Faallo: Maxaa Laga Ogyahay Qorsheyaasha Dahsoon ee Minjo-xaabinta Dimoqraadiyadda Somaliland?

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa uu nasiib u helay inuu noqdo madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland ee si xor ah shacbigiisu u soo doortaana, waxana intii kursiga madaxtinimada uu ku fadhiyay dalka ka qabsoomay doorashooyinka degaanka, madaxtooyada iyo Wakiillada.

Doorashada madaxweyne Rayaale waxa soo dhaweeyay dad badan oo reer Somaliland ah iyo waliba saaxiibadda Somaliland dunida ku leedahay maadaama madaxweynuhu ka soo jeedo beelaha darafyada Somaliland ee aan raadka weyn ku lahayn halgankii SNM. Dad badana waxay ku macneeyeen doorashadiisa mid muujinaysa siday uga go’an tahay shacbiga reer Somaliland in ay ka midho dhaliyaan qaddiyadooda, isla markaana noqon doonto mid wax weyn ka tari doonto sidii aqoonsi buuxa Somaliland u heli lahayd. Sidoo kale, waxa fursad fiican siiyay oo waliba la shaqeeyay mucaaridkii xoogganaa ee ka soo horjeeday madaxweynihii ka horreeyey Allaah ha u naxariistee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Dadka siyaasadda u dhuun-daloolaana waxay sii saadaaliyeen in Rayaale haysto fursad aanay helin madaxweynayaashii Somaliland ee ka horreeyey oo uu dhaxlay dal iyo dad dhisan oo leh distoor iyo sharci ay ku kale socdaal, taasina tahay ta suurtagalisay inuu hoggaanka dalka qabto. Waxa ballanqaadyadiisii u horreeyay ka mid ahaa inuu dib-u-habayn ku samayn doono nidaamka garsoorka ee dalka oo cabashooyin badan ilaa maanta ka taagan yihiin, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo inuu qorshe u samayn doono siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Haddaba, Madaxweyne Rayaale oo haystay fursadahaas aynu kor ku soo xusnay iyo kuwo kaleba, waxa nasiib-darro noqotay in aanu waxba ka fulin ballanqaadayadaasi uu qaaday 19-May-2002. Tusaale ahaan; waxa sii kordhay musuqmaasuqii dalka ka jiray oo hadheeyay ilaa madaxtooyada Somaliland. Garsoorka iyo maxkamaduhu waxay marayaa meel daran oo inta badan sababta isku dhacyo hubka la isku soo qaato. Qorshahihii siyaasadda arrimaha dibadda ayaa isna noqday mid dhicisoobay ilaa ay gaadhay heer maanta oo 8-sanno in ku dhow ka soo wareegtay ay wasaaradda arrimaha dibaddu qirato in aanay kharash ku filan wasaaraddu ka helin xukuumadda oo ay hawlgalaan. Safarrada dibadda ee madaxweynuhu ku baxaan inta badan waa kuwo bilaa qorshe ah oo ku salaysan heshiisyo lalo soo galo shirkadaha shisheeyaha amma shakhsiyadeen oo aan lug ku lahayn aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho.

Geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa isna hakad galay tan intii talada dalka ay la wareegtay xukuumadda madaxweyne Rayaale, waxaana sii xooggaystay guddida xukun qarqooshka ee nabadgalyada liicisa. Xorriyatul-qawlka iyo xorriyadda aasaasiga ah ee shacbiga oo dastoorka dalku kafaalo-qaaday, ayaa iyana meel halis ah maraysa. Waxa xabsiga loo taxaabay hoggaankii sare ee urur-siyaasadeedka QARAN, suxufiyiin badan iyo cid kasta oo dhaliishay hab-dhaqanka maamulka xukuumadda. Waxa kale oo albaabada loo xidhay dalladdii xuquuqda aadamaha ee SHURO-NET, taas oo laga raacay, kadib markii ay dabagal ku sameeyeen xadgudubyada xuquuqda aadamaha ee ka dhaca Somaliland.

Golaha Guurtida ayuu madaxweynuhu ku amray inay muddada isku kordhiyaan kadib markii uu la tashay maxkamada sare. Tallaabadani waxay noqotay bilowgii qorshaha dahsoon ee Madaxweyne Rayaale rabo inuu ku mijo-xaabiyo hannaanka dimoqraadiga ee Somaliland ka hano-qaaday. Aqalka odayaashu waxay ku abaal mariyeen inay si sharci-darro ah oo distoorka dalka baalmarsan muddada xilka ugu kordhiyaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Komishanka Qarankuna waxay gebi ahaanba laaleen diiwaangalintii lagu geli lahaa doorashada, iyadoo xukuumadduna ku taageertay. Go’aanka laaliladda diiwaangalintu wuxuu dalka geliyay khalkhal siyaasadeed iyo khilaaf hor leh oo markale soo dhex gala golayaasha qaranka, xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka, waxaannu mugdi galiyay dhexdhexaadnimada Komishanka, dib-u-dhac ku iman doona doorashada iyo weliba waxa laga yeelayo xukuumadda Rayaale marka xilligii loo kordhiyay ka dhamaado, maadaama hore go’aan loogu wada gaadhay in aan muddo-kordhin danbe la samayn.

Golaha Wakiillada ee Somaliland oo ah ka keliya ee ilaa maanta si distoorka dalka waafaqsan kuraasta ugu fadhiya, ayaa iyagoo ka duulaya go’aanka laalidda diiwaangalinta, waxay u soo jeediyeen xukuumadda iyo Komishanka Qaranku in ay ka noqdaan go’aamadooda oo ay sharciga dalka u hoggaansamaan, taasoo si aad ah uga cadhaysiisay Madaxtooyada, waxaanay guddoomiyaha xisbiga UDUB iyo mudanayaasha xisbigu labadii toddobaad ee u dambeeyay si aad ah ugu hawlanayeen siday u dhammaystiri lahaayeen mashruuca dahsoon ee minjo-xaabinta dimoqraadiyadda Somaliland, kaasoo ay rabaan inay ku soo gunaanadaan burburinta golaha xeer-dejinta ee dalka oo laf dhuun gashay ku noqday xeer-jajabka xukuumadda Rayaale.

Falka Sabtidii ka dhacay xarunta Golaha Wakiilladu wuxuu muujinayaa sida aanay xukuumadda maanta dalka ka talisaa diyaarka ugu ahayn inay talada dalka ku wareejiso si nabadgalyo ah. Waxayna xasuusinayaa shacbiga reer Somaliland hab-dhaqankii nidaamkii Siyaad Barre ee ay ka soo jeedaan badiba masuuliyiinta talada dalka gacanta ku haya oo aad mooddo inay u dhurteen asal ahaan siyaasaddii iyo maskaxdii gabowday ee habkii dawliga ahaa ee ay ka tirsanaan jireen oo gabi ahaanba ah mid aan la jaan qaadi karin siyaasadda casriga ah ee qarniga 21-aad.

Sidaa awgeed, waxa hubaal ah in maanta ummadda reer Somaliland kale ogaadeen cidda nabadgalyada iyo xasilloonida dalka halista ku ah iyo kuwa u tudhaya ee markasta oo ay arrintu murugto tanaasulaadka la imanayay. Shacbi ahaan waxa inala gudboon in aynu taageerno adkaynta nabadgalyada iyo sumcadda Somaliland oo ah ta beesha caalamku inoogu soo istaago ee la innagu qiimeeyo. Waxa loo baahan yahay in laga badbaadiyo dalka maanta qas iyo qalaanqalka kale oo ina soo dhexgala, taas oo aynaan mahadin doonin haddii aan dhagaha loo furin rabitaanka shacbiga intiisa badan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin. Sidaa dared, waa in xukuumaddu tixgalin siisaa ergada iskood isku abaabushay ee dhexdhexaadinta oo aan laga sugin in dimuqraadiyadda curdinta ah ee dalkeena ay badbaadiso dawlad aynu ognahay heerka ay ka taagan tahay dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamaha. Xaqiiqdu waxay tahay in dadka reer Somaliland Illaahay karti iyo aqoon u siiyay xallinta marka khilaafaadka noocan oo kale ah soo dhexgalaan.

Madaxweynaha Somaliland waxaannu ku baraarujinaynaa go’aamada uu qaadanayaan had iyo jeer noqdaan kuwo ku salaysan qoddobbada aasaaska iyo saldhigga u ah distoorka qaranka ee wadatashigu u horreeyo. Waxaannu xasuusinaynaa masuuliyiinta dalka gebi ahaanba in maanta beesha caalamku diyaar u ahayn in qas iyo xasillooni-darro kale oo ku soo kordho gobolka, sidoo kalena lala xisaabtami doono berri-ka-maalin oo dacwad ka dhan ah lagu soo oogi doono, ruux kastaa wixii uu geystay abaalkeeda heli doono.

Khadar Xasan Cali Jamhuuriya Times London
 

Jamhuuriya Online

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.