Maxaa ka soo baxay kulan ay shalay yeesheen KULMIYE iyo UCID?

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo KULMIYE, ayaa shalay kulan ka yeeshay bedelka xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo sii amboqaadka fulinta qodobada dunidu u soo jeedisay dhinacada siyaasadda Somaliland.

Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xassan oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay kulankoodaas, waxa uu sheegay in guddiga wadajirka ah ee istaraatijiyada iskaashiga labada xisbi shalay arrintaas kulan ka yeesheen. “Hadda marxalada cusub baa la galay, marxaladaasina waxay u baahan tahay in lixdii qodob la wada hirgeliyo saddexda dhinacba. Waxa aasaasi iyo muftaax u ah in Komishanka iyo sidii lagu taliyay si dhakhso ah wax looga qabto, markaa arrintaas wadahadal baanu ka yeelanay,” ayuu yidhi Prof. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan.

Mar la waydiiyay xubnaha Komishanka ee bedelkooda ay soo jeedinayaan, waxa uu sheegay in labada xisbi Mucaarad markii hore mawqifkoodu ahaa in la bedelo afartii xubnood ee Diiwaangelinta laalay oo keliya. “Laakiin, qolada kalena (UDUB) waxay yidhaahdaan baa la eegayaa, balse ama afar ha noqoto ama kuligood ka noqotee waa in wax laga bedelo. Kollay soo jeedin in kuligood la bedelaana meesha way taalaa, sidaa darteed hadii taa la isla garto u malayn maayo in wax laga qabayo (cidi diidayso). Laakiin, imika labada dhinacba bedelaa waa la isla ogolyahay – in kuligood la bedelo ama afar la bedelo, balse waxa weeye uun in waqti yar oo gaaban laga wadahadlo,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in aanay xisbi ahaan waxba ka qabin in dhamaan todobada xubnood ee Komishanka xilligan meesha laga saaro, lana soo xulo xubno cusub. “In wax la isla garto ayaa loo baahan yahay oo la doonayaa,” ayuu raaciyay. “Sidoo kale, waxaanu wax iska waydiinay in lixii qodob la dhaqaajiyo oo aanu waqti lumin, waayo Somaliland waxa lagu yaqaanaa in inta wax la isla qaato, haddana waqti badani lumaan,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID. Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulankoodaa ay ku soo qaadeen sida loogu baahan yahay in si degdeg ah loo casuumo khubarada dhinaca Farsamada ee dib u kala haadinaya Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. “Marka Komishankaa ka sameeyo ee la diyaar gareeyo, isla markiiba waxa la casuumayaa qolada Server-ka hagaajin lahayd,” ayuu raaciyay. Wuxuuna sheegay in khubaradaa ay soo diri doonaan Deeqbixiyeyaasha dhinaca Dimoqraadiyadda ka taageera Somaliland. “Casuumaduna waxay ku xidhan tahay Somaliland,” ayuu yidhi.

Mar la waydiiyay xilliga rasmi ahaan ay Madaxda saddexda xisbi kulan ka yeelan doonaan sii amboqaadka arrimaha doorashada Madaxtooyada iyo fulinta qodobada la soo jeediyay, waxa uu sheegay in ugu dambayn ay Isniinta beri kulan yeelan doonaan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.