Mid ka mid ah dhalinyardii caanka ka ahayd Burco oo ku geeriyooday xabsi Libya ku yaal

Muwaadin ka mid ahaa dhalinyardii caanka ka ahayd Burco oo ku geeriyooday xabsi ka mid ah xabsiyada Libya

 

Somaland.org (Tripoli Libya) Maalintii shalay ayaa waxaa xabsiga kuyaala magaalada Banqaasi,   oo ah caasimad kuxigeenka liibiya kugeeriyooday wiil uu abti u yahay gudoomiyaha golaha guurtida somaliland saleeban maxamuud aadaan.

Marxuumka geeriyooday oo magiciisa layidhaahdo Yaasiin Axmed Nugaal (Coodanle) waxaamarxuumka geeriyooday dhashay hooyo  Caasha Ciise Maxamuud, waxaana adeer ruma ahaa,  Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xanuunka uu marxuum Yaasiiin u geeriyooday ayaaa kasoo gaadhay xabsiga dhulka hooostiisa oo uu mudo sadex bilooda kuxidhnaa. Taas oo keentay in uu curyaamo, kadibna cunada qaadan waayo. 

Marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa dhaliinyarada sida wayn looga yaqaano magaalo madaxda gobolka togdheer, ee burco sikastaba ha ahaate waxaa maalinba maalinta kadanbaysa kasii daraya dhibaatada muwaadiniinta  reer somaliland kahaysata tahriibta iyo Liibiya, waxaana dhaliinyarada reer somalialnd ee kuxdhan xabsiyada liibiya lagu qiyaasayaa 14000

 

Cabsiyasiin Axmed (Yool)

cabdiyasiin@hotmail.com

Somaliland.org  Tripoli Libya

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.