Shir Guddoonka Wakiilada Oo Hindise Codsi Ah Oo Kaga Yimid Madaxwayne Rayaale Shuruudo Ku Xidhay

Hargeysa, September 28, 2009 (Haatuf) – Shir-guddoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay in dalab kaga yimid madaxweyne Rayaale oo uu kaga codsanayey in kulan wada hadal ay isugu yimaadaan uu shir gudoonku shuruudo ku xidhay kulan dhex mara labadooda dhinac, taas oo ilo xog-ogaal ahina ay sheegeen in shir gudoonku ay jawaab ku saabsan is aragooda uga jeediyeen madaxweyne Rayaale iyagoo shuruudna ku xidhay kulano ay isku soo hor fadhiistaan, taasoo sida tibaaxuhu sheegayaana uu qoraal uu u soo diray shir gudoonka kaga codsaday in albaabadiisu u furan yihiin, si wada hadal ay uga yeeshaan khilaafaadkooda sharci oo wakhtigan xaadirka ah maraya meel cakiran.

Ma jiro war cad oo ka soo baxay xarunta golaha wakiilada iyo qasriga madaxtooyadu, balse ilo u dhuun daloola qoraalada ay is dhaafsadeen madaxweyne Rayaale iyo shir gudoonka wakiiladu ayaa la sheegay inuu markii u horaysay ku yimid qoraal uu madaxweyne Rayaale u soo diray shir gudoonka oo uu kaga codsaday in kulan wada hadal ay isugu yimaadaan labadooda dhinac, hase yeeshee tibaaxo ka soo baxay arrimahaa dhex maray ayaa la sheegay in shir gudoonka wakiiladu ay shuruudo ku xidheen madaxweyne Rayaale inuu fuliyo ka hor inta aanay kulan isugu iman, taasoo ay shir gudoonku dhinacooda la sheegay in madaxweyne Rayaale ay ugu qadimeen in khilaafka ka dhexeeyaa aanu ahayn mid siyaasadeed balse uu yahay muran sharci, oo ka dhashay awoodaha iyo waajibaadka golaha wakiiladu uu siiyay distoorka qaranku waxaanay tibaaxahaasi sheegayaan in shuruudaha uu shirgudoonku uu ka bixiyey dalabkaasi codsiga ah ay ka mid ahaayeen:

1. In madaxweyne Rayaale shuruucda iyo distoorka qaranka u hogaansamo, kuna dhaqmo go’aamadii iyo qaraaradii golaha wakiilada ka soo baxay.

2. In madaxweyne Rayaale uu si cad u bayaamiyo ku dhaqanka shuruucda dalka iyo fulinta go’aamadii ay gaadheen.

3. Inuu raali gelin ka bixiyo talaabadii uu ku xidhay xarunta wakiilada ee ciidamada bilaysku qabsadeen.

4. Waxa kale oo la sheegay in shir gudoonka wakiiladu ay shuruud kaga dhigeen kulan dhex mara Rayaale in askartii gaysatay dilalkii lagula kacay labadii marxuum ee dhalinyarada ahaa ee ka midka ahaa dadweynihii isugu soo baxay xarunta golaha wakiilada duleedkeeda ee ku dhintay kacdoonkaasi sharciga la horkeeno isla markaana xukuumadu bixiso labadaa marxuum ee ku geeriyooday iyo dadkii dhaawacu ka soo gaadhay.

In kastoo aan si rasmiya loo ogayn jawaabaha la sheegay inuu ka soo bixiyay shuruudahaasi ay shirgudoonka wakiiladu ka bixiyeen codsiga kaga yimid madaxtooyada, hadana waxay ilo xog ogaal ahi Haatuf u sheegeen in madaxweyne Rayaale shirgudoonka wakiilada kaga codsaday in wakhtigan xaadirka ah ay albaabada madaxtooyada u furan yihiin loona baahan yahay in masuuliyiintooda sare ee waaxda fulinta iyo waaxda xeer dejintu ay wada hadal ku dhameeyaan muranka sharci ee ka dhex aloosan madaxtooyada iyo wakiilada oo mudooyinkan dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf cakiran oo sharci oo gaadhay heer la isu adeegsado ciidamada iyo shacbiga iyo talaabo kasta oo ay labada dhinac iskaga takhalusi karaan.

Dhinaca kale waxa la sheegayaa in koox salaadiin iyo odayaal isugu jirta ay ergo dhexdhexaadin ah oo la isugu keenayo shir gudoonka wakiilada iyo madaxweyne Rayaale maalmahan ugu dambeeyey ay ku soo noqnoqonayeen xarunta wakiilada balse shir gudoonka wakiilada ayaa la sheegay in kooxaha hawshaasi u ololaynaya ay u soo jeediyeen in arrinka la isku hayaa uu yahay muran sharci, balse aanu ahayn muran siyaasadeed, taas darteedna lagu xalin karo oo keliya sharciga, balse aan loo baahnayn in dariiqa laga lumiyo muranka sharci ee salka u ah golaha wakiilada iyo xukuumada.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.