Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay Fulinta Heshiiska Axsaabta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa madaxda Goleyaasha iyo asxaabta Dalka ugu baaqay inaanu dalku mar kale gelin Khilaafaad Siyaasadeed. Waxaana Goluhu maanta galay fasax laba Bilood ah.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay  hadal dardaaran ahaa oo uu Fadhigii Golahaasi waxaanu ka xog waramay culayskii ay lahayd hawshii xal u helida khilaafaadka, waxaanu yidhi, “Waynu ka wada warqabanaa maalmihii ugu dambeeyay ee aynu wadnay xalu helida  khilaafaadka dalka dhexyaala, khusuusatan madaxda qaranka la kala reebi maayo waxay keentay khilaafaadkii madaxda dalka u dhaxeeyay ama golaha xukuumada iyo wakiillada ha ahaato ama golayaasha qaranka ha noqdeene’e ama inaga (Guurtida) dhexdeenaba ha ahaatee waxay ina gayaysiisay inuu  bulshada saameeyo oo weynu isku siganay oo Ilaahay baa ina kala badbaadiyay oo inoo soo gurmaday walaahay waynu siganay, isku dhac caadi ahi haddii uu yimaadana Somaliland, Soomaaliya kama aynaan sokeyneen. Horta khilaafaadka madaxda aynu daweyn.”

Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay inuu casuumad isu soo dhaweyna ah u fidiyay madaxda golayaasha isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigu ka guddoomiye ahaan iyo ka qof ahaanba inagu casuumayaa madaxda golayaasha ha noqoto ama gole walba dhexdiisa ha noqotee inaynu khilaafka iskaga nidaamno daweynana, oo wada shaqayntii sidaasi ku timaado inagoo gacmaha is haysana aynu ku dhaqaaqno wixii horumar ah waan ku dhaqaaqayaa in aan arrintaa ka shaqeeyo kollay aniga iyo shirgudoonku.”

Guddoomiyuhu wuxuu golayaasha qaranka kula dardaarmay “Waar waynu siganay oo Ilaahay baa ina badbaadshaye yaanay mar dambe dib u dhicin khilaaf kale,” ayuu yidhi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu intaasi uu kudaray “Saddexda xisbi ee qaranka khilaafaadka qayb aad iyo aad u weyn ayay ku lahaayeen iyo cudurka inoo yaalla, waxaanu ka codsanaynaa saddexda xisbi inay gartaan waxaynu dhammaanteen u adeegaynaa sidii loo heli lahaa bulsho midaysan oo horumar hiigsanaysa, isku sigashadii iyo dadweynihii kacay wuxuu sababay in xiskii inagu soo noqdo, waxa kale oo uu sababay in adduun weynihii inoo soo gurmado, xataa inaga (Guurtida) ayaa gaadhnay heer aynu wada hadli weyno oo ay miis soo wada fadhiisano Ilaahayoow ha inagu celin, adduun weynihii soo gurmaday waxay inoo la yimaadeen 6 qodob oo saddexda xisbiba way ogolaadeen waxaanu leenahay ilmaadeerayaal fuliya.”

Guddoomiyaha guurtidu wuxuu sheegay in khilaafaadkii dalku sababeen abaaro ba’an oo dalka ku dhuftay oo loo gurmaan kari waayay shacbigii ay saamaysay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu golaha guurtida oo isku dhan uu martiqaad turxaan bixin ah u fidin doono Golaha.

“Wada fadhiisi golaha oo isku dhanoo aan ahayn xarunteenan ee aynu meel kala fadhiisano aynu kiraysano oo horta aynu isa saamaxno, saamaxaaduna carabka ma ahee waa caloosha,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay in Xildhibaanadu ay galaan fasax laba bilood ah, ka dib markii goluhu cod u qaaday. Waxaana ogolaaday fasaxaasi 55 Mudane, halka hal Mudane diiday, Guddoomiyuhuna muu codayn.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.