Maxkamadda G. Hargeysa oo Xukun ku ridday eedaysanayaashii Qaraxyadii 29 October 2008

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun ku ridday 7 qof oo shan ka mid ahi maqan yihiin, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isugu jiraan kuwii soo abaabulay Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay 29 October 2008 iyo kuwo lug ku lahaa.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta 5 qof oo maqan ku xukuntay dil toogasho, kuwaas oo la sheegay inay yihiin kuwii soo abaabulay Qaraxyadii dalka ka dhacay sanadkii hore, halka 2 qof oo kale oo xidhan ay kaga xukuntay sanad iyo badh xadhig ah midkiiba. Hase ahaatee, markii Maxkamaddu go’aankaa ridday ayaa sidoo kale waxay fasaxday tiro kale, kuwaas oo ay ka biyo-diideen dadweynaha qaarkood, isla markaana qaarkood dib loo qabtay oo la xidhay. Ciidamada Booliska ayaa Rasaas u adeegsaday si loo kala eryo dadkaas, taas oo khalkhal gelisay dadweynihii halkaa ku sugnaa.

Wixii Warar ka soo kordha kala soco halkan

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.