Togdheer: Maxaad ka ogtahay Sanad dugsiyeedka Somaliland Iyo Suudal-dhaqaaqa Tahriibta

Burco(Somaliland.org)-Iyadoo haatan ayaamo yar uun ka hadhsan yihiin dhamaadka sanad dugsiyeedka Somaliland ee 2009, ayaa waxa soobaxaaya walaac weyn oo laga qabo in Suudal-dhaqaaqa tahriibtu saamayn weyn ku yeesho Soo laabashada qaar ka mid ah ardaydii sugsiyada Sare,Iyo Hoose dhexe ee ku maqnaa fasaxa Laba biloodka ah.

Ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaaya in qaar badan oo kamid ah ardayda dugsiyada gaar ahaan kuwa sare ay u dhaqaaqeen Safarka khatarta badan ee Tahriibta intii lagu guda jiray Fasaxa Lababiloodka aha

Sida ku cad baadhitaano ay Somaliland.org samaysay iyo xogo-dheeraad ah oo aanu ka helnay Jeelasha Liibiya,Xuduudka u dhexeeya Somaliland Iyo Jabuuti, Iyo Goobaha gaadiidka laga raaco ee Magaalooyinka Somaliland”Istaamada” Ayaa si weyn daaha uga qaadaaya in Arday tiradoodu badantahay ka tahriibeen Somaliland Gaar ahaan Gobolada Togdheer Iyo Awdal intii lagu guda jiray Fasaxa Sanadka 2009 Iyada oo ay jirto khatarta soo kordhaysa ee ku gedaaman Safarkan Bilaa sahanka ah “Tahriibta”

“Tan Iyo Intii lagu jiray fasaxa dugsiyada Magaalada Burco aradydu waa qul-qulaysay waliba badankoodu waa tahriibaayeen, maalin walba waxaad arkaysaa ku dhawaad ilaa 40 wiil oo dhalin yaro ah oo baabuurta sii raacaaya 40 30 kamid ahi haday ugu yaraato waa tahriib 10 kalena fasax ayay hargeysa tahayaan” Sidaasi waxa Somaliland.org ka soo xigatay mid ka mid ah Kaariyaasha baabuurta kireeya oo aanu kula kulanay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer

 Dhawaaqa dhadhanka erey ee”Tahriibtu” maaha waxa ku cusub dhagaha reer Somaliland hasa yeeshee waxa muuqata in sanadkan uu ka sii xawli badan yahay sanadadii hore, iyada oo taas badalkeeduna uu jiro culays weyn oo Dawlada Liibiya saartay safarka dhinaca badan ee tahriibayaashu bar-tilmaameedsan jireen, kadib hishiis ay kuwada galeen dawlada Talyaaniga

 Si kastaba ha ahaatee safarka tahriibtu waxa uu astaan lagu xasuusto u noqon doonaa xiligii Xukuumada Madaxweyne Rayaale dalka ka talinaysay, iyada oo ay taasi macnaheedu tahay in ay tiradii ugu badnayd Somaliland ka tahriibtay tan iyo intii ay xukuumadiisu talada dalka haysay

 Foosi Saleebaan Aw-Bindhe

Somaliland.org Burco

E-Mail-foosi36@hotmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.