Aaska masiibo weyn oo ay ku naf waayeen reer 7 qof ah, oo Soomaalida Sweden ku nooleed ahaa

( Somaliland.Org, Sweden) Magaalada Sweden ayaa manta waxa ka dhacay aas balaadhan, oo logu aasay  musiibo weyn oo ay ku naf waayeen 7 qof oo soomaalida reer Iswiidhan ah. Todobada qof ee dhintay ayaa waxa ay kala ahaayeen hooyo, shan carruur ah oo ay dhashay iyo gabadh qaraabo ah. 

 BubbleShare: Share photos – Easy Photo Sharing

Geeridaas naxdinta leh waxa sababay dab qabsaday gurigii ay degenaayeen . Aaskuna waxa uu maanta ka dhacay  dalka Sweden  2:da duhurnimo . Haddaba  jaaliyadaha iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Iswiidhan  oo ay hormood u yihiin labada masaajid ee Rinkeby ee Soomaalida iyo ururka Baddacas, ayaa iyagu aaskaa si balaadhan isugu soo diyaar gareeyay. Waxa aad halkan sare ka daawan kartaan sawirada Warya TV ka qaaday aaskaa manta.

Somaliland.Org

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.