DAYMADA WARGEYSKA: Rayaale: Kelidii-taliye Madaxa Kaga Fadhiistay Dal Yar oo aan la Aqoonsan

DAYMADA WARGEYSKA: Rayaale: Kelidii-taliye Madaxa Kaga Fadhiistay Dal Yar oo aan la Aqoonsan
Sida ku qeexan distoorka qaranka qodobkiisa 37aad ee qeexaya awoodda iyo karaamada qaranka Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

Sida ku cad qodobkaasna waa xaaraan qayrul-dastuuri ah in awooda qaranka loogu tagri falo si ka baxsan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala, kuwaasi oo ka baxsan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo mabaadii’da guud ee ku salaysan wada tashiga, isqancinta iyo isku tanaasulka, iyada oo la xeerinayo kala dambaynta dawladeed, xasiloonida iyo talo wadaaga Somaliland ku soo caano maashay muddadii ay jirtay.

Waxay bulshada Somaliland u soo halgantay sidii loo heli lahaa dawlada go’aan qaadashadeedu ku dhisan tahay talo wadaag iyo isqancin buuxda, iyadoo waayo-arag buuxa loo yahay dhibaatada iyo cidhib-xumada uu leeyahay xukunka ku dhisan talo-maroorsiga iyo keli-talisnimada ee dalku ka xorroobay, lagana fejigan yahay dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah.

Hadaba iyada oo ay sidaa tahay, waxa maanta saansaanteedu muuqataa anma durba soo mudhbaxay hannaan kelitalisnimo u muuqaal eeg oo uu la soo baxay Daahir Rayaale Kaahin oo isaga oo aan halgamadii kala duwanaa ee dalku soo maray meelna kaga suntanayn lagu sharfay inuu noqdo madaxweynihii u horreeyey ee kursiga ku yimaad cod iyo kalsnoodi dadweyne, iyada oo la xasuusan yahay dhibaatooyinkii taliskii Afweyne ee uu ilaa 1991 ka tirsanaa bulshada u gaysteen, nabarradii iyo doogtiina wali sii qoyan yihiin.

Taasna waxaa cadaynaya dabeecadaha iyo habdhaqanka guracan ee ka arradan hannaanka dimuqaariyadeed ee sida aayar aayarka ah madaxweyne Rayaale ugu sii xuubsiibanayo hoggaamiye kelidii yaliye ah oo tiisa mooyaane aanay tu kale socon karin, ficiladaasi oo si buuxda xadgudub ugu ah dastuurka qaranka, islamarkaana sharaf dhac ku ah shacabka Somaliland ee codkooda ku maamusay inuu ku fadhiisto kursiga ugu mudan dalka.

Meel dad banni aadam ahi ku nool yahay lagama waayo khilaaf iyo murran soo kala dhexgala, basle waxa dadyawgu kula duwan yihiin hadba qaabkay u waajahaan xallinta dhibaatooyinka dhexdooda ka dhaca, iyada oo ay arrintaasina ku salaysan tahay hadba mabaadii’da guud ee madaxdoodu ku hoggaamiyaan, hadday tahay hannaan dumuraadiyadeed oo inta darafyada ishayaa miiska soo wada fadhiistaan isweydiiyaan dhibaatada sidaynu uga baxnaa iyo qodobka kale oo ah go’aamo ku qotoma keli-talisnimo awood iyo murruq ku muquuniya cida murranku dhexmaro, iyada oo qodobkan dambe yahay mid ay ku jabaan hoggaamiyayaasha aaminsani.

Somaliland oo ka mid ah shucuubta caalamka, inkasta oo aan wali si rasmi ah loogu aqoonsan dal madaxbannaan, waxa shacabkeedu qaatay hannaan ku dhisan nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan sida ku qeexan qodobka 9aad ee dastuurka, kaas oo xaaraantimaynaya kali-talisnimo saamaxaysa in dalku u dabranaado nin keli ah oo siduu doono ka yeeli kara masiirka iyo rabitaanka dadweyne oo iyagu ah awooda koowaad ee dalka.

Basle waxa si cad u muuqata in madaxweyne Rayaale uu god madaw ku riday hannaankii wadatashiga iyo dimuqraadiyada ku salaysnaa ee Somaliland ku soo caano maashay, waxaanu dhegaha ka furaystay xalinta murranka siyaasadeed ee uu lafdhabarta u yahay, isaga oo caado ka dhigtay in ergo kasta oo u sara kacda daminta khilaafka siyaasadeed iyo isu soo dhawaynta dhinacyada muranku ka dhexeeyo aanu ajandayaasha ka hoos qaadin, isaga oo qaarna aan ka ba hoos qaadin, halka uu qaar kalena inta uu balamo u qaado uu marka dambena kaga baxo.

Somaliland oo tan iyo 15 May 1991 marxalado kala duwan soo martay, ayaan murran siayasadeed ka bixin ilaa iyo intii Rayaale ku fadhiistay kursiga madaxtinimada, taas oo muujinaysa inuu isagu aabo u yahay khilaafka taagan, iyadoo intaasna ay u dheer tahay inuu ku gacan-saydho ergo kasta oo arrin ula tagta amma u ku gacan-saydho go’aamo xallineed oo ay soo saareen, kuwaasi oo inta uu marka hore aqbalo uu hadana ka gaws adaygo fulintooda.

Waxa tusaale innoogu filan ergadii Abwaan Gaarriye iyo Hadraawi ku jireen iyo sidii Rayaale ugu badhi furay ee uu dhegaha uga furaystay fulinta go’aamadii ay soo saareen, isaga oo ka baxay go’aamo ergooyin kale oo dhexdhexaadineed soo saareen, waxaana ugu dambeeyey ergadii miisaanka xuslayd ee ay ku jiraan inta ugu mudan ee ah haldoorka Somaliland ee uu todobaadkan ku gacan saydhay, kuwaasoo hawlo dhexdhexaadineed isaga dabqaadayey xisbiyada mucaaridka ah, madaxtooyada iyo golayaasha qaranka, iyagoo u guntaday daminta khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay go’aankii Rayaale kelidii ku laalay diiwaangelintii codbixiyayaasha ee dalka dhacday.

Ficilladaas waa qaar si cad u muujinaya in Rayaale uu noqday kelidii taliye aan cidna ka amar qaadan oo dhakada kaga fadhiistay Somaliland oo ah dal yar oo aan la aqoonsan, waxana arrintaa si qurux badan daaha uga sii fayday tallaabada gurracan ee isaga oo adeegsanaya mudanayaal calooshood-u-shaqaystayaal ah ku inqilaabayo golaha wakiilada oo ah hay’ad dastuuri ah oo ka tirsan saddexda waaxood ee dastuurka qaranku jideeyey inay ku dhisan tahay dawladnimada Somaliland, saddexdaas waaxood oo sharciyan kala madaxbannaan mid kastaana qabato shaqo iyo waajibaad u gaar oo dastuurku u gooni yeelay, waana xaarraana in waaxi waax kali ku samayso farogalin qaawan, marka laga reebo waxyaabaha qodobadda dastuurku ku faral yeeleen.

Keli-talisnimada qaawan ee Rayaale la soo baxay, waxay durba Somaliland ka dhigtay inay go’doon ka noqoto beesha caalamka, iyadoo wadamada dunida ee la dhacsanayaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka jira u muuqdaan qaar la amakaagsan waxyaabaha ka dhacaya Somaliland ee uu ku kacayo Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo dhegaha ka furaystay baaqyo saaxiibada Somaliland u soo jeediyeen oo ahaa inuu ka noqdo go’aankii uu ku laalay diiwaangelinta, isla markaana wadahadal ku dhammeeyo khilaafka taagan.

Isku soo wada duuboo; shacbiga Somaliland oo ah awoodda ugu sarraysa dalka, horena cagta u mariyey kalidii-taliyii quwadda waynaa ee Maxamed Siyaad Barre, ayaa iyaga oo ilaashanaya nabadgalyada iyo xasilloonida ay ku caano maaleen ee beesha caalamku ku ammaanto, waxay heegan ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen fal kasta oo lagu minjo xaabinayo dumuqraadiyada iyo talo wadaaga ay hiddaha u leeyihiin.

Madaxweyne Rayaale-na, maskaxda ha ku hayo dhabbihii ay mareen kelidii taliyayaal ka maskax iyo quwad badnaa oo awood-maroorsi ku maamulayey shacabkooda, isagoo arrintaa maanka ku hayana inta uu shaydaanka iska naaro ha ku soo noqdo ku dhaqanka sharciyadda iyo talo-wadaaggii Somaliland ku dhamaysan jirtay arrimahooda, haddii kale if iyo aakhiraba shacbigu ka saamixi maayaan khiyaamooyinka iyo hagardaamada uu ku hayo.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.