Suxufiyiinta ka Hawlgala Warbaahinta Madaxa Bannaan oo Rayaale Uga Digay

In ka badan 30 ka mid ah weriyeyaasha iyo hawlwadeennada ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee warbaahinta dalka, ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabada  foosha xun ee xukuumadda Rayaale albaabada ugu laabtay telefishanka madaxabannaan ee HCTV iyo xadhigga madaxa wararka telefishankaas Mr. Maxamed Cabdi Ilig, agaasimaha idaacada madaxa bannaan ee Radio Horyaal Mr. Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo tifatiraha wararka idaacada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul.

Suxufiyiintan oo shalay kulan ku yeeshay hudheelka Imperiyal ee magaalada Hargeysa oo ka kala socday warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland sida wargeysyada, telefishanada, idaacadaha Internetka laga dhegaysto iyo shabakadaha wararka, ayaa go’aanka xukuumadda Rayaale albaabada ugu laabtay HCTV iyo xadhigga weriyayaasha waxay ku tilmaameen wax sharci darro ah oo daamur madaw lagu mariyey dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka ka hana qaaday dalka, iyaga oo sheegay cidhib xumada talaabadaasina ay si toos ah u saamayn doonto shacbiga Somaliland ee markooda horeba wehelka u ahaa darxumada iyo shaqo la’aanta sida xun u baahday.

Weriyayaasha shalay halkaa isugu yimi oo isugu jiray rag iyo dumar, islamarkaana wejiyadooda iyo shucuurtoodaba ka muuqdeen sida ay uga murugaysan yihiin xadgudubyada iyo gardarrada caddaanka ah ee Rayaale iyo dadka ka amar qaataa ula badheedheen saxaafadda madaxa bannaan oo runtii ah qaybta keliya ee bulshada u ah indhaha iyo dhegaha ay kala socdaan waxyaabaha ka socda dalkooda iyo dunida inteeda kaleba, ayaa muujiy sida ay uga xun yihiin ficillada kelitalisnimada ah ee ka muuqda madaxweynaha, uguna badheedhay inuu cabudhinta iyo xadgudubka xorriyadooda aasaasiga ee dastuurka iyo shuruucda caalamku u dammaanad qaadeen.

Tallaabadaas ayaa suxufiyiintu ku macneeyeen mid xukuumaddu albaabada ugu laabtay telefishanka HCTV iyo qorshe ballaadhan oo lagu doonayo in gabi ahaanba laga takhaluso saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland, si madaxweyne Rayaale uu shacbiga qol madaw ugu qufusho, iyaga oo sheegay in aan damaciisaasi u suurtogalayn oo bulshadu gaadh ka hayso xornimadooda iyo ilaalinta dimuqraadiyadda oo ah hantida qudha ee ay magac ahaan maanta u haystaan.
Weriyayaasha oo kulankaasi mid mid dhacdadan ra’yigooda uga dhiibtay, ayaa waxay iska daba mareen cambaaraynta talaabadda xukuumaddu ku cabudhinayso saxaafadda madaxa bannaan, iyaga oo madaxweynahana ugu baaqay inuu ka noqdo go’aanka gurracan ee uu ka qaatay xayiraadda HCTV iyo xadhigga la caadaystay ee weriyayaasha ka hawlgala warbaahinta xorta ah.
Waxayna ugu dambayntii madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga digeen cawaaqib xumada uu ka dhaxli doono cabudhinta saxaafadda hadii uu sidaa ku sii socdo, kuna soo noqon waayo tubtii dalku cagaha saaray ee illaalinta xoriyatul-qawlka iyo dimuqraadiyadda, iyaga oo xusay inaanu warbaahinta madaxabannaan ka helayn waxa uu ka doonayo oo ah ammaantiisa iyo roonoow Rayaalow caynaanka hay.!!

Source: TogdheerNews..Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.