Kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye iyo Jaaliyada Somaliland ee Washington DC

Kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye
iyo Jaaliyada Somaliland ee Washington DC
July 29, 2009

 Dr Mohamed and Somaliland Comm Washington DC by you.

Jaaliyadda Somaliland ee Washington DC ayaa xalay casho sharaf u samaysay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye.  Halkaas oo ay isku waydaarsadeen fikrado iyo warbixinta xaalada Somaliland halka ay maanta marayso. Xoghayuhu wuxu war bixin kooban ka siiyay Jaaliyada xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo nabad gelyo ee maanta Somaliland ku sugan tahay. Xubno Jaaliyada ka mid ahina waxay halkaa Xoghayaha ku waydiiyeen su’aalo waxaanay u gudbiyeen talooyin.

 

Xoghayaha socdaalkiisa oo ku soo beegmay wakhti ay Jaaliyadu maqashay in uu magaalada Washington DC joogo Mudane Abdillahi Ducaale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, oo aan wax xidhiidha ah ama kulana la samaynin Jaaliyada, iyada oo ay Jaaliyadu aad uga walaacsanayd heerka xun ee uu gaadhay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, balse ay Jaaliyadu aad ugu faraxday safarka iyo kulamadii uu Xoghahaya Arrimaha Dibadda ee Kulmiye la yeeshay saraakiisha dawlada Maraykanka, gaar ahaan Gudoomiye Donald Payne, oo soo afjartay khilaafkii xukuumada Somaliland kala dhex dhigtay Maraykana iyo Somaliland.

Jaaliyadu waxay aad iyo aad Xoghayaha ugaga mahadnaqaysaa sida uu u xaliyay khilaafkaa siyaasadeed oo walaac wayn ku hayay Jaaliyada Somaliland ee Maraykanka meelkasta oo ay ka joogaanba.

Xaashi Ismaaciil
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland
Washington DC

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.