Talo ku socota Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Shariif Sheekh Axmed

Madaxwayne Shariif wuxuu muujiyay inuu yahay nin daggan oo mas’uul ah oo caqli ku shaqaynaya taasaana igu dhalisay inaan taladan u soo jeediyo.

Marka hore Madaxwayne:  Calankan aad hoos taagan tahay ee Buluugga ah xidigta cadani ay badhtanka kaga taal waa calankii aannu Hargaysa ka taagnay 26 kii Juun 1960 kii, dabadeedna waannu soo qaadnay oo Muqdisho ayaannu keennay oo laga taagay 1 dii Juulaay 1960 kii.

Haddii aannu nahay shacabka Somaliland halkaas ayay naga taagnayd qowmiyadd jacayl imikadanna halkii bay naga taagan tahay, maanta Hargaysa ninka oo Soomaali ahiba wuu ku nool yahay isaga iyo maalkiisuba waa nabad, laakiin waxaannu go’aan ku gaadhnay ummad ahaan oo aannu shacbi ahaan isku raacnay, In aannu marka hore taayada marka hore daryeello, oo Dawladnimadayadii la soo noqono, oo waddankayaga dhisanno, nabadna ka dhalino, waataa Jabuutiba oo ka mid ahayd shantii Soomaaliyeed markii ay teedii daryeeshay, ay u suurta gashay inay is xil qaanto, oo intii itaalkeedu yahay isku dayaysa inay wax u tarto qawmiyaddeeda Soomaaliyeed oo Dawladaadaba lagu soo dhisay Jabuuti Ilaahay abaalgud iyo ajar haka siiyee.

Talo:
Madaxwayne:
Waxaan kugula talinayaa inaad ictiraafto Somaliland oo aad timaadid Hargaysa, shacabka Somaliland waa shacab sharaf leh, waa shacab geesiya, cadaaladda jecel, dulmiga neceb waa shacab caqli iyo dhaqan wanaagsan leh oo Qawmiyaddiisa jecel, kaalay Hargaysa, si wanaagsan ayay kuugu soo dhawayn, af iyo addinna way iskaa barbar taagi.
Kuwan yar yare ee kaa soo horjeeda ee dariiqa bilaa mustaqbalka ah haysta, ee dhuuxii diinta ka tagay, diirkeedii qaatay, xalaalaystay dhiigii dadkooda, is biimayn caqligoodii noqday, muujiyay inay hoosayso wadaninimadoodu, naaqus yahay dareenkooda Qawmiyadood, waa kuwii qaraxa is-biimaynta ah ka riday Hargaysa ee ku laayay dadka rayidka ah ee masaakiinta ah ee aan waxba galabsan, sidaa ay cadawgaaga u yihiin ayay cadawga Somaliland na u yihiin.
Madaxwayne:
Ictiraaf Somaliland, si ay inoogu suurta gasho ka wada hadal mustqabalka Qawmiyadeena Soomaaliyeed iyo dadka ku abtirsada meel kasta ha joogaane, iyo sidii aynu sharaftooda iyo sumcadooda kor ugu qaadi lahayn, nabad galyo iyo barwaaqana ay ugu noolaan lahaayeen.

Digniin:
Waxaan kaaga digayaa, siyaasadihii iyo fikradihii khayaaliga ahaa e shaqayn waayay 20 sanadood ee inna dhaafay, Qawmiyad ahaan mustaqbalkeenu wuxuu ku xidhan yahay inaynu is tixgalino, oo ninna shu’uuntiisa aan la fara-galin, inaynu danteena guud ka wada tashanno, inaynu is caawinno nin walba karaankii, hour-marinta wadanadeenana aynu ku mashquullo. Wabillaahi Tawfiiq.

Axmed Cumar Dammaam , Saudi Arabia

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.