“Naasirow Ucid Ugamaad Bixin Fikirkaaga Iyo Aragtidaada Balse…………”

“Naasirow Ucid Ugamaad Bixin Fikirkaaga Iyo Aragtidaada Balse…………”

Xoghayaha Xidhiidhka Iskaashiga Caalamiga Ucid, Uk, Axmed Cabdi Ciise

London, August 27,2009 (Haatuf)- Xoghayaha Xidhiidhka Iskaashiga Caalamiga ah ee Xisbiga UCID London, UK Axmed Cabdi Ciise ayaa jawaab ka soo saaray iscasilaadii uu sheegay xildhibaan Naasir X. Cali Shire inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga mucaaradka ee UCID, isagoo xildhibaanku tilmaamay inay isku fakir ka noqon waayeen sidii loo abaari lahaa xaalada dalka ee la marayo.

Axmed Cabdi Ciise oo ah xoghayaha xidhiidha caalamiga ee xisbiga UCID ayaa sheegay inuu xildhibaanku la saftay madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay in madaxweynaha Jabuuti usoo dhiibay mashruuc uu dalka ku baabi’inayao.

Xoghayaha xidhiidhka caalamiga ah ee xisbiga UCID ayaa qoraal uu khadka internetka noogu soo diray, isagoo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Inkasto qofku uu xor yahay aragtidiisa iyo fikirkiisaba, hadana waxa cad maqaalkii Naasir siiyey saxaafada inuu ahaa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah ee kukaliftay inuu xisbiga iyo jagadii uu hayayaba uu iska casilo wakhtigan lagu jiro.

Naasir oo ahaa nin qurbo joog ah oo aqoon yahan ah oo  loo han waynaa  inuu ka qayb qaato  horumarka dalka mid siyaasad iyo mid bulshaba (contribute the political, social adavancement of Somaliland) si tiirar adag loogu tago dalkan  ayaa wax lalayaabo ah inuu maanta dalkiisi uu soo dhoofay ee mushaharkiisa laga bixiyo cashuurta laga qaado Dumark bacadka ku iibiya khudaarta iyo hiilibka oo kale inuu Nassir si khaldan looga iibiyo ama  ugu  biiro (recruited into Geel’s  project) mashruuca  Ismacil Cumar Geel kula dagaalamayo jiritaanka dalkan Riyaal na u yahay fuliyihiisa (foot soldier).

Somalilidaa tidhaa wax halaguu sheege caqligaaga la kaasho. Markaad eegto marxalada dalku marayo; markaad hadaladadiisi qodqodob aan diirada u saaro (look under the mirscope) miyaanu caqliga saalimka ahi Ina siinayan inuu naasir yahay Nin damirkiisi iyo caqligigiisba la afduubay

Markaan eegno markale warsaxaafadeedkiisa u siiyey saxaafada miyaanay ahayn hadaladii  looga bartay afhayeenada Riyaale   balse  loogu talagalay in shacabka lagu marin habaabiyo sida badheedhka ah u  xaqdarada Riyaale hiil gurmad deg deg ugu yahay:

Naasiro isagoo dadka marin habaabinaya wax  u ku doodayaa  in doorasho bilaa diiwan galin ahi ka haboon tahay mid diiwaan galin lagu galo. Runtuse ay tahay  inuu Nasir halaysan yahay aragtidisuna ay kaliya u adeegayso  cadawga Somaliland oo raba  inuu Riyaale si badheedha ah ugu shubto madaama aanu doorasho xalaala ku soo bixi karin. Shan sano oo dambe oo Riyaale si hayaa fursad dahabiya ayey u tahay Ismaciil Cumar Geele ku dhamaystiro qorshihiisa burburinta Somaliland. Mr Geele wuxuu ku cadaadiyaa Riyaale in lacagtiisa dalka uu ka dhacay ee taala Bangiyada Jabuuti laga xayiri doono oon  sharciga Jabuutina aan la sii doonin ama laga qaadi doono kuwa imika eheladiisa la siiyey ee u suurto galiyey inay dagaan Europe.

Nasiro run miyaanay ahayn inaynu Dimoqraadiyad aynu qaadanay hadii xisbiga dhexdiisi hadiiba talo lagaaga batay inaad u hogaansanto inta badan (majority leads the minority) hadiiba aad ku kaliyaysatay fikir.

Nasiro miyaanay ahayn in wax lagu qaato mudaharaadkii  shacabku ku muujiyeen dareenkooda oo  Riyaale iyo Ismaciil Cumar Geele iyo qayrkoodba ay tahayid inay   wax ku qaatan.   Hadii uu Riyaale ku soo noqon waayo xayndaabka sharciga u is leeyahay Somaliland waad burburinkartaa isagoo Isticmaalaya calooshooda u shaqaystayaal aan waxba xeerinayn oo maalin ku diri ha ogaado  mudaharaadkii  hore dhoola tus buu ahaaye ka xiga uu noqon doono kacdoon dadwayne oon joogsanayn ilaa inta Riyaale sharciga la horkeenayo. Somaalidaa tidhaa wan wayn ilaa indhihiisa cirka la tuso waxba ma arko.

Isku soo xooriyo Riyaale umadii madaxwaynaha ka dhigatay ayuu khaayimay oo uu burburiyey shurucdii iyo geedi socodkii dimoqraadiyada ee dalkan u soo qabsoomatay, wax uu xagal daaciyey aqoonsii buuxa oo ay  Somaliland ay beesha caalamka ka hesho oo soo dhawaaday, wax u niyad jabiyey saxiibadii Somaliland ee caalamka galbeedka oo hakiyey iskaashigii iyo taageeradii ay ina siin jireen.

Xisbiga UCID waxaa ka go’aan cidkasta oo dalkan dambi ka gashay hadii uu talada dalka ku guulaysto inuu sharciga lamarin doono kuna daro 20 xubnood ee golaha wakiilada ee shalay sumcada xumada dalka gudo iyo dibadba inooga soo jiiday ee Riyaale madaxtooyada ka soo abaabulay shirqoolkooda.

Nasirow wax qabad wayn baad ku lahayd dhisida xisbigan nasiib daro waxaad leexatay maalin aan la leexan oo u dalku u baahan yahay badbaadin, cidna kaa caqbalimayso UCID baa wax yeelaysa nabadgalyada iyo horumarka dalkeena.

Waa qalinkii Axmed Cabdi Ciise

Xoghayah Xidhiidhka Iskaashiga Caalamiga ah ee Xisbiga UCID London, UK

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.