Waxaan si buuxda u taageerayaan Go,aanka labada Xisbi ku aqbaleen Najiiada Serverka

“Gudiga Fulinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u taageerayaan Go,aanka wadajirka ah ee ay labada Xisbi Mucaarid ku aqbaleen Najiiada Serverka ee ay soo saartay Hay’ada Interpeace”  War Saxaafadeed Gudiga Fulinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil.

Berbera, July 31, 2009, – Gudiga Fulinta  Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil  ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u taageerayaan Go,aanka wadajirka ah ee ay labada Xisbi Mucaarid ku aqbaleen Najiiada Serverka ee ay soo saartay Hay’ada Interpeace sidoo kalena ay la qabaan Hogaanka sare ee Xisbigooda in Doorashada ay saldhig u ahaato Natiijada Serverku soo Saaray, isla markaana waxa ay Canbaareeyeen Dhawaaqa kumishanka doorashooyinku ee Nuxurkiisu yahay in lalaalo Natiijada Diiwaangelinta ngelin, sidookalena waxa ay canbaareeyeen xadhiga weriyyaasha Radio Horyaal iyo HCTV waxaanay ugu baaqeen xukuumada in si dhaqso ah xoriyadooda loogu celiyo, sidaana waxa ay ku sheegeen Gudiga Fulinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Shir Jaraa’id oo ay Maalintii shalay ku qabateen Xarunta Xisbigaasi ee Magaalada Berbera .

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Dr.Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine) oo ugu horayn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa,

“waxaanu shirkayagan jaraaid doonaynaa in aanu kaga hadalo arinta kazoo yeedhay Komishanka Doorashooyinka taas oo aanu u aragno mid Wadanka lagu khalkhal gelinaayo, cadaatayna in dib u dhaca, iyo jahawareerka lagu kharbudayo Doorashadii lafilayey in ay dalka ka qabsoonto in ay masuul ka yihiin Komishanka Doorashooyinka ee aan shacbiga Somaliland kalsoonida ka haysan, kuwaas oo sababta ugu weyn ee ka danbaysaana tahay Khilaafka iyaga dhexdooda ah iyo garab ku haynta Xukuumada tayada daran ee uu Riyaale Odayga ka yahay,  waxaanu Canbaareynaynaa Go’aanka aan lexejeclada lahayn ee Gebi ahaanba wadanka khalkhalka geliyay ee kazoo yeedhay Komishanka, waxaanu aaminsanahay in doorashada lagu galo natiijada Serverka ee ay hay’ada Inerpeace soo saartay taas oo saldhig u ah in lagalo tartan doorasho oo xor iyo Xalaalba ah, Khabiirka Mareykanka ah ee inoo yimina waxa uu arkay in aany xukuumada iyo komishanka midkoodna Daacad ka ahayn dhamaystirka hanaanka dimuraadiyadeed iyo doorasho xalaal ah oo dalka ka qabsoonta taasoo ay markhaati cad u tahay oofin la’anta shuruudihii deeqbixiyayaashu ku xidheen qaadhaankii danbe ee ay ku bixin lahaayeen Doorashada shuruudahaas oo sicad u iftiiminayey in aanay komishanku ahayn kuwo lagu kalsoonaan karo iyaga dhexdoodana kalsooniyi ma talo bulshada wadankana kalsooni kama hayystaan arimahaasina waa ta keliftay in ay ku dhawaaqaan “Bilaa diiwaan gelinbaa lagu gelayaa” waa looma fadhi dhabanahays ku riday Bulshadii Somaliland iyo beesha Caalamka ee danaynaysay in Doorasho xalaal ahi dalka ka qabsoonto  hadaynu diiwaan gelinla’aan ku gelayno miyey maantaba soo gaadhi lahayd Beri hore ayaynu geli lahayn waxaanu leenahay haku riyoonina doorasho aanay Sal u ahayn Diiwaangelintii Codbixiyayayasha ee natiijadeedii lahayaa waxaanau taageersanahay Go’aanka wadajireed ee ay Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid iska taageen kaas ayaanu la qabnaa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (shine ) isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku darey  “Riyaalena waxaanu u aragnaa in aanu Daacad ka ahayn Qadiyada iyo Rabitaanka Shacbiga Somaliland waayo waxaynu ognahay sida uu uga aamusan yahay Xaalad kasta oo soo food saarta Dalka ha ahaato mid nabadgelyo Daro Mid dhaqaale iyo mid siyaasdeed midkay tahay toona ma aha Nin weedhna ka yidhaahda xiliga ku haboon, balse waxa keliya ee uu isticmaalaa waa Wareegto bilaa sanqadh ah oo iyana marka la maqlo dadka ka nixisa” Gudoomiye shine  waxa kaloo uu shirkaasi Jaraa’id ka Canbaareeyay Xadhiga Weriyayaasha Radio Horyal iyo Horn Cable TV kaas oo uu ku tilmaamay in xadhiga saxafiyiintu astaan cad u yahay in Riyaale iyo Xukuumadiisu doonayaan in aan baadi qalnimadooda bulshada Dalku kawada warhelin “waxaanu Canbaareynaynaa Xadhiga sharcidarada ah ee ay Xukuumadu kula kacday weriyayaasha warbaahinta Madaxa Banaan ee Radio Horyaal iyo Horn Cable TV  yaa gaadhsiiya Wararka Somaliand Caalamka waxay wheel u noqdeen Bulshada ku nool Bariga Dalka oo habeen iyo Maalinba wararka iyo barnaamijyada kale ee wadanka kala socda Radio Horyaal iyo Telifishaka Horn Cable TV,… waa Gef lga galay xuquuqaadkii aasaasiyaadka ah ee xoriyatul qowlka uu damaand qaaday Distoorka Somaliland, waa ficl astaan cad u ah sida ay Riyaale iyo Xukuumadiisu u doonayaan in aan Bulshada Dalku ka war helin Baadiqalnimadooda” ayuu Yidhi Dr shine Cabdi Barkhadle,  gudoomiye Shiine isaga oo ka hadlaya aragtidiisa ku wajahan waxa looga gudbayo hadiiba ay kusii adkaystaan Komishaka iyo Madxweyne Riyaale laalista Natiijada Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha waqtigan ay muddada koobani ka hadhsan tahay xiligii loo qabtay inay dalka ka qabsoonto doorashada Madaxtooyadu waxa uu yidhi “ waxaan filayaa in aanay cidna caad ka saareyn koobnaanta waqtiga ka hadsan qabsoomida doorashada Madaxtooyada iyo arintan argagixisada ku noqotay umadii Somaliland ee kazoo yeedhay komishankii iyo madaxweynihii dalka, taas oo aan odhan karo waa arin laga dheehan karo sida aanay u doonayn doorasho Dalka ka qabsoonta Madaxweynaha iyo Komishanku sidaa markay tahayna Cida Waajibku ka saran yahay Badbaadinta qaranku Waa Golayaasha Baarlamaanka oo Garta waajibkooda oo maamuus ka xayuubin kosoo ooga Madaxweyne Riyaale waayo arinta maanta taagani waa khiyaamo qaran”

Waxa kaloo shirkaasi jaraaid ka hadlay Gudoomiye Ku xigeeka kowaad Xisbiga kulmiye ee Gobolka Saaxil Maxamuud Cumar Nuurwwaxaana kamid ahaa hadalkiisa “kumishankani waxa uu samanayaa maanta waxa waxay ka dhigantahay Naagtii iyada oo Xerada ku jirta la yidhi Naa soo Bax ee Soo bixi weyday ee Idihii iska sii Maashay  ee lagu yidhi Soobaxbaa la leeyahay oo ay Sacabka Leefaysaa …Bal waxa la leeyahay Komishanyahow laydinkuma kalsoona hadana Maalin walba Go’aanbay soo saarayaan, indho adagaa waxaanu leenahay doorashada halagu galo sidii sharcigu ahaa, ee heshiiska lagu ahaa hadii taas la waayo wixii dhib ah ee halkaa ka yimaada waxa masuuliyadeeda yeelan doona cida maanta ku dhawaaqaysa bilaa diiwaangelin ayaa lagu gelayaa doorashada.”

Xildhibaan Cabdale Jaamac Guuleed (Cabdale Kidaare } oo kamid ah Xunaha Golaha Degaanka Degmada Berbera  ee kazoo baxay xisbiga Kulmiye oo isaguna kamid ahaa xubnihii kulmiye ee ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id  ayaa ka digay cawaaqibxumada ay keeni karto talaabo kasta oo waqtigan xaadirka ah ee kaabiga loo saranyahay xiligii ay Dalka ka qabsoomi  lahayd doorashada Madaxtooyadu, xildhibanku waxa kaloo uu Canbaareeyay Xadhiga weriyaasha Radio Horyaal iyo Horn Cable TV waxaanu yidhi Xil. Cabdale Kidaare “anigu waxaan u arkaa dhwaaqan baalmarsan heshiiskii, himiladii iyo muhiimadii laga lahaa Diiwaan gelinta inuu yahay mid ay Komishanka iyo Riyaale ku doonayaan sidii wadanka Iska horimaad uga dhici lahaa intaan Doorashoba la gaadhin, waanay cadahay xeesha ka danbaysa arintan inay tahay inla doonayo sidii caadada u ahayd Udub inay Sanaaduuda kusoo shubtaan waxaan uga digayaa bulshada Somaliland inarintani Dalka Gelinayso Xasilooni daro” xil. Kidaare waxa uu intaasi ku Darey “waxaan Canbaaraynaynaa Xadhiga weriyayaasha Radio Horyaal iyo Horn Cable TV kaas oo baalmarsan Xeerka Sxaafada iyo Distoorkaba waa tacadi iyo Cabudhin la doonayo in lagu wiiqo xoriyatal qowlka waxaanu ugu baqaynaa xukuumadu inay xoryadoodii usoo Celiso Weriyayaaasha sidoo kalena waxaanu usoo jeedinaynaa xukuumadu in ay ka dayso Hadidaada joogtada ah ee ay mudooyinkan danbe ku waday Telefishaka Madaxa Banaan ee Horn Cable kaas oo aanu u aragno in culayska iyo caga juglaynta lagu hayo Tv-gaas tahay mid lagula kacay Reer Saaxil maadaama oo mulkiilaha HcTV kazoo jeedo Bulshada Saaxil.”

Xil. Jaamac Cimi Waaberi oo kamid ah Xunaha  Golaha degaanka ee Lagasoo doortay Xisbiga Kulmiye oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku bilaabay hadhadalkiisa “arinta kazoo yeedhaykomishanka qaranku waa khiyaamo qaran wax kale oo lagu sheegaaba waa meel soke iyaga iyo cida arinkaas ku taageertaaba waa denbiilayaal qaran oo ku kacay khiyaamo qaran waxaan leeyahay yaan la sahashan arintaas ee waa in si dhaqso ah loogu oogaa, Saxaafadana waa in la xushmeeyaa waana hay’ado distoori  ah iayagana weriyayaasha xidhan waa in xoriyadooda loo celiya xafiisyada IIbka ee HCTVna waa in xayiraada xukuumadu ka qaado”

 

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye  ee  Gobolka Saaxil Casha Xuseen Faarax (Caasha HInda ) oo iyaduna kelmadeeda ka dhiibanaysa dhawaaqa Komishanka iyo Madaxweyne Riyaale ku minjo xaabtaynayaan natiijada Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa waxa ay tidhi “waxaanu taageersanahay fikir iyo ficil ahaanba Mowqifka hogaanka sare ee kulmiye iyo Ucid kaas oo ah in doorashadalagu galo natiijada Serfarka waxaanu kazoo horjeednaa dhawaaqa mijaxaabada ah ee kazoo yeedhay komishanka iyo madaxweyne Riyaale”

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.