CODKAAGA KU CIIL BAX-(16). DHACDOOYIN TAARIIKHI AH

Codka muwaadinku waa codbixin warqadeed xilliga doorashada, xiliyada kale waa bandhig fikradeed oo qoraal, hadal iyo muuqaal ah. Muuqaalka waxa ka mid ah dhoola-tus, isu-soo-bax, shirar iyo banaanbax lagu muujiyo dareenka muwaadinka. Waa tiirarka dimuquraadiyadda, meesha laga waayo xorriyadda muujinta dareenka muwaadinku waxa lagu sifeeyaa meel u xaglisa dhinaca qorax dhaca qarannimo dimuquraadi ah, oo meel haddayna ahayn mudgi kelitalisnimo, cagta saartay dhabadii u kaxayn lahayd dhinacaas. Kelitalisnimadu ma aha marka xadhig iyo dil jiro oo keliya, waa dal awoodda talisku ku uruurto gacan keliya, oo ayna jirin wada-tashi iyo wax is weydiin, xataa haddayna ka jirin xad gudub xorriyadda aadmiga ahayni.
Haddaba waxa ina soo maray laba wiig oo kala-guur ah, halgan ay isku haleeleen koox doonaysay inay dalka ku hubsadaan dariiqa kelitaliska, iyo xaq-u-dirir lahaa halkaa dhafimeyso, ee dib hoggaanka ha lagu soo celiyo xeyndaabka sharciyada. Alle mahadi ha ka gaadhee waxa guulaystay colka dambe.Waa farxad iyo reynreyn qaran, waana mid kor u qaaday mustawaha lagu qiiyaaso qarannimada iyo sida loo xaliyo ismaandhaafka siyaasadeed, Soomaliland oo saarnayd kafadda miisaanku, waxay u dheeliday dhinacii dadweynaha iyo wanaag-doonka.
Taas waxa daliil u ah xaalad abuurkii dawladda ee dhicisoobay, iyo go’aanadii sharciga ka baxsanaa ee Madaxtooyada oo dhammaan noqday qaar socon waayey, waxa Madaxtooyadu ku fashilantay xaalad abuur kasta ooy soo malaygtay tan iyo bilowgii qalalaasaha ay iyadu furaha u haysay. Aan si aan qodobaysnayn bal se ku kooban sawir dhacdooyinkii xidhiidhka ahaa aan idiin soo dhigo oon dib u celiyo xusuustiina.
Waxa la eryey Hayadii Interpeace ee Deeq-bixiyaasha wakiilka u ahayd. Waxa madaxtooyadu keli go’aamisay in doorashada lagu galo diiwaangelin la’aan.
Waxa Guddoomiyaha Komishanku ku dhaartay inaan cidna loo joojinayn, waxuuna soo dhigay jadwalka ololaha. Isaga iyo Maxweynahu waxay habeen iyo dharaar lahaayeen doorashadu waa maalinteeda 29 Set, waa diiwaangelin la’aan, sharci noo diidayaa ma jiro in xisbi keliye doorashada galo, hadday kuwa kale diidaan…Waaba ereyada dalacsiiyey Mcalin Xasan oo ahaa wasiir dawle, kana dhigay wasiirka Madaxtooyada.
Waxa dawladdu marar badan ku celcelisay in gacan bira lagu qaban doono ciddii banaanbax sameysa. Waxa gacmaha is-qabsaday labada xisbi oo dhigay banaanbax muujiyey awoodda shacbigu halkay la jirto, waxaana dabadeed la waayey ololahii maalka shacbiga lagu agaasi jiray ee UDUB oon dib loo arag, illeyn la arag cidda dadweynahu la socdee.
Wasiirad ugu dhow Madaxweynahu dhinaca dhulka mey dhigin, habeen oo dhan la soo jeed, la dhaqdhaqaaji suldaano, cuqaal, ganacsato, dhalin iyo waayeel midba wax loo sheegay..ereyadii qabyaaladeed ee ku fogee reer hebel, reer hebelna reer hebel ku dir, ka jabi, ka kaxee, soo riix, didi, eri, cay iyo bulshada oo nabar kasta oo hore u soo mary la damqaayo, ayaa lagu bixiyey hantidii qaranka.
Soconweyday. Baaqyo iyo warbaahintii sharka oo hawl gashay, guddiyo hoosaasin iyo daacad isagu jira la farsamee. Soocn weyday oo meel daalin iyo daacad ku wada jiraan dhaqaaqi weyday.Loo dhaqaaq dhinaca sharcidejinta Waxa la abaaray ridida labada Guddoomiye, waa Sulayman iyo Cabdirahman Cirro.
Golayaashi dareeme duulaanka iyo xaalad-abuurka dalka ka taagan. Golaha wakiilada waxa ka bilaabmay dood ah dambiyada iyo dastuur jabinta Madaxtooyada, kuna biyo shubantay inaan laga fursanayn maamuus-ka-xayuubin.
Waa nidaam sharci ah oon lays hortaagi Karin. Waxa xertii Madaxtooyadu go’aamisay in Golaha lagu dagaalamo oon Wakiiladu salkaba dhigin. Waa ayaan darro ee lix nin oo saaxiibay Mujaahid Axmed Weysacadde ku jiraa dirir iyo waraaqo jeex ku dhaqaaqe.In yar oo kaftan ah. Waagii hore waxaanu Burco ku dacaayadeen jirin inay ciyaarta kubbadda ku dheelaan hab ah haddii kubbaddu ku dhaafto yaan ninku ku dhaafin. Maalin dhoweyd anigoo arrinkan dabajooga ayaan kula kaftamay nin reer Boorame ah, taas waxaad ku badashayn dhinaca siyaasadda haddii lagaa badiyo, madasha shirka khalkhali oo yaan laba fadhiisan, isna waxuu yidh Waar taas ma naqaane, Riyaale waxuu kala yimid dhinaca Itoobiya.
Loolankii Wakiiladu waxay socotaba gaadhay bastoolad la bax iyo gardarradii soconweyday oo heshay taageero Madaxtooyo. Taariikh cusub ayaa bilaabantay. Golahii la quful, muftaaxiine gacanta loo geli Madaxtooyada waa bidco ku soo biirtay dalka.Dawladdu ku faantay”Annagaa xidhnay ilaa aan nabbadda sugnana la furimaayo”. “Waxay u shaqaynayaan Shir-guddoonku cadow raba inuu burburiyo dalka”
Dadweyne is abaabul, la yee halkan hadday dhaafto, arrinku wuu fogaan. Banaanbax salmi ah lagu soo galbi Wakiiladii, rasaasi joojinweyday, dhulkana u dhace geesiyaal ku dhintay dareenkooda ooy si sharci ah u muujiyaan. Dilki cabsi keenio waa, deedna la fur Golahii..waa xaalad-abuur kale oo fashailmay…Weedhahii dawladda”Ciidan beeleedyo hubaysan ayuu ShirGuddoonku abaabulay” iyana waa ereyo taariikhi ah oo diiwaanka loo gelin doono maamulka Riyaale.DAAWO BANAANBIXII MUWAADINIINTA RASAASTA LAGU HAFIYEY EE DHIMASHADA IYO DHAAWACABA KEENTAY http://www.radiohormuud.dk/news.php?id=2857&page=8
Dhanka kale u bood. Waxa la birtilmansaday Golaha Guurtida. Koradhsiimo sanad iyo laba sano ah kala doorta la yidhi, la barbar eri ha la bedelo Shir-guddoonka. Cabsi gelin, sooryo, dhaameel iyo hunguri kicin la adeegsay, lagu kab qabyaad iyo qaybintii doqonnimo.Shirguddoonkii leysku dir, la gilgil kursigii Sulaymaan, isna baqanwaa, danta guud ka door bid madaxiisa, dadwenaha gaadhsii fariin adag iyo xumaanta dalka jirta iyo xaalad abuurku waxay ka soo baxdaa Madaxtooyada ee ilaashada qaranimadiina, ku baaq.
Arbacadii 23 Sept Riyaale dib uguray, yidhi 6da Qodob ee Caalamku soo jeediyey ayaanu qaadanay. La garay Kulmiye oo uu filaayey inay waqti ka qaadato dooddu keentana isqabsi, deedna uu ku canbaareeyo mid xagjir ah oon danta guud ogolayn. Kulmiye iyo Ucid Khamiistii hor-yimaade Golayaasha iyagoo filayey hadday Riyaale ka dhab tahay in UDUBna timaado ooy wadajir uga dalbaan labada Goleba inay joojiyaan mooshinada dalka gilgilay.UDUB ma iman, bal se hab-dhaqankii hore Riyaale sii wad, isagoo isha dabaaya yidhi” Guurtidu xaq ayey u leedahay inay mooshinkooda korodhsiimo sii wadaan, si ay dalka uga badbaadiyaan xukunka ku eeg 27 Sept 2009″ La yaab. Miyaan korodhsiimadii hore ahayn ilaa 29 October 2009.
Sulayman adkeysay oo khamaar. Waxii dhacayaa ha dhacaan cidda ka masuul ahna ha la arko, ee waa inoo Jimcaha iyo coddeynta korodhsiimada…u qaate reer UDUB inay guulaysteen farxad iyo qayilaad u dhaqaaqe, lagu qabow waa sanad iyo burburkii mucaaradka.
Fiidkii Jimacaha Mucaarad is arag soo dhige haddii berrito la kordhiyo arrin aanaan oggolayn oo ka baxsan kii aan oggolaanay ee Deeqbixiyaashu iyo Bulshada Caalamku soo jeedisay, waxaanu dhisaynaa dawlad ka kooban labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, kuna baaqe banaanbaxyo taageero GUJI LINKAN OO DAAWO BAAQYADA MADAXTOOYADA IYO MUCAARIDKA. http://www.radiohormuud.dk/news.php?id=2923&page=2
Sulayman baaq dir, berrito hadday Golahu korodhsiimada madaxtooyadu doonayso hirgeliyaan, waxii dalka ka dhaca Madaxweynhaa ka mas’uul ah
Waa arrinkii oo is-laba gadiyey. UDUB isku yaacday, madaxtooyadii la’di weyday, mar kale soo gale hawada warbaahinta, hanjabaad iyo cago juglayn la yimaada. Waxba riixi weyday, salaadii subax horteed candhuuftii UDUB dib u liqday…Ha loo foodo lixda qodob ee Caalamku soo dhigay eey hore Kulmiye iyo UCID garteen arrinki ku biyo shubay.
Shacbigi Golahii guurtida isku xeere, danta guud u gurmade, tuse inay taladu iyaga ka go’do. Duqaydii shalayto sanadka ku baaqaayey lafahooda u cabsade, isku raace wanaag iyo wax san, ducadii Dhugad Alle rumee. Hal diidan ma leh, Sulaymanna farta ma taagin ku dhammaatay. Maamuus iyo magacii Guurtiduna dhaxantii iyo xajiintii ka maydhe. Waxii la cunay calafkeed, bal se ma dhicin waxii loo cunay!. Xoole la soo celiyaa ma jirto, waayo cid sheeganaysa ayaan jirin…dhac qarsoonaa oo la sii dhacay kii laga sii dhacay ma dabo galo.
Waxa biyo-shubki noqday tii dadweynaha. Waxa Guurti garatay inay raacaan danta guud, iska riixaan magac xumo iyo dhibaato aan dhammaadkeeda la garanayn. Waxa la wada qaatay lixdii qodob ee khamiistiiba la gaadhi lahaa haddayna Madaxtooyadu noqon mid dhanna ka aqbashay, dhinaca kalena ka riixaysay muddo kordhin sanad ugu yaryahay. Waa guul dhinac walba ah oo meel dhexe iyo dan guud leysagu yimid. Waa se mid u baahan in niyad san lagu aqbalo, laguna shaqeeyo siday lixda qodob dhekhso u shaqeeyaan, lagana daayo xaalad abuur dambe, dalku khatar ayuu galay, mid dambena uma baahana.

Maqaalka kan xiga waxa aan ku eegi doonaa doorkii dhexdhexaadinta guduhu siday u gabtay. Doorka Golayaashu sharcidejintu siday ahayd? Mucaaridku ma maray dhabbo toosan? Yaa guulaystay? Maxaa laga faa’iday? Yaa ilaalin kara inaan xaalad-abuur kale dhicin?

Ugu dambayn hambalyo ayaan leeyahay ugu horreyn shacbiga ogaaday awoodooda, waxa sidoo kale aan bogaadin u dirayaa Xisbiyada Mucaaridka iyo Seddexda Gole ee dawladda; Guurtida, Wakiilada iyo Golaha Fulinta ee uu madaxa u yahay Madaxweynahu. Waxaanan leeyahay hawsha niyad san iyo hagrasho la’aan ku dhaqaajiya, khatar dambe yaan dalka la gelin. Ogaada in shacbi weyne idin eegaayo, iyagoo duruus ka qaatay dhacdooyinkii labada sano soo taxnaa.

Mahad oo dhan Allah leh.

Ahmed Arwo

http://samotalis.blogspot.com/

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.