DALJIRE:Ma Darroorin Baa Aqal Loo Dunshaa

DALJIRE
Ma Darroorin Baa Aqal Loo Dunshaa

Cabdillaahi Geeljire

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta intii khilaafku socday oday guurtida ah oo kuwii Ina Rayaale la sida sharci darrada ah ula socday ka mid ah ayuumbaan anigu ku qoslay isaga iyo islaantiisii waxa kala qabsaday.

Doolaal:Oo muxu sameeyay?

Dubbe:Markii habeenkii jimcihii arrintu kululaatay ayuu odaygu yar baqday. Islaantii tii buu u yeedhay:

Odaygii:Naa Dahaboy bal kaalay. Naa caawa guri meeshaas ah oo raggii lagu ururiyay ayaan u hoyanayaa hawl baa jirta ee “dardaaran waa inta ifka la joogo eh” bal kaalay.

Dahabo:Bisinka iyo yaasiinka. Ee maxaa dhacay ee la dib jiraysaan jimcayaashan galay?

Odaygii:berrito salaada ayaanu mooshin gelaynaa.

Dahabo:Looshin gelaynaayaa? Looshinku ma kan la yidhi berkad baa la yidhaahdaa oo hablahan yar yar baa isku caseeya. Naa xaawalay islaameed maxaynu wax walba maqli. Ee ma da’dan baad looshin gelaysaa. Cimraagaasaan jiray oo waxaan sixin ahayn korkayga ma marin. Ee awalba jactad weyneyde yaanu dubka iyo diirku ku kala siibanin.

Odaygii: Waar maxay ku hadlaysaa wuxu?Naa mooshin baanu ku nidhi.

Dahabo: Mishiin aah? Maxaa mishiinkiina helay miyuu xumaaday?

Odaygii:Naa mooshin baanu ku nidhi mawtal qafle ku dilye. Qoodh iyo xero dhegahay ka fayoobeyde iyana beeshay.

Dahabo:Ee mush mush layne xaggaa nooga baydh oo meeshaad ku dhaxayso ku dhax. Mooshinku waa maxay?

Odaygii:Naa wax garan mayside arrimaha Guurtidu ka shaqayso ayaa mooshin la yidhaadaa. Eeg. marka raggu geedka fadhiyo hawsha uu hayo “Arrin” baa la yidhaa. Marka Guurtidu xafiiska fadhidana af Carabi baa loo bedelaa “Mooshin” baa la yidhaa.

Dahabo: Wegerey! Awowgay Muumin farjarow. Oo dabadeed awalba haddaa mooshineynayseen maxaa maanta dibjirnimo iyo dibbood keenay eel ala dhaxayaa? Ee muraadkaaga sheego beryahaaba inaad waxaa soo wadato waan arkaayay khuuradaada eh. Naayaadhaheen. Inaan ka sokeeyo oo aan ka shisheeyo ayaanu ogayn.

Odaygii: ee iminkaad meel kale isku qaadiye , gaadhi baa ii soo socda oo i qaadaya eh waxaan ku idhi . haddiiba arrinku xumaado oo wax dhacaan oo geeri loo simane waxba dhacaanba. Dhawr arrimood baan ku sii farayaa. Hortaa inankaa weyn waad ku hadal xuntay ee talada reerka faraha uga qaad oo inuu nin weyn oo 30 jir ah yahay ogow. Qoladii inanta soo doontay markay soo diyaar garoobaan dhakhso ugu rara. Ninka Cawil la yidhaado ee wasiirka ah lacag yar oo ku raagtay oo kaga hadhsanayd mooshinkii hore inanka muxumed uga dir oo ta mooshinkana soo raaci dheh. waa mid labaduba go’anyihiin oo Madaxweynaha wuu ka soo qaadaa anagana nama soo gaadhsiiyo eh. Baloodhkii ilma Siciid Cabdi dhankan bari ka xigey file-kiisi shalay baan xoghaynta madaxweynaha u geeyey. Mooshinka dabadii baan saxeexayaa ayuu yidhi. Isna ka soo qaada. Waxa kale aan idinkala ballamayaa. Kursigaasi yuu wareegin. Nin wal oo golahaa ka baxayba inankiisii baa bedelay. Inankaa muxumed kursigaa ha ku fadhiisto. Waxa la odhan da’daadu waa intee? Yuu odhan waa sodon oo runta sheegin ee 45 inuu yahay ha ku dhaarto….

Dahabo: Bisinka, bisinka. Ma been buu dhaar iyo milad ku mari? waataan goblamaa gabbal baas noo dumaa inaanay dhacayn.

Odaydgii: Naa dhegeyso waqti ma jiree. Nin waliba sidaasuu ugu dhaartay. Ina Booshcade miyaanad arag? Kulli waa waa isku mid. Waxa kale oo aad tidhaahdaa, xukuumadda ha ka hor iman. Mooshinada ay wadato, haa waxaan ahayn yaan lagaa maqlin. Mooshinadu masqare maaha. Waa kuwaan kuwaan ku soo koriyay ee aan intaa ku soo leekaysiiyay. Waa kuwa waxaas oo dhul iyo hanta aan ka sameeyay. Maya yaan lagaa maqlin dheh. Gaadhi waakan. Naa waydinkaa aan isa saamaxno. Soo duceeya. Salaamu calaykum.

Doolaal:Wallahi oday caqli miidhana ayuu ahaa.

Dubbe:Waxa kale oo isna iigu darnaa nin mujaahidiinta ka mid oo cadhaysan ayuumbaa daf i soo yidhi anigoo meel koob shaaha ku cabaya. Kuye. “waar bal warran. Waar arrin waa xunyahay bal tali maanta Dubbow.” “oo side wax u jiraan?” Kuye:

Dubbow iga su’aal

Dalkaan aawadadii

U dagaalamee

Dhiig u daadshayee

Dadkii ila dhashiyo

Wuxuu diric lahaa

Dab u saarayee

Dambas ay noqdeen

Dib haddaan mar kale

Waa deeq Allee

U dadaalayoo

Dadku hays cafshee

Nabad daajiyoo

Degelkii madhanaa

Dawlad uga dhisoo

Kuwii ii darraa

Mid ka doortayoo

Daadihii idhoo

Dalag raadiyoo

Diihaalka reeb

Daacad baan ahoo

Midho duubaniyo

Daray baan liqee

Markuu degay kursiga

Dabadii la helay

Hadduu diirka sare

Daahayska rogay

Hadduu daallin yahay

Hadduu dagay xaqii

Diinlaawe yahay

Daldalaaya been

Hadduu yahay dillaal

Hadduu doolar rabo

Hadduu cunay dalkii

Dekedii madhsaday

Hadduu dalamsadoo

Daarii Hindida

Wada diray dhammaan

Isagoo dibbiray

Oo daaco wadhay

Hadduu daalac rabo

Hadduu xeer derderay

Hadduu qubay distoor

Hadduu daayacoo

Ictiraafka dilay

Duqay iyo carruur

Haduu laayay dumar

Dawgii wacnaa

Hadduu diiday samo

Doorashada xorta

Durkistoo wagtiga

Dheeraad ku daray

Degimaayo yidhi

Dulqaad iga dhamaa

Waxa maanta daran

Dariiq kale lahayn

Dani ay tidhaa

Lama sii dib dhigo

Deg deg waa u qabo

Ma dagaalamaa?

Digtaatoor kibriyo

Daaquud laysyadii

Jabhaddii darrayd

Ma diyaariyaa?

Dirays maw xidhaa

Dabka maw qubaa

Duhurkaba halkaa

Ma ku soo dabraa

Dambiguu galayna

Maw daliiliyaa

Dadweynaha hortii

Deldelaad sudhaay

Ma ka daalibaa?

Mise waan degaa

Colaad la dumoo

Dabkeed lama shidoo

Dadka lama qaxshee

Daw kalaan maraa

Qaylo aan damayn

Afkaan gacan daraa

Dunidaay hayaay

Doorkan noo kacay

Diiwaangelin saxaay

Doorashada qabtaay

Dawan baan tumaa

Doolaal:Oo markaa maxaad adigu ku jawaabtay?

Dubbe:Dee anig ma gabay baan aqaan waxaan ku idhi. Waar dagaal layne ninyow meesha ha nagu cawarin aanu kaa qayilnee. Intan yarna waan u raaciyay.

Dayibow jawaab

Bino daarti aad

Dabaqyada dhistee

Duunyo waxaad lahayd

Ku daqiiqday maal

Deg markaad is tidhi

Dusha meel hadday

Ka dillaacdo oo

Cirka soo da’iyo

Soo dayso roob

Saw inaad dawada

Deg deg raadisoo

Wax dabooli laa

Daamur iyo camuud

Doontoo heshaa

Daw maaha wacan

Inaad cadho duddoo

Dibnaa ruugto oo

Dubbe iyo birweyn

La duul fuusho oo

Deyrkiyo guddaa

Derbiyada ku yaal

Daaqad aan wax qabin

Daakhilkow riddaa

Dambas kaga dhigtaa

Miyay kuu dan tahay

Alla dooriyow

Ma darroorinbaa

Aqal loo dunshaa?

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.