Shacab iyo guurti waa inoo cashada dhow

  
 
Dood iyo dacwad ay fooda isku dareen shacabka S/land iyo gulaha guurtida oo dhowaan ku dhexmartay caasimada Hargeysa ayaa waxay u dhacday sidan hoos ku qoran.
 
Shacabkii wuxuu yidhi:-
 
Cantafuudayaashiyo
Ceebaalayaashoow
Kuwii Caadil sheegee
Dulmi caabudaayee
Xaqa caadka saaree
Laaluushka cunayoow
Coomiradaan xishoonee
Caarcaar aduuniyiyo
Cadaab loo balamiyiyo
Hoy cooflayaashow
Waa inoo cishado dhow
Codadka iyo foodkiyo
Doorashada caddaanka ah.
 
Guurtidii:- 
 
Shacab yohow ma ciil bexe
Weligii cataaboow
Kuwii calanka dhaliyee
Misna lagu ciseynoow
Cudud baanu  leenahay
Rijaal aan cabsoon iyo
Cawil baanu leenahay
Curadkii Waraabiyo
Cabdi baani leenahay
Doorashada caddaanka ah
Rabbi kama cabsoonee
Ciidan baan u leeyahay
Waa inoo cashada dhow
 
Shacabkii
 
Maahmaah la cugayoo
Hore loo cabbiraybaa
Caaqa iyo geesiga
Midba caynka uu yahay
Ku cadaysay faalada
Cimrigii ma laastaha
Nacasnimo cuslaysaa
Hadii maalin ceebtiyo
Cuduradiisa loo dedo
Cajiib buu si moodaa
Been baa cuslaysee
Hoy cooflayaashoow
Waa inoo cishada dhow
Doorashada caddaanka ah
 
Guurtidii
 
Anagoo cartamayniyo
Shaal wada cadaaniyo
Cimaamado ku kala rogan
madaxuna cub wada yahay
ku cabbaynay duubkii
Coofkanaa cilaan iyo
Midab wada casaaniyo
Cirro dahab la moodana
Cadar aan la garanayn
Iyo cuud ku soo shiday
Cabdi noo hormuudyoo
Cawil lacagta noo sido
Yaanu soo cartamaynaa
Doorashada caddaanka ah
Waa inoo cishada dhow
 
Shacabkii
 
Ceeb laga xishoodaa
Cirro lagu yiqiinee
Ceebaalayaashoow
Ehelkii cadaabtow
Cabdi iyo Siciidoow
Caadil baa ku dhaartoo
Ninka camamka buuxshee
Xaaraan cunaayiyo
Cadna kama xishoodaha
Ifka waa u caarcaar
Aakhiro cadaab iyo
Ciqaab baw dambaysee
Hoy cooflayaaloow
Cidna kama baqaynee
Waa inoo cishada dhow
 
Guurtidii
 
Inyaroo cabsootiyo
Ciidankii Saleebaan
Cagta waanu wada marin
Idinkana cirjiidhiyo
Madaafiic cartamaysiyo
Kaaraha cabaabdiyo
Aarmigii cuddoonaa
Wuu idinka ciil bixi
Saqadhina cadgoosiga
Sida cadowga loo dilo
Cajiib buu kuyee suga
Hoy caasiyaashow
Shacabyohow ma ciilbaxe
Doorashada caddaanka ah
Riyaalay u cugan tahay
Waa inoo cishada dhow
 
Gunaanadkii:-
 
Doodii car iyo cara
Iyo keena cudud roon
Doorashada caddaanka ah
Cidda ay ku raacdiyo
Calaaq bay ku xidhantoo
Caadkaa la soo sudhay
Waa inoo cashada dhow
Sida laysu caabiyo
Iyo kii cadkeeda ley
La yidhaahdo calafsada
Ee cataaba maantaa
 
 
 

Saeed Suleiaman
Minnesota

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.