XADGIGA WARIYE QASIM

Hargeysa(waryatv.com) Ciidamada Booliska ee daacada u ah Daahir Riyaale Kaahin Ayaa xabsiga u taxaabay  Weriye Ibraahim Abdirahman Qaasim, Ilaa hada Lama cadayn waxa loo xidhay iyo sababta xadhigiisa toona, Weriye Qaasim ayaa waxaa lala xidhay Weriye kale oo la yidhaaho Buule,Weriyayaashan ayaa lagu hayaa oo ku xidhan Saldhiga dhexe ee Booliska Magaalada Hargeysa. Arintan ayaa qayb ka  ah talaabooyinka cabudhinta ah ee ay samaynayso Xukuumada Sharciyadeedii lagu muransan yahay. 
Hadaanu nahay Bahda shabakada WaryaTV.com waxaanu Cambaaraynaynaa Xadhiga loo geystay Weriye Ibrahim Abdirahman Qaasim, Waxaanuna ugu baaqaynaa in xuquuqdiisii oo buuxda loo soo celiyo taasoo uu waajibiyey dastuurka qaranku cidina aanay ku xadgudbi karin. Weriyayaashan ayaa ku sugnaa xarunta golaha Baarlamaanka markii boolisku xidhayeen, Hase yeeshee ma jirin wax denbi ah oo ay faraha kula jireen.
Maamulka Riyaale ayaa Beryahan wuxuu ku kacayey talaabooyin mugdi geliyey meeqaamkii Somaliland ku lahayd Bulshada Caalamka, Dhinaca kale hadii laga eegana u muuqda habdhaqanka lagu yaqaan Maamul waayey Kalsoonidii Shacabkiisa oo sii socda sida taariikhda hore loogu soo arkay. Saxaafada Madaxabanaani Marna Kama daali doonto inay Bulshada U soo bandhigto Xaqiiqada wadankooda ka jirta Cabudhin kasta oo lagu sameeyo Weriyayaasheeduna waxay keentaa inay ka qaado Sumcad iyo Magac ugu siyaada, sidaa darteed Marna kama xishoon doono inaanu u hiilino Xaqa iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Bulshadu naga sugayso.

Waryatv.com
Stockholm
Kasim Abdulkadir
Editor@waryatv.com
Stockholm Sweden

This entry was posted in Press Release. Bookmark the permalink.

Comments are closed.