashay iyo inay hooyada dhabta ahi tahay tan taanaasulka samaysay.

Kaalintii xaakimka dadweynow idinkaa ku jira, maalinta aad xukunkan QAADAYSAANA WAA DHARAARTA CODBIXINTA, OOD CODKAAGA KU CIIL BAXDO. Dharaarta awoodda hoggaaminta dalku gacmahaaga ku soo noqonayso, dharaarta lagaa sugaayo inaad dacwaddan qaado, ood garato hooyada dhabta ah iyo cidda laxjeclada xaqooda ku waayey mar, laba iyo tobanaan jeer oo dhammaan xukunkaaga sugaaya.

Raad-raac ahaan maqaalkan ku qoran linka hoose ayaan kaga hadlay habka ansixinta iyo sida haboon ee loo soo xuli karo xubno tayo iyo daacad leh. Waxayna ahyd mid aan kaga hadlay doorashadaii komishankii hore. Cidii taas xisaynaysaa ha gujiso linkan hoose.

http://www.longlivesomaliland.com/komishanka_doorashooyinka_iyo_ansixinta_wakiilada.htm

Aan toos ugu talaabo kan cusub iyo amuurihiisa. Komishnakan sida loo doortay waa mid loo arkay ahmiyadda ay u leeyihiin badbaadinta qaranka oo aad u iftiintay bilihii ina soo dhaafay. Waxaana laga sugayaa hawlo culus ood odhan karto rajadii qaranka oo dhan ayaa dhabarka loo saaray.

Waxaa looga fadhiyaa duul noqda hoggaan lagu hirto, garaadka iyo aqoonta bulshada adeegsada, gacan fulisa go’aankooda caadilka ah, af turxaan lahayn, xaqqana ka cabsoon, maskax shiisha duurafaha dalka, iyo tan ugu weyn ee ah xaqsoor seddexda musharaxa, seddexda xisbi, lixda gobal, iyo tobanaanaka degmo si cadaalad ah, eex la’aan ah, iyo miisaan aan dhan ka rarnayn ugu garsoora qadyadda codbixinta iyo arrimaha la xidhiidha.
Waa mid ay magac ku heli doonaan, kaas oo noqonaaya mid aan la yareysan. Waa magac-san oo iyaga iyo ubadkooduba mahadiyaan, iyo magac xun sidoo kale u raaca noqdan naanays aan ka hadin tafiirtooda. Waxaad maqli waa inna hebel, hebelkii qaranaka calooshiisa siistay,amba waa tafiirtii geesigii qaranka bedbaadiyey.

Hawsha loo igmaday waa mid sharaf ah, waa mid qiimo qaran leh, waa mid mudan qadarin, waana nasiib wax yari helaan. Maanta waxa ganacta loo geshay masiirkii ummadda. Waynu ka dheregsanay sida ay hawli ka noqotay colkii hore. Waana tu mudan inayna marna ka bixin maanka Komishanka cusub.

Xusuusta waxii dhacay, hanweynantii loo hayey raggii ceebta ku sagootiyey qaranka Somaliland. Xusuusta halistii dalku galay, xusaasta werwerkii shacbiga, xusuusta gurmadkii muwaadin iyo ajanabiba u soo guntaday, xusuusta magac xumadii ina raacday, xusuusta xadhigii Golka Wakiilada, xusuusta banaanbaxyadii muwaadiniintu ku dhinteen, xusuusta ciidankii heeganka la galiyedy. Intaas iyo dar kaloo badan waxay ka dhasheen maamul xumadii Komishankii hore. Komishan lumiyey garsoorkii, lka baxay dhexdhexaadnimadii,noqdayna seef ay daabkiisa hayso Madaxtooyadu.

DIGNIIN IYO DARDAARAN

Waxa leydinka fadhiyaa inaydun noqotaan dar ka maydha qaranka magac-xumada laga dhaxlay raggii xilkooda baal maray TAASI WAXAYDUN KU GAADHI KARTAAN KOLKAAD GARATAAN HALKAY WAX KA QALDAMAYN OO AH:

Laga bilaabo dhaartii ay sida mugdiga ah ugu dhaarteen goob uu joogo hal musharax oo keliye ah, kolka ayna ogeen labada mushara ee kale. Waxay noqdeen dar lumiyey kalsoonidii tartamayaasha iyo taageerayashooda. Dhaartu waa inay noqotaa madal maamuus leh, goobjoog ay ka yihiin seddexda musharax iyo maasuuliinta qaranku.
Waxay noqdeen dar aan iska moosin farogelinta Madaxtooyada iyo meelo kaleba.Iska jira in si toos ah amba dadban hawshiina loo soo farogeliyo. Talaa leydinku leeyahay idina go’aanka ayaad leedihiin.
Waxay noqdeen dar aan guddinimo ku shaqayn, ee Guddoomiyahu awooddooda la wareegay. Iska jira Guddoomiye keli goosta. Guudooomiye ma laha go’aan ayna gaadhin Guddigu.
Waxay ahaayeen dar si qarsoodi ah hawsha u wada. Ku bedela hawl daah-furan oo miiska dul taala.(Transparency), ogaada xisaab xidh iyo hawl maalmeedka oo qoran. Wax walba ka dhiga mid qoraal ah. (Accountability)
Waxay ahaayeen dar aan ku socon nidamka wada tashiga. Ku bedela talo-wadaag seddexda xisbi, iyo bulsha weynt u furan.Cidda danta idinla leh (Stakeholders) si niyad san ula tashada. Hawsha ku wada is-qancin iyo talo-wadaag.
Waxay ahaayeen dar aan aqoon awoodooda, oo badhna ka taga, badhna ku darsada. Ahaada kuwa barta xadkooda oon awoodooda cidna uga tegin waxna ku darsan.
Waxay ahaayeen rag u badheedha xisbiyada qaar oo aflagaado iyo hanjabaad war-baahinta mariya. Waa sharci darro in komishanka qaranku noqdo mid arrimha xisbiyada ka jawaaba. Hadal hufan, dhexdhexaad ah, miisaaman, gaban oo haddana buuxa ayaa astaan u ah garsoor xaq ah.
Awoodda sharcigu idin siiyey cidna hawga cabsanina, ciddida mugeeda cidna hawga tegina. Maanka iyo maskaxda ku gunta in Madaxweynahu ka mid yahay ragga tartamaaya eed garsoor u tihiin. Si siman oo isku mid ah ula dhaqma.
Intaas iyo wax badan oo bulshadu talo iyo tusaale ah ee warbaahinta leydin mariyey qaata. Taladana Alle la kaashada, tamar, taag iyo tayana ka doona cidday idiinla noqoto. Aqoonta bulshada maala, khibradooda lisa oo ha noqonina dar ka cabsada inay dirtaan inta ka aqoon iyo khibrad badan. Mas’uulka suubani, waa ka adeegsada cid ka aqoon badan.
Dadweynow, is barbar taag Komishanka, u fidi gacan iskaashi, u tilmaam dariiqa toosan, ka qabo qaladka, ka jooji ka gardarada ku samaynaaya. Isu taag xaqqaaga oo ilaasho inaad hesho garsoor codkaaga dhowra. Ilaasho inaan lagaa xadin Codkaaga aad rabto inaad Ku Ciil Baxdo. Xusuuso dhacdooyinkii soo taxnaa intay UDUB dalka ka talinaysay, wax ku qaado oo yaan mar kale CODKAAGU CADOW KUGU NOQON.

Waa inoo Soomaliland oo nabad ah, doorasho xalaal iyo xaq ah, iyo ictiraafkoo dabo socda Insha Allah.

Tan iyo tu kale nooli kulantee,

Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.