Xildhibaan Golaha Wakiilada ka tirsan oo ugu baaqay Komishanka inay is-casilaan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa naqdiyay go’aanka Komishanka Doorashooyinku ku gaadheen in Diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada Madaxtooyada.

Xil. Ibraahim M. Buubaa waxa uu ku baaqay in la buriyo go’aanka Guddiga Doorashooyinka oo uu ku tilmaamay inay sii jeedinayso indhaha beesha Caalamka oo uu sheegay inay madaxbanaani Somaliland hesho ku qiimaynayaan in doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah, laguna galo nidaamka Diiwaangelinta oo ay Dhaqaale fara badan ku bixiyeen sidii loo hirgelin lahaa. “Waxa ayaan-daro ah iyo masiibo umadda Somaliland ku dhacday go’aanka xisbiga UDUB iska taagay ee ah ‘Doorasho bilaa Diiwaangelin ah hala galo.’ Waxa kale oo nasiib-daro iyo ceeb ah in Komishankii umaddan u dhaartay iska indho tiraan natiijada Diiwaangelinta ka soo baxday oo ay yidhaahdaan, waxaanu go’aan ku gaadhnay in Doorashada bilaa Diiwaangelin lagu galo, Diiwaangelinta dhinac la iska dhigo. Komishanku waxay khasaariyeen tacabkii beesha Caalamka iyo tacabkii bulshada Somaliland ee bacadka u taagnaa Diiwaangelinta, wax la aqbali karayana maaha.” Ayuu yidhi Xil. Ibraahim, wuxuuna intaa ku daray; “Tani waxay inaga sii jeedinaysaa indhaha beesha Caalamka, wax ay bulshada Somaliland iyo ta Caalamku aqbali kartana maaha. Waayo; waxa la hayaa natiijo dhab ah, waxa la hayaa liisas sugan iyo goobihii ay iska diiwaangeliyeen. Laakiin, sababta UDUB iskaga indho-tiraysaa waa ujeedo daciif ah oo aan Anigu u arko in aanay gebi ahaanba fahamsanayn halka reerku u guurayo iyo halka loo socdo. Daahir Rayaale iyo Xukuumaddiisu way ku guuldaraysteen, ceeb iyo fadeexad baanay faraha kula jirtaa markay iska indho tirtay natiijada Server-ka ka soo baxday. Sidaa darteed, waxaan soo jeedinayaa sidaa xisbiyada Mucaaradka oo aan Mucaaradnimo ka eegayn, balse danta dalka ka eegayaa u qaateen natiijada in loo qaato, laysugu duubnaado, laguna hawlgalo, isla markaana la buriyo go’aanka Komishanku soo saareen. Waayo; wax la qaadan karayo maaha, waxayna taasi ina tusaysaa hadar-daamooyinkii Komishanka haystay inay mar walba UDUB ka dambaysay. Go’aanka Komishanku waxyi iyo Qur’aan samada ka soo degay maaha, waana la jebin karaa. Midda kale, Interpeace waxay soo dhigtay saddex qodob oo ah; in natiijada Server-ka sidaa lagu aqbalo, in muddo dhowr todobaad ah la sugo adeeg qalab ka maqan iyo in bilaa Diiwaangelin lagu galo. Markaa  maaha in ka UDUB doonayso la qaato’e, waa in la qaataa ka danta dalku ku jirto, ka beesha Caalamka u cuntamaya iyo ka ugu wanaagsan.”

Xil. Buubaa waxa uu sheegay in go’aanka Guddiga Doorashooyinku ku laaleen Diiwaangelintu uu dhabar-jab u yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland, isla markaana uu niyad jebinayo bulshada Caalamka ee danaynaysa doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyay 27 September 2009. “Jaamac-Sweden (Guddoomiyaha Komishanka) iyo Cali-Biikolo (Guddomiye-xigeenka Komishanka) waxaan u soo jeedinayaa oo aan leeyahay; dareenka bulshada reer Somaliland ixtiraama, dareenka bulshada Caalamka ixtiraama oo xilka baneeya, lafihiinana u tudha Adduunku maanta uun maahee. Sidaa darteed, si doorashada loo badbaadiyo waxaan leeyahay xilka baneeya, haddii la yidhi Dhaqaalihii la idinku aamini waayay,” ayuu yidhi.

Ugu dambayntii, Xil. Buubaa waxa uu Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB u soo jeediyay inay aqbalaan natiijada Server-ku soo saaray.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.