Xukuumadda Riyaale Oo Albaabada U Laabtay Telefiishanka Caalamiga Ah Ee HCTV

 
Xukuumadda Riyaale Oo Albaabada U Laabtay Telefiishanka Caalamiga Ah Ee HCTV, Qaadayna Tallaabo Bilow U Ah Burburinta Saxaafadda Madaxa Banaan Ee Somaliland

“Maamulka Riyaale wuxuu Maalin gudaheed Isu Roggay Kii Mugabi Ku Haligay Zimbabwe”

Hargeysa, July 30, 2009 (Haatuf) – Ciidamada Bileyska ayaa shalay abaaro 6:00 fiidnimo albaabada u xidhay xafiisyadii iyo xaruntii baahinta ee Telefiishanka madaxa banaan ee caalamiga ah ee Horn Cable TV ee xaruntiisu tahay Hargeysa, kadib markii ay ciidamada Bileysku xoog ku galeen xafiiska maamulka iyo suuq-geynta oo ku yaal badhtamaha suuqa hargeysa iyo xarunta baahinta Telefiishanka oo ku taal duleedka dhinaca bari ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxay xabsiga u taxaabeen Suxufi ka tirsan telefiishankaas oo la yidhaahdo Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig).

Lama garanayo sababta dhabta ah ee keliftay in weerar waxashnimo oo noocan ah xukuumadda Riyaale ku qaado hay’ad warbaahineed oo madax banaan, hase yeeshee sida ay sheegeen hawl-wadeenada Telefiishankaas iyo goob-joogayaal wakhtigaas ku sugnaa xarunta iyo xafiiska maamulka Telefiishanka, ciidamada Bileyska ee fuliyay hawl-galka xoogga loo adeegsaday ee albaabada loogu xidhay Telefiishanka caalamiga ah may sidan warqad Maxkamadeed oo amraysa xidhitaanka Telefiishanka, waxaanay markii ay bileysku tageen goobahaas ku war-geliyeen hawl-wadeenadii iyo masuuliyiintii ku sugnayd inay amar lagu soo siiyey inay xidhaan xafiisyada Telefiishanka, sidaas darteed waxay shaqaalihii ku amreen inay joojiyaan gebi ahaanba shaqooyinkii ay gacanta ku hayeen, dibaddana uga soo baxeen xafiisyadooda, kadibna waxay qufulo dusha kaga jebiyeen xafiisyadii Telefiishankaas.

Inkasta oo aanay ciidanka Bileyska ee hawl-galkan fuliyey wax lagu qanco oo ay u cuskanayaan xidhitaanka xarunta TV-ga Horn Cable u sheegin hawl-wadeenadii iyo shaqaalihii ku sugnaa xafiisyada Telefiishankaas , haddana Askartan waxa ka muuqatay cadho badan waxaanad mooday inay yihiin kuwo si gaar ah loo soo balamiyey fulinayana amaro hoos loo soo faray.

Taliska Bileyska iyo Xukuumadda Riyaale ayaan iyaguna ilaa hadda ka hadal sababta keentay xayiraadda telefiishanka, hase yeeshee sida ay tibaaxeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhowdhow xukuumadda Riyaale ayaa sheegay inay tallaabadani hordhac u tahay qorshe ballaadhan oo beryahanba ay fekeraysay xukuumaddu sidii ay ugaga takhalusi lahayd hay’adda warbaahinta madaxa banaan xilligan oo ay Somaliland gashay marxalad xasaasi ah, taas oo u muuqata in xukuumadda Riyaale u xuub-siibanayso maamul keligii talis ah, iyadoo tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay ku tallaabsato lagu tilmaamay kuwo u muuqda inay dhinac iskaga leexisay hanaankii dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku dhisnayd.

Waxa kale oo ay tallaabadani daba socotaa xadhig iyo cago-jugleyn ay Saxaafadda madaxa banaan in dhowaanleba xukuumadda Riyaale ku haysay, iyadoo ay muddo saddex toddobaad ku dhow xabsiga ku haysa weriyeyaal ka tirsan Idaacadda madaxa banaan ee Radio Horyaal, kuwaas oo ay xeer-ilaalintu u dhoob-dhoobtay dacwad dhegaysigeedu ka socdo Maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo ku eedaynaysa inay baahiyeen kulan dhexmaray Madaxweyne Riyaale iyo odayaal reer Gabiley ah, kuwaas oo wada-hadal ka yeeshay shaqaaqada ka taagan Ceel-berdaale iyo fulinta go’aamadii ay guddi guurtida ah oo dhexdhexaadin ka gashay shaqaaqadaasi ka soo saartay.

Hay’adaha Saxaafadda madaxa banaan iyo kuwa xuquuqda aadamaha u doodda ee caalamka iyo kuwa gudaha dalka ayaa baaqyo ay soo saareen dhawaaq dheer ugu jeediyay xukuumadda Riyaale inay ka waantowda xadhigga iyo tacadiga ay ku hayso Suxufiyiinta iyo hay’adda warbaahinta, isla markaana ay xabsiga ka sii dayso labada suxufi ee Radio Horyaal ka tirsan iyo inay ka noqoto xayiraad ay Maxkamadda Racfaanka gobolka Hargeysa ku ogolaatay codsi ay Xeer-ilaalintu kaga dalbatay in la xayiro Telefiishanka HCTV, kadib markii ay Maxkamada gobolka Hargeysa is-hortaagtay dalabka Xeer-ilaaliyaha Guud ee xayiraadda Telefiishankaas, kaas oo ay Maxkamadda gobolka Hargeysa ku tilmaantay mid baalmarsan Xeerka Saxaafadda Somaliland.

Dagaalka ay xukuumaddu u qorshaysay inay ku burburiso Saxaafadda madaxa banaan ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo ajande qarsoon oo ay damacsan tahay xukuumadda Riyaale inay ku meel-marsato muddo kale oo ay talada dalka ku sii haysto si sharciga doorashooyinka baalmarsan, sidaas darteed ay doonayso inay iska aamusiiso Saxaafadda madaxa banaan si uu barnaamijkeedu ugu meel-maro.

“Maamulka Riyaale wuxuu Maalin gudaheed Isu Roggay mid la dhaqan ah Kii Robert Mugabi Ku baabi’iyey dalka Zimbabwi, kaas oo ay keli-talisnimadiisu ka faquuqday dunida, isla markaana baabi’isay dalkiisii oo ka mid ahaa dalalka ugu horumarsan Afrika, haatana geyaysiiyey reer Zimbabwe in loo dawaro quutal-daruuriga, isla markaana ay malaayiin qof oo reer Zimbabwe ahi ka qaxeen dalkooda qaarkood macluul ay ugu bakhtiyayaan, Riyaalena Somaliland oo aan weli la aqoonsan ayuu doonayaa inuu dariiqii Mugabi mariyey Zimbabwe ku rido Somaliland,” sidaa waxa yidhi Suxufi ka tirsan wargeyska Haatuf oo iftiiminayey hindisayaasha cusub ee maamulka Riyaale maagan yahay.

Ururada Saxaafadda Somaliland ayaa si weyn u cambaareeyeen tallaabooyinka lagu cabudhinayo warbaahinta madaxa banaan oo la rumaysan yahay inay door muhiim ah ka qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska qaranimada Somaliland, isla markaana ay yihiin hay’adda keliya ee ka sii hadhsan difaacayaashii xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, oo ka mid ah qodobada aasaasiga ah ee distoorku xaqa u siiyey muwaadiniinta Somaliland.

Dalada Midowga Suxufiyiinta Somaliland USJ ayaa si kulul u cambaareysay xayiraadda Telefiishanka HCTV iyo xadhiga Suxufiga Maxamed Ilig, waxaanay ku tilmaantay mid gef ula kac ah ku ah sharciga dalka, isla markaana ay xukuumaddu ka badheedhay inay albaabada u xidho saxaafadda madaxa banaan, waxaanay dalada Suxufiyiinta Somaliland u soo jeedisay xukuumadda inay xayiraadda ka qaado TV-ga, weriyaha la xidhayna xaalmarin ka siiso gefka lagula kacay oo xoriyadiisa degdeg loogu soo celiyo.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay Hargeysa ka soo saaray Gudoomiyaha dallada Midowga suxufiyiinta madaxa bannaan ee USJ Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo u qornaa sidan:

“Dalladda Midowga Suxufiyiinta Somaliland ee madaxbannaan USJ, waxay iyadoo aad uga xun kana murugaysan cambaaraynaysaa ficilka iyo tallaabada dhaqanka dimuqraadiyadda ka fog ee ay albaabada ugu laabtay galabnimadii shalay telefishanka madaxbannaan ee HCTV.

 Dalladu markii ay xog-ogaalsatay waxa ay xaqiijisay in uu marka hore jiray muran aan khusaynin amaba aan u qalmin in hawsha TV-ga lagu xanibo oo u dhexeeyey mulkiilaha telefishankaas iyo muwaadin  kale oo dayn ku lahaa, balse laga heshiiyey oo ay arrintaasi dhammaatay.

Tallaabada ay ciidammada boolisku albaabada ugu xidheen xafiisyadii maamulka ee TV-gaas, isla markaana xabsiga loogu taxaabay tifaftirihii telefishanka oo shaqadiisii caadiga ahayd ku jiray, waxa ay suxufiyiinta madaxbannaani u arkaan gef ula kac ah oo sharciga dalka khilaafsan iyo badheedh ay xukuumaddu ka badheedhay inay albaabada u xidho saxaafadda madaxabannaan oo hadda bilow ah.

Midowga suxufiyiinta Somaliland waxa uu ka digayaa, xukuumaddana ugu baaqayaa in telefishankaasi xorriyadda hawlmaalmeedkiisa loo soo celiyo, isla markaana la sii daayo, lagana xaalmariyo tifaftirihii TV-gaas oo dulmi ku xidhan. Sidoo kalena waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in aanay luminin qadarintii uu qaranka Somaliland ku lahaa dhawrida xorriyatul-qawlka iyo saxaafadda madaxabannaan.”

Inkastoo aanay tallaabooyinka noocan ah ee ay xukuumaddu kula kacdo Saxaafaddu ahayn kuwo cusub, haddana waa markii koowaad ee ay xukuumad Somaliland ahi albaabada u xidho hay’ad warbaahineed oo shaqaynaysa, taas oo Somaliland ku keeni doonta cambaareyn iyo sumcad-xumo ka weyn tii ay hore ugu mutaysatay xadhigyada ay suxufiyiinta kula kacdo, iyo isku-dayo hore oo ay warbaahinta qaarkood isku dayday inay ku xidho.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.