Wasiir Warancade oo Nidar ugu maray Mudaharaadayaashii maanta inuu is-casilayo

 

IMGA0694

 

Hargeysa (Saraarnews) Boqolaal ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa oo maanta isu soo bax gadood ah oo ay kaga soo horjeedaan taalabada ay xukuumadu rabtay inay ku burburiso dhabaha dimiqraadiyada ee ay jamhuuriyadan curdinka ahi cagta saartay ayaa ka dalbaday Wasiirka Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Cali Maxamed Warancadde oo isagu gaadhi uu ku marayay jidka Golaha Wakiilada ee ay dadkani isugu soo baxeen, isla markaana ka soo dagay gaadhigiisa si uu ula hadlo xaaladoodana u dejiyo ayaa waxay ka horkeeneen dalab ah inuu iska casilo xukuumada faashilka ah ee daahir Rayaale hormoodka u yahay.

 

IMGA0696

Dadweynahani waxay la boobeen {Wasiir iscasil, daahir rayaale ha dhaco, keligii taliyaha iska casil, allaahu akbar” waxaanu kaga jawaabay dalabkaa dadweynaha ka dib markii ay gabadh dhalinyaro ahi ay tidhi {Ilaah baan kugu dhaariyee is-casil god ha ku ridin himiladayada, maanta dib u xorayn labaad ma geli karno waan soomanahee waan ku dhaariyee wasiir iscasil}

IMGA0700

Waxaana uu Warancade kaga jawaabay dalabkaas {Waan iscasilayaa, waa balan} intaa ka dib dadweynihii ka ag dhawaa halkaas ayaa sawaxan iyo sacab mar keliya isla oogsaday oo jaanta isla helay.}

IMGA0702IMGA0692

 

Hargeisa/Somaliland
Reported by:-
AbdiKani Baynax 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.