War Deg Deg Ah: Xukumadii Riyaale Oo Dalka Ka Saartay Masuuliyiintii Ka Socday Interpeace

(Hargeisa,Somaliland, Somaliland.Org)  Xukumada Somaliland ayaa saaka ciidan faro badan oo askara  hubaysan ah  u soo dirtay hotelka Mansoor ee ay deganayeen masuulitiintii ka socday hay’adii Interpeace, ee iyadu waday hawshii voter registerationka. Masuuliyiinta Interpeace ayaa gabi ahaanba loo diiday in ay la hadlaan saxaafada madaxa banaan intii aanay dalka ka bixin, waxaana hareera socday ciidan badan oo hubaysan oo ka horjoogay in wax xidhiidh ah la sameeyaan saxaafada.

Shalay ayaa hayd’ada interpeace soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeenayaan in hawshii Serverka tirada dadka is diiwaangaliyay  ay ka dhantahay, tirada iminka soo saareena tahay mid saxa, oo sugan.
Wara saxaafadeedkaa ayaa isagu u muuqday mid ka jawaabay hadalkii xukumada ee ahaa in diiwaangalinta soo baxaday aanay ahayn in buuxda. Waxaana la filayaa in xukumada oo ka cadhootay war saxaafadeedkaa Interpeace, saaka usoo dirtay ciidankaa hubaysan shaqaalaihii hay’ada interpeace ee iyagu waday hawshan.

Warkan la xidhiidha arintan oo faah faahsan kala soco Somaliland.Org

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.