Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo joojiyay Mooshinkii Xil-ka-xayuubinta Madaxweynaha iyo mid kale

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta joojiyay dooddii laba Mooshin oo dhawaanahanba ku hirdamayay Xarunta Golaha, isla markaana halkaa ka socotay. Waxaanay galeen fasax laba bilood ah.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxa uu guddoomiyuhu halkaa kaga dhawaaqay in la joojiyay dooddii laba mooshin oo ka socday Golaha. Kuwaas oo mid ka mid ahi ahaa in xil-ka-xayuubin lagu soo oogo Madaxweyne Rayaale, halka ka kalena uu ahaa in la bedelo Shirguddoonka Golahaas. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in la hakiyay Mooshinnadan, ka dib markii ay eegeen xaaladda dalku ku sugan yahay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha wuxuu sheegay in Goluhu fasax geli doono muddo laba bilood ah. ka dib codayn loo qaaday soo-jeedimaha Guddoomiyaha, waxa ogolaaday 43 Mudane, 10 kalena way diideen, hal mudane wuu ka aamusay, Guddooomiyuhuna muu codaynin. Waxaanu Guddooomiyuhu sheegay in uu sidaa ku ansaxay.

Mooshinka xil-ka-xayuubinta Madaxweynaha ayaa ahaa kii sababay in Xukuumaddu xidho Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ay dhintaan 2 qof, ka dib markii ay dadweynaha ku dhaqan Hargeysa sameeyeen isu-soo-bax ay tallaabadaa kaga soo horjeedaan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.