Yuhuuda Oo Lagu Eedeeyey In Ay Fadhataystaan Oo La Baxaan Xubnaha …

Yuhuuda Oo Lagu Eedeeyey In Ay Fadhataystaan Oo La Baxaan Xubnaha Muhiimka ah Ee Maydadaka Dadka Reer Falastiin.
 
Xiisad Kulul oo Cirka isku-shareertay ayaa ka dhex-oogan dalka Sweden iyo Yuhuuda, Arinta ayaa bilaabantay ka bib markii Suxufi madaxbanaani uu ku quray Wargays laga leeyahay Sweden oo la yidhaahdo Aftonbladet warbixin sheegaysa in Yuhuuda ay la baxaan Wadnaha, Beerka,Kalyaha,Ilkaha iyo xubnaha kale ee jidhka ee muhiimka ah kadib marka ay dilaan Muslimiinta reer Falastiin.

Suxufigan oo la yidhaahdo Donald Bostrom ayaa daaha ka rogay naxariis darada iyo falalka tuugnimada ah ee Bini-aadamnimada ka baxasan ee Militeriga Yuhuudu kula kacaan maydadka reer Falastiin.Warbixintan oo Yuhuuda iyo Sweden ka dhex abuurtay qalalaase siyaasadeed ayaa noqotay mid ay aad ula fajacaan Muslimiinta Caalamku.

Kolkii ay warbixintan soo baxday ayaa nin Reer Falstiin ah Al-jazeera uga sheekeeyey arin uu indhihiisa ku arkay.

Jalal Qanim oo ku nool tuulo ku taala Daanta Galbeed oo la yidhaahdo Imaatayn ayaa sheegay in walaakii oo la odhan jiray Bilaal uu kamid ahaa dadka ay xubnaha kala baxeen ciidamada Yuhuudu.

Bilaal ayey ciidamada Yuhuudu ku dileen kacdoonkii labaad ee Falstiinta 1992.Bilaal ayaa kolkii ay dileen Yuhuududu ay ku qaateen Helikoptar lana maqnaayeen isbuuc dhan.Markii ay soo celiyeen maydkiisii ayaa waxaa ka muuqday dilaac iyo tolniin ku tusaaya in jidhkiisa la jeexay,waxay kale oo kala soo baxeen ilkaha.

Bilaal ayaa kamid ahaa dadka ku qornaa warbixinta Suxufiga Swedish-ka ee caalamka gilgishay. Suxufiga ayaa sheegay in warbixintu ay ku qotonto dhacdooyin uu Isagu goobjoog ka ahaa sanadkii 1992.Wuxuu kalE oo xusay in aanu warbixintiisu ku salaysnayn nacayb Yuhuudeed balse ay tahay Xaqiiqooyin dhacay.

Donald Strom ayaa ka sheekeeyey sida ciidamada Yuhuudu ay maalin u qaateen maydka wiil reer Falstiin ah kadibna ay qaliin ugu sameeyeen iyaga oo aan ogolaasho ka haysanin waalidkii dhalay. Qoyska wiilka ayaa sheegay in ciidamadii Yuhuudu ay soo celiyeen maydkii wiilka oo calool madhan.

Dhanka kale Dowlada Yuhuuda ayaa warbixintan aad uga qaylisay iyaga oo sheegay in Dowlada Sweden aanay ka doonaynin raali gelin balse ay ka doonayaan dhaleeceyn ay dhaleecaynayaan Warbixinta iyaga oo ku tilmaamay arintan in ay qayb ka tahay nacaybka loo qabo Yuhuuda.
 
Wuxuuna yidhi Raysul wasaaraha Yuhuuda isagoo arintan ka hadlaya “The statements in the Swedish press were outrageous,” Binyamin Netanyahu, the Israeli prime minister, was quoted as telling his cabinet on Sunday.”We are not expecting an apology from the Swedish government… We are expecting condemnation.”

Dhinaca kale Dowlada Sweden ayaa ku gacan saydhay codsiga Yuhuuda iyaga oo hoosta ka xariiqay in aanay marnaba raali gelin ka bixinaynin Warbixintan,waxayna sheegeen in xeerka xoriyada saxaafada ee dalka Sweden aanu u saamaxaynin in ay fara geliyaan arintan.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa amakaag ku noqotay dadka reer Falstiin iyo guud ahaan caalamu islaami iyada oo dadka reer Falastiin ay codsadeen in Baadhitaan lagu sameeyo arinta ay daaha ka rogtay Warbixintu.
 
By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.